Hay’adda Mercy Corps Oo Dhismayaal Cusub Ka Hirgelisay Xarunta Agoomaha

0
2413

 

jidhif iyo samsamHargeysa (Geeska) Hay’adda Mercy Corps oo ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee dalka jooga,  ayaa xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa ku wareejisay dhisme cusub oo ay dhawaan hay’addu u dhistday xarunta agoomaha.

Munaasibad loo qabtay wareejinta dhismayaasha cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta ugu saraysa hay’addaha Mercy Corps ee Somaliland, wasiirka waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan, agaasimaha xarunta agoomaha Caasha Maxamuud Qaalib, xubno ka socday ururka haweeka ee Somaliland, masuuliyiin kale iyo qaar ka mida caruurta agoomaha ee halkaas ku jiray.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay madaxa ugu sareeya hay’adda Mercy Corps Mr. Maxamed Xasan Jidhif, waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey wasiirka waxbarashada Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, isaga oo soo badhigay waxqabadka hay’adda Mercy Corps, waxanu yidhi “Halkan waxaanu ka dhisnay hoolkan aynu ku jirno, laba fasal waanu ka dhisnay, sideed qol oo kuwa la seexdo ah waxaanu ku samaynay dib u habayn. Baahida waxaa noo soo sheegtay marwada madaxweynaha iyo wasiirka oo naga soo codsaday. Waxay noqonaysaa Mercy Corps intii ay qabatay dugsigii 54-aad ee ay ka dhisto Somaliland.”  

Jidhif ayaa intaas ku daray inay hataan dhamaystireen ceel biyood u gaara dugsiyada oo laga qoday Geed Deeble, waxaanu yidhi “Waxaanu samaynay ceel biyaha looga keeno dugsiyada iyo bulshada halkaas joogtaa ay ka cabaan, insha allah wax danbe iyo baahidu waxay tahay waxaanu ka wada hadlaynaa wasiirka oo aad iyo aad runtii aan u soo dhawaynayo oo aan leeyahay wasiirada kale haku daydaan.. Intii aanu la shaqaynayna iyada iyo wasaaraddeeda aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay oo is bedel weyn oo runtii la taaban karo ayey muujiyeen, intii imika ay joogtay oo mudo yar ah 12 dugsi ayaanu maraynaa iyo ceelasha biyaha iyo xanaanooyin (MCH)”

Mr Jidhif waxa uu cid kasta oo ku jirta hawlaha shaqo ee horumarinta bulshada ka codsaday in lala shaqeeyo qofka ka soo baxa shaqadiisa. Waxaanu intaas ku daray in hay’adda Mercy Corps ay tahay mid ay ku badan yihiin dada Soomaalid ah ee jecel dalkooda iyo dadkooda, waxaanu yidhi mar kale “Hawlaha danbe ee soo socda ee aanu qaban doono hadii ilaahay yidhaahdo talo ayaanu ka leenahay, waanu isku aragnay wasiirka. Wadankeeda marwo Samsam Cabdi Aadan, umadeeda, dugsiyadeeda iyo wasaaraddeeduba intuba waxay u baahan yihiin dusha ayey ka haysaa, midna kama leexanayso. Angu waanu is aragnay oo waanu balanay waxay doonayso way noo sheegtay, anaguna waxaanu doonayno waanu u sheegnay. Dawladda, madaxweynaha iyo hay’addaha kae ee nala midka ah ama UN ha ahaadaan ama ururo caalamiya ha ahaadaan waxaanu ka codsanaynaa qofku markuu umaddiisa u shaqaynayo in aad loola shaqeeyo. Waxaad nagu ogaataan hay’addayadu in aanu Soomali u badanahay, ilaa kuwa Nairobi noo jooga ee gaalada la moodo, anagu gaalo ma nihin, laakin hay’addaydu waxay u badan tahay rag Soomaali ah oo wadankooda jecel oo wax qabad jecel, wasiirkuna way naga war haysaa, tartana dadbaanu ku wada jirnaa, anaguna wixii aanu qabano ayaanu leenahay hadii ilaahay yidhaahdo, hay’addaha kalena wixii ay qabtaan ayey leeyihiin. Aduunyada ayaaba iska tartan ah.

 Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo iyana halkaas ka hadashay ayaa sheegtay inay soo dhawaynasyo wada shaqaynta hay’adda Mercy Corps. Waxaanay madaxa xarunta agoomaha kula dar daarantay inay u dhabar adaygto hawlaha shaqo ee hor yaala, waxaanay tidhi “Maanta waxaanu la wareegaynaa hadii aanu nahay wasaaradda waxbarashada iyadoo ay wakiil nooga tahay marwo Caasha Maxamuud Qaalib xaruntan agoomaha hoolkan qadada oo ay u dhistay hay’adda Mercy Corps iyo sideed maqsin oo hurdo ah oo dib u habayn loogu sameeyey caruurta iyo laba fasal oo loo dhisay. Runtii caruurta qofkii wax-taraaba ama hay’add ha ahaato ee cidii hay’addaas ka soo dhiraan dhirisay ayuu ajarku u tagayaa, waana sadaqo jaari ah. Runtii markii hore ee aanu u nimi caruurta dhulka ayey wax ku cuni jireen, markaa ta nagu kaliftay in hoolkan cuntada loo sameeyo taas ayey ahayd. Hay’adan Mercy Corps aad ayaan ugu mahad naqayaa oo waxay saddex dugsi nooga dhistay bariga Sanaag. Imikana sideed ayey nooga dhiseen. Runtii Mercy Corps wax badan oo wasaarada ay la qabteen ayaa jira” Sidoo kale wasiir Samsam Cabdi Aadan waxay mahadnaq u soo jeedisay Caasha Maxamuud Qaalib iyada oo ku amaantay is bedelka ka muuqda xarunta agoomaha mudadii yarad ee ay joogtay, waxaanay kula dar daarantay inay u dhabar adaygto shaqada daryeelka caruurta ee dhibka badan. Ugu danbayntii wasiirka waxbarashada, madaxa hay’adda Mercy Corps, agaasimaha xarunta agoomaha ayaa ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee ay Mercy Corps ku soo kordhisay xarunta agoomaha ee Hargeysa.