Ambassador Nuuriye Oo Ka Hadlay Sida Uu Ku Iman Karo Ictiraafka Qadiyada Somaliland

1
837

 

157_6031Hargeysa(Geeska)-Diblomaasiga ruug cadaa ah oo mudo badan kasoo shaqeeyay Arimaha Siyaasada iyo Diblamaasiyada, Ambasador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, oo xilal kala duwan kasoo qabtey Dowladii hore ee Soomaliya iyo Xukuumada Somaliland islamarkaana, Safiir kasoo ahaa dalalka

Canada,Nayjeeriya, iyo dalka Itoobiya oo uu Wakiil uga haa dabyaaqadii Xukuumadii Madexweyne Rayaale, ayaa ka hadlay qaabka aqoonsiga loo raadin karo.

Waxa uu Amsador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye waxa, uu  markii u horeysay ka hadlay arimo la xidhiidha qaabka loo baadi goobayo wakhtigan Arimaha Ictiraaf Raadinta Somaliland ee dunida Caalamka iyo aragtida uu ka qabo shakhsi ahaan, iyo waliba xil uu saluugay oo Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), u magacaabay dhawaan iyo arimo kale oo xiisa badan.
Waxaanu Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, uu hadalkiisa ku bilaabay, “Anigu hadaan ka hadlo arinta ictiraaf Raadinta Aqoonsiga Somaliland,fikirkeyga Shakhsiga ah iyo waaya aragnimdeydaba, horta Ictiraafku maha Mucaawimo sida(Releaf-Aid)ka oo kale ah oo ay dowladi ku caawinayso dal aqoonsi raadinaya, waa masaalax dhex mara laba dal, oo ku salaysan dhaqaale ama Siyaasad, ma aha sida mucaawimada beryihii hore Soomaaliya waxay ku taalay meel istiraatijiyad ah dowladi dowlad ahaday ictiraafeyso, waa in ay jiraan masaalix ka dhexeeya,ooa ay u baramataan dowladaha Waaweyni in ay saldhig ku yees isrtaraatijiyadhaan sida quwadaihii waaweynaa ee Ruushka iyo Mareykanka, taasi hada meesha wey ka baxaday waayo Ruushkii, Majiro Super-Power kaliya ayaa jira dunida, markaa hadaynu usoo noqono dalkeena maanta waa dal yar majirto staraatijiyad balaadhan oo Dunidu inaga yeelanayso,waxase jirta arinta budhcad badeeda oo hada dunidu aad u hadal hayso taas, oo aynu kasoo galeyno dhinaca Badda Cas oo ay imika u jeesatay israatijiyada ilaalinta dariiqa, taa masaalixo weynu ku leenahay waaneynu ka qayb galnaa Shirarka arintaas ku wajahan,

dhinaca kale masaalixa kale ee jira, waa mid dhaqaale, waayo dhaqaalaha waxa ka iman kara in uu yahay mid israatijadeed ama sida Macadanta, ama Batroolka ama sababo kale”Ayuu yidhi Maxamed Sheekh
Xasan Nuuriye.

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku darey, “Waxa jira dalal yar yar oo ku yaala Khaliijka, oo badidoodu dunida ku leeyihiin Safaarado Caalamiya,oo dalal badani ku leeyihiin taas, waa suurta gal in aynu ku guulaysano istaraatijyadaa dhaqaale,laakiin waxay u baahan tahay wakhti dheer oo laga shaqeeyo iyo qorshe Siyaasadeed oo la dejiyo,oo ku saleysan (National Consecess), wax umadu isku waafaqday, oo   Xukuumaduna  ku dajisaa Siyaasad ay ku shaqeyso Wasaarada ku shaqada leh (Arimaha Dibadu) sidaa ku hogaamiso waxa kamid noqon kara arimahaa aan sheegayo waa in marka hore aynu dhaqaalaheena aad u hagaajino,oo aynu ka dhigno mid soo jiidasho (aractive)u yeelan kara Dowaladaha Waaweyn ,ee Maalaglinta ku sameeya Aduunyada kale, ee Tusaale ahaana raadinaya Sida Macadanta oo kale,Batroolka oo kale ,Biyaha iyo Beerahaba.”Ayuu yidhi. Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa.

“Majirto sida muuqata Dowlad weyn oo aynu ilaa hada ku soo jiidanay Macadanta ku dihin dalkeena, laakiin waxey taasi u baahan tahay dedaal badan, iyo aynu si weyn u hagaajino dhaqaalaheena, hadaba sidee loo hagaajinayaa dhaqaalaha , waa in habasami u socodka Miisaaniyada iyo Maaliyadu nadiif noqdaan sideedaba, oo laga ilaaliyaa Musuqmaasuqa oo Xisaabaadkiisuna (Acconutable)yihiin,oo haystaan weyga Xisaabta taasi waxey keenaysaa in Aduunyadu ina Aaminto, oo yidhaahdaan dalkaasi waa dal waxa la dhigan karo oo aamin ah Somaliland oo kaliya ma aha waa waxyaabaha Aduunyadu isku qadariso waayo Shirkada kuu imanaysaa waa in ay hubtaa in maalkeedu nabedgelayo, waa in ay hubtaa in ay maalkeedaa la bixi karto marka ay  ubaahato, waxyaabaha la inooga baahan yahay in aynu ku shaqeyno weeye(investment-polcy) Sidoo kale Maamulku waa in uu yahay mid aqoon ku dhisan oo aqoon lagu xulayo ma,aha in uu yahay mid reer reer lagu dooranyo waayo Shacbigeena reer Somaliland, dad badan oo aqoonyahan ah oo wax kusoo kordhinaya dalka, anuu malihi Xukuumadani wax ma qabaneyso, wey dedaalayaan haseyeeshee,dalka doonaya in ay Aduunyada si fiican ula socdaan waa in uu Maamulkiisu mid shaqeynaya oo fiican noqdaa Anuu umalayn mayo in uu nin dibada kaligii wareegayaa, oo kolba dal tagayaa, oo markuu soo noqdana odhanya guulbaan gaadahy Iu maleyn mayo
in ay taasi xaqiiqada ku qotonto, Waayo Adiss-ababa ayaan joogay shan iyo labaatan dal oo Yurubiyan ah ayaa jooga, Safiir aanaan is arkini majiro, kuligood waxey ku odhanyaan waanu idin aqoonsaneynaa balse, horta Afriki ha inaga horeyso, nin isagu yidhi kalidii anigaa soo anaba baxaya lamaan kulmin in xaga dhaqaalaha iyo israaatijiyadaba dowlado lagu soo jiidan karaa laakiin imika xaalku siduu yahay, inaga Siyaasadeena xaga Ictiraafka Afrikaa lagu xidhay waa xaqiiqo taasi, ta kale wxaan maqlaa niman badan oo leh Southern Sudanbaa go,aday ,ama Eleteriya waa run taasi laakiin waxaa jira dalkii weynaa ee ay ka go,ayaeen ayay la hesheeyeen koonfurta Suudaan kharduum ayay la heshiisay,shan sano ayaa la eegayay shantaa sano kadibna waxa lagaa qaaday cod kaas oo ay ku go,aamiyeen in ay go,aan Eleteriyana saas oo kale ayay aheyd inaga markaa xadhigu waxa uu inagag xidhan yahay,Dowladaa joogto meel ay go,aan ku gaadhi karto”Ayuu yidhi Amabasdor Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye.

Sidoo kale isagoo ka jawaabaya Su,aal la weydiiyay oo aheyd side baynu kaga dhamaysan karnaa howshaa Xamar isagoo ka jawaabaya waxa uu yidhi.

“Ilow iyo ilow waa in ay Xamar ka dhisanto Dowlad Macquul ah oo u arki karta in ay masaalixooda iyo keenaba ay dan u tahay in ay ina aqbalaan oo ay ogolaadaan in aynu kala baxno oo laba dowladood oo jaar ah oo Walaala ah noqono, laakiin Xamar inta ay sidaa u qasan tahay ee rabshadaa kujirto u maleyn may in Leadershipka Muqdisho ogaalanayaan arintaas, laakiin inaga Somaliland mar kasta waxaa la inooga baahan yahay in aynu dhabar adeyg la nimaadno oo qurxino dhaqaalaheena,Aduunayada weynu la macaamilnaa waa in aynu la macaamilnaa”Ayuu yidhi Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye.

Comments are closed.