Jaaliyadda Somaliland Ee Konfurta Sudan: Dad Tayo Badan Oo Ku Dayasho Mudan

0
742

 

jahliyadaSoomaalidu dhaqan ayaa ay abidkeedba u lahayd in ay martida sooryeyso iyo in ay si kalgacal ka muuqdo u hayso muddada ay qariibnimada ka baxayso ama u dhaafayso halkii ay u socotay.

Bulshada reer Somaliland-na waxa weligeedba lagu tilmaami jiray dad martida xaq dhowr iyo xushmad badan ku haya muddada ay la joogto, in carruurta la qadiyo oo inta yar ee xeedhada ku jirta iyo gogosha la siiyo socotada ayaana ahaa dhaqanka lagu soo ababiyey dadkeenii hore, isku dul noolaanshiyaha iyo is-gacan qabashadana ajaanibka ayaaba xattaa u qiray. Laakiin duurfaha ku lammaan nolosha casriga ah ee qarnigan 21-aad, waayaha joogtada ah ee adduunyada iyo wacyiga siyaasiga ah ayaa wax badan ka beddelay dhaqannadii ay bulshadu lahayd.

Baahi ka warwarka, is colaadsiga siyaasadda iyo qabiilka, mashquulka iyo dadaalka adag ee raadinta daruuriyaadka nolosha waxaa ka dhashay in aanay cid is haleelin, ama aanay xasuusan waajibaadka sooryo ee martidu ku leedahay, waaba haddii aanu markaba Geeska gelin isaga oo ka eegaya, daaqadaha qabiil, siyaasi ama dabaqadda nololeed ee qofka oo hoosaysa, waa sababta keentay in maanta qofka safrayaa aanu isku hallayn jidka haddii aanu sii jaxaasan waxoogaaga dhuuniga ah ee uu ku jid mari karo.

Dareenkaas ayaan la qabay dad badan, walow aan akhyaar ka garanayey Jubba haddana marnaba kuma aan telogelin wixii aan la kulmay.

Waxa aan ka mid ahaa koox saxafiyiin ah dhowaan uu madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Siilaanyo u hoggaamiyey ka qaybgalka xaflad loogu wanqalayey dhalashada jamhuuriyadda Koonfurta Sudan ee madax bannaanida ka qaadanaysay, dal weynihii Sudan.

Goor fiid ah oo aanu magaalada Jubba gaadhnay, saraakiisha baratakoolka ee dawladda Koonfurta Sudan u xil saartay soo dhoweynta madaxweynaha Somaliland waxa ay na geeyeen guri, kadibna nagu wargeliyaan in maadaama oo magaalada aad u buuxdo, marka laga reebo madaxweynaha iyo masuuliyiinta sare intayada kale loo raadinayo goobo la dejiyo, laakiin cidiba ma sugin taas. Waxaa markiiba goobta yimi baabuur ay soo direen jaaliyadda reer  Somaliland ee koonfurta Sudan, waxaa lana geeyey goobo ay jaaliyadda reer Somaliland noo qorshaysay oo kala ahaa xarunta shirkadda MARA SHABBA iyo Dahabshiil.

Shirkadda MARA SHABBA (SS) Limited waa shirkad bixisa adeegyada, soo khallisidda badeecooyinka, iyo qandaraasyada soo iibinta iyo soo dejinta alaabooyinka, rarka badda iyo bariga iyo adeegyo kale oo ganacsi.

Shirkaddan oo ah shirkad aad u weyn, xarunteeduna tahay mid ka mid ah qasriyada ugu quruxda badan magaalada Jubba waxa ay xarun kale ku leedahay dalka Kenya, waxaana leh muwaadinad u dhalatay Somaliland oo deggen Kenya.

Dhammaan martidii saxafiyiinta ahayd waxaa loo qaybiyey labadan shirkadood oo u diyaariyey, qolal jiif, cunto, internet ay ku shaqaystaan iyo weliba gaadiid lagu geeyo hadba halka ay hawl uga baahdaan.

Waxaa intaaba ka mudnaa wejiga furan iyo soo dhoweynta qiimaha badan ee lagu qaabilay waftiga madaxweynaha.

Magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Sudan waxaa ku nool jaaliyad u dhalatay Somaliland oo u badan dhalinyaro, oo aad mooddo in ay wacad isku marsadeen in aanu habeen dactiro dareemin qof ay calan kuwada abtirsadaan oo ugu yimi magaaladan qurbo nacaska ah oo ah magaalo nolosheedu aad qaali u tahay.

Sidoo kale waxa ay jaaliyaddu caasumad aad u qiimo badan oo dhammanatayo xasuusisay cuntadii Hargeysa u sameeyeyeen dhammaan waftiga oo uu hoggaaminay madaxweyne Siilaanyo, oo isaguna ku ixtiraamay in uu soo jaro qado loogu talogalay madaxweynayaasha ka qayb galayey dabbaal-degga dhalashada K/Sudan si uu uga qayb galo qadada jaaliyaddu noo diyaarisay oo ay isku waqti noqdeen.

Jaaliyadda Somaliland ee Juba:

Tirada jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool Jubba, marka laga reebo inta socodka ganacsi ku timaadda ee aan deggnayn waa inta u dhaxaysa 80 illaa 100 ruux, oo in ka yar toban qof ay yihiin dumar, dhammaantood waa soolane marka laga reebo laba xaas oo mid deggen yahay magaalada Jubba kan kalana magaalada Yei.

Waa dad u badan dhalinyaro aqoon yahan ah oo wax ku soo bartay jaamacadaha dalka Sudan kadibna shaqooyin ka helay shirkadaha ganacsi ee reer Somaliland ku leeyihiin koonfurta Sudan oo ay ugu weyn yihiin shirkadda Dahabshiil iyo MARA SHABBA, shaqooyinka kale ee la qabto waxaa ka mid ah ganacsiga dhexe oo u badan ka ganacsiga dhismaha iyo shidaal iyo weliba darawaliin wada gaadiidka xamuulka oo rarka ka soo qaada Kenya iyo Uganda.

In kasta oo badanka dadka reer Somaliland ay joogaan caasimadda Jubba haddana waxaa jira midhadh jooga gobollada kale, oo u badan shaqaalaha shirkadda Dahabshiil, si kastaba ha ahaato ee waa dad aad isugu xidhan oo aad mooddo qoys keliya, xidhiidhkooduna adag yahay.

Qaabka ay dadka u soo dhoweeyaan:

Sida ay ii xaqiijiyeen qaar ka mid ah xubnaha firfircoon ee jaaliyaddu, marka uu qof marti ah oo reer Somaliland ahi yimaaddo Koonfurta Sudan waxaa markaba isu habar wacda jaaliyadda oo dhammaantood ah dad shaqeeya, kadib waxaa la iska ururiyaa dakhli qofkaas meel lagu dejiyo inta shaqo loo raadinayo, dad badan ayaana qaabkan ugu soo biiray jaaliyadda kadibna kaalintooda qaatay, haddii uu socoto yahayna waxaa la dejiyaa inta uu dhaafayo koonfurta sudan ama ka soo noqonayo iyada oo weliba loola diyaar yahay in laga kabo haddii dhibaato dhaqaale caqabad ku noqoto sii wadista safarkiisa. Sidoo kale qofka jaaliyadda ka mid ah ee xanuunsada ama culays dhaqaale soo food saaro waxaa loo sameeyaa qaadhaan lagu taageero.

Sharciyadda joogitaanka dalka:

Dadka reer Somaliland ee jooga Koonfurta Sudan waxa ay isugu jiraan kuwo sharciga joogitaanka kala yimi dhanka woqooyi oo ay wax ku soo barteen iyo kuwo si toos ah Koonfurta maamul hoosaaskii ka jiri jiray uga qaatay sharciga joogitaanka, arrinta xusidda mudani waxa ay tahay in laanta socdaalka ee Koonfurta Sudan si rasmiya u aqoonsantay baasaboorka Somaliland kaas oo ay qaar ka mid ah jaaliyaddu ku haystaan sharciga joogitaanka dalka.

Amniga iyo dhex galka bulshada;

Dadka reer Somaliland ee ku nool Koonfurta Sudan waxa ay haystaan amni buuxa iyo weliba soo dhoweyn ay kala kulmaan muwaadiniinta dalka, sida ay ii xaqiijiyiin xubno ka mid ah jaaliyaddu bilowgii hore Koonfurta Sudan lagama jeclayn guud ahaanba Soomaalida oo lagu tirinayey in ay yihiin carab, marka laga reebo aqoon yahanka iyo saraakiisha ururka dalka xoreeyey ee SPLA oo iyagu aqoon dheer u lahaa taariikhda SNM isla markaana xog ogaal u ahaa arrimaha Somaliland, balse muddooyinkii dambe, dadka siyaasadaha dunida la socda oo dalka ku soo batay iyo jaaliyadda reer Somaliland oo dadaal fiican sameeyey ayaa keenay in dadka deegaanku kala bartaan Soomaalida Somaliland iyo kuwa Soomaaliya iyaga oo si gaar ah oo qaddarin badani ka muuqato u soo dhoweeya reer Somaliland oo ay u arkaan in ay isku qadiyad ahaayeen. 

Farriinta Jaaliyadda:

Mar aan ka waraystay jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka K/Sudan waxa ay jeclaan lahaayeen in ay u qabato dawladdooda Somaliland waxa ay ii sheegeen in fursadda ugu fiican ee jirtaa tahay dawladda K/Sudan oo aad ula dhacsan qadiyadda Somaliland diyaarna u ah in ay wax la qabato, sidaa awgeed ay ku talinayaan in ay xukuumadda Somaliland mar dambe ku soo noqoto oo ay uga faa’idaysato adkaynta xidhiidhka guud ahaan iyo si gaar ah inay dalbadaan safaarad ay ka furtaan magaalada Jubba.

Markii aan arrintaa sii dabagalayna waxa aan ogaaday in mar ay jaaliyadda Somaliland la kulantay masuuliyiinta Koonfurta Sudan oo ay ka mid ayaaheen wasiirka hadda ee arrimaha dibadda Mr. Deng Alor iyo wasiirka warfaafinta ay u ballan qaadeen in ay Somaliland u ogolaadaan inay Jubba ka furato safaarad si loo adkeeyo xidhiidhka labada dhinac.