Machad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Hargeysa Oo Lagu Baran Doono Xidhiidhada Caalamiga Iyo Barashada Qorshayaasha

0
738

DSC00457

Hargeysa (Geeska) Waxaa xalay magaalada Hargeysa, lagu daah furay machad cusub oo ka shaqayn doonaa barashada xidhidhada caalamiga ah, kaas oo loogu magac daray abwaan Xaaji Aadan Axmed  Af-qalooc, oo aad ugu xeel dheera saadaalinta sooyaalka taariikhda Soomaalida, isla markaana ahaa abwaan xigmad la saaxiib ah. 

Wanqasha machadkaas waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo miisaan culus ku leh bulshada dhexdeeda, waxaana ka mid ahaa gudoomiyaha golaha wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), wasirka arrimaha guddaha Dr Maxamed Cabdi Gaboose, agaasimaha tacliinta sare, agaasimaha guud ee wasaaradda cadaalada, Sh Maxamed Cali oo ka tirsan culimada waaweyn ee Somaliland, Axmed Cali shire, Amiir Saalax, Suldaan Bare, masuuliyiin ka tirsan labada gole, dadka aqoonta u helka iyo marti sharaf kale oo badan.

 

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo furay wanqalka machadka cusub, isaga oo sheegay inay farxad weyn u tahay maanta inuu ku dhawaaqo machadka cusub ee uu magaciisu yahay Af Qalooc Institute for International Relations and Strategic Studies. Waxaanu yidhi “Waxaan qabaa inuu machadkaasi buuxin doono kaalin weyn oo ka banaanayd Somaliland. Runtii waxaa amaan mudan dadkii hindisaha lahaa ee hormuudka ka ahaa machadkan, wadamada caalamaka markaad eegto machadkan oo kale way leeyihiin, waa machad cilmi baadhis ah, waa machad tobabar bixin doona, waxaanan ku hambalyeynaa runtii dhalinyaradii hindisahaa lahayd, waxaan rajaynaa in furitaankiisa ay saxaafadu ka qayb qaadato, waxa kale oo aan rajaynayaa inay xidhiidh la sameeyaan machadada kale ee wadamada jaarka, si ay khibrad uga soo qaataan”  

 

Waxaa isna halkaas ka hadlay gudoomiyaha Machadka Nuur Faarax Xirsi oo ku dheeraaday macnaha ay leedahay siyaasadu iyo cida u ehelka ah . Ugu horayn waxa uu sharaxaad dheer ka bixiyey magac machadka oo ah Af-qalooc, kaas oo ahaa sida uu sheegay abwaan ku xeel dheer arrimaha iyo halka ay xiligii uu jiray ku socotay wixii la isku odhan jiray Soomaaiya. Waxaanu sheegay inay machad ahaan ku doorteen magaca Xaaji Aadan Af Qalooc aragtida dheer ee uu lahaa arrimaha daraasaadka ama ka faaloodka waxa soo socda iyo daacadnimada shaqsiyada Af Qalooc. Mar uu ka hadlaayey aqoontu uu u lahaa Xaaji Adan waxa uu sheegay inuu ku sifoobay shaqsiyad ka dheer gobolaysiga iyo qabyaalada. Wuxuu mar kale ku sheegay shaqsiyad u bisil siyaasada oo uu noociisu ku yar yahay dunida. Wuxuu tusaale u soo qaatay kalmad uu kotan sano ka hor yidhi iyo saadilin uu saameeye, wuxuu yidhi “Dib maxaa idiin celiyey  oo hore idiin diiday, mar uun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaya”. Wuxuu saadaaliyey wadciga ay maanta soomaliya ku jirto oo wuxuu yidhi “aakhirka inay meeshan (Soomaliya) noqon doonto meel qashinka aduunyada lagu soo qubo”.

 

Gudoomiyaha machadka Nuur Faarax mar uu ka hadlaayey ujeedooyinka loo aas aasay machadkan waxa uu sheegay inay kaw ka tahay isku day wacyi gelin ku saabsan fahmka siyaasada iyo xidhiidhada caalamiga ah. Wuxuu intaas ku daray in machadka ay ugu talo galeen ardayda jaamacada ka soo baxay iyo dadka kale ee jecel inay ka qayb qaataan arrimaha khuseeya fahmka siyaasada iyo xidhiidhada caalamiga ah. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay bixin doonaan xiisado koob kooban oo ku kooban heerka Diploma, hase ahaate wuxuu ku nuux nuuxsaday in mustaqablka taas laga gudbi doono. Waxa kale oo ka mid ahaa qodobada uu ka hadlay daraasaad ku saaban aminga qaranka, waxaanu sheegay in aanu amin ilaalintu ahayn oo kaliya qof qof dhagaystay, wuxuu tusaale u soo qaatay qiso ka hadlaysa xanuunka TB. “hadii kaloore dhaco waa arrin amnni xumo ah oo tacliinta umadu waa amin ilaalin. Wadankii aan ka ime ee Malaysia TB-du waxay ka mid ahayd  ahmiyada koobaad ee aminga qaranka. Hadii aad TB qabto waxaad khatar ku tahay amniga qaranka oo cagta dhulka laguu dhigi maayo. Markaa ninka nin uu dhagaysaano ka fikiraaya iyo ninka TB-da ka fikirayaa miyey wada socdaan”. Sida uu sheegay gudoomiyaha machadku waxaa dhawaan la qaban doonaan daraasad ku saaban is bar bar dhig dalka cusub ee koonfurta Suudan iyo Somaliland, hir gelinta qudbado ku saaban xalinta khilaafaadka. Machadka cusub waxaa la furi doonaan hortaana bisha August ee fooda inagu soo haysa. Sidaas waxaa yidhi gudoomiyaha machadka.

 

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo halkaas ka hadlay gaba gabadii xaflada wanqalka ayaa aad u soo dhaweeyey machadka cusub, isaga oo sheegay in loo baahan yahay machado noocan oo kale ah, kuwaas oo inta badan sida uu sheegay lagu gorfeeyo arrimaha siyaasada, balse aan ahayn meelo lagu jaan gooyo siyaasada uu qaranku yeelanaayo.