“Xisbiga KULMIYE Wuxuu La Wareegay Dawlad Aan Gaadhsiisnayn Haleeya, Iskaba Daa Dalka Intiisa Kaloo”

1
2477

 

kayseHargeysa (Geesa) Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Md Keyse Xasan Cige ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu dalka ka maqnaa in mudo ah, isaga oo sheegay inuu safarkiisu isugu jiray hawlo badan. Waxaanu ka hadlay guud ahaan wixii uu kala kulmay qurba jooga Somaliland intii uu ku sugan dalka Sweden.

Md Keyse Xasan Cige waxa uu carabka ku dhuftay inay taladii dalka ee ay la wareegeen ahayd hal caato ah, taas oo ku micneeyey xukumad qarka u saaran bur bur, oo uu sheegay sida loo soo dhisaa inay adagtahay. Ugu horayn waxa uu ka hadlay safarkiisii iyo ujeedooyinka uu xambaarnaa, waxaana uu yidhi “Socdaalkayga marka hore waxa uu isugu jiray mid ii gaar ah iyo mid hawleed, hadii aan ka hawleed kuu sheego, waxa aan la kulmay jaaliyaddaha reer Somaliland ee ku sugan dalkaas, waxa kale oo aan ka qayb galay doodo badan  oo ay madaxda asxaabta kale ee Somaliland ay ku jireen, doodahaas oo sida runta ah lagaga hadlayay arrimaha maanta ka jira Somaliland iyo waliba halka ay wax marayaan. Haddii aan nuxurka ku sheegana runtii socdaalkaygaasii waxa uu ahaa mid si weyn ii soo jiitay, dareeno badana way qabaan dadka reer Somaliland ee qurbuhu waxaanay qabaan hadii ay shirbeeladyadu furmaan isla markaana la yidhi xisbiyadii waa la furanayaa waxay noqon karaan kuwo is biirsanaya oo wax yeelayn kara geedi socodka nabada”

Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye waxa uu ka hadlay sida qurba jooga reer Somaliland, gaar ahaana kuwa ku dhaqan dalka Sweden sida ay u arkaan in dalkii ay ka furnaa shir beeleedyo, waxaanu yidhi “Waxaanay runtii leeyihiin dadka qurbaha ku sugani shir beeleedyada wax-bay duminayaan, laakiin waxba ma dhisayaan, waxaanay qabaan in arrinta shirbeeleedyada ay ka wanaagsanaan lahayd in loo daba fadhiisto. Mida kale waxa ay dareen ka qabaan arrimahan lagu qabqabanayo dadka musuqa ku socda, kuwaas oo ay leeyihiin waa in xukuumadda loo daaya, waxa kale oo ay leeyihiiin mar hadii ay dadkii xukuumadii hore ee lagu eedaynayay musuqu ay dibada iska joogaan, waxa ay leeyihiin waa in la simaa oo iyada oo aan loo egayn kan ayaa madax ah sharciga lala wada tiigsadaa. Iminka qurbo joogii reer Somaliland waxa ay u soo hanqal taagayaan sidii ay dalka ugu soo laaban lahaayeen, waxaanay markan ku dedaalayaan sidii ay dalkooda hooyo wax uga qabsan lahaayeen, laakiin sida runta ah wadnaha ayay farta ku hayaan, waxaanay ka baqo qabaan in shirbeeleedyadan ka socda dalku ay wax u dhimaan nabadda” ayuu yidhi”

Md Keyse Xasan Cige waxa kale oo u ka hadlay shirkii golaha dhexe ee xisbigooda iyo khilaafkii dhawaan soo kala dhex xisbiga iyo gudoomiyaha golaha dhexe, waxaanu yidhi “Waxa uu afar sano u noqday shirweynaha golaha dhexe, waa tii sanadkii 2008-dii la kala gooyay, taasina waxay ahayd in aanay isku soo beegmin mudada shanta sano ah  ee dawladda, waxaana taas dabada ka riixayay qalalaasihii siyaasadeed, waxaana la isku af gartay shir ay isugu yimaadeen oo la yidhi tani dan ma inoo tahay, dhawaaqan uu guddoomiyah golaha dhexena muu ahayn mid isaga awood u siinaya, waxaana awooda iska leh xoghayaha guud ee xisbiga, xitaa dhawaaqa uu ku sheegay in shirweynihii golaha dhexe uu qabsoomi doono waxa aan la ogeyn guddoomiye ku xigeenkiisa golaha dhexe iyo wailba xogyaha, taasina hadda waa mid laga heshiiyay, hadii alle yidhaahdona shirweynihii golaha dhexe wuu qabsoomi doonaa”

Mar uu ka hadlaaayey xukumadii ay talada dalka kala wareegeen waxa uu sheegay in maamulka xukumadaasi uu dhaafi waayey haleeya oo Hargeysa ka tirsan, isla markaana waxa uu sheegay in gobolada dalka aanay si fiican u wada gaadhin, waxa uu yidhi mar kale “Markii aan dalka Sweden tagay wax badan ayaa la iga waydiiyay halka ay xukuumaddu wax marinayso, waxaanan ku idhi xisbiga kulmiye waxa uu taladda la wareegay iyada oo ay meel waliba burbursan tahay, oo xukuumadda wax qabadkeedu aanu gaadhsiisnay Haleeya, iska daa goboladda iyo degmooyinka kale ee dalka, markaa waxa aan leeyahay anagu neef caato ah ayaanu la wareegnay, neefkaasina way dhib badan tahay inta aad dib u soo naaxinayso, laakiin mudadii koobanyd ee ay xukuumaddu jirtay wax badan ayay qabatay.”

Comments are closed.