“Madaxweyne; Eedaymaha Aad U Jeedin Jirteen Xukuumadii Hore, Ma Waxay Ahayd Inaad Xilka La Wareegtaan Mise Inaad Saxdaan?

0
3972

Picture3Su’aal Uu Weriye Geeska Afrika ka tirsani shalay Madaxweynaha weydiiyay Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay

 

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafti uu hogaaminaayo,ayaa shalay safar ugu kicitimay dalka Turkiga oo uu sheegay inay wada hadalo la soo yeelan doonaan.

Madaxweynaha oo safarkiisan ka hadlaayay ayaa sheegay inay arimo badan oo dhanka dhaqaalaha iyo xidhiidhka ah ay ka soo wada hadli doonaan dalka Turkiga,sida oo kale waxa uu jawaab adag oo dhanka mawqifka Somaliland ah u diray madaxweynha Somaliya, waxaana safarkiisan ku helinaayay wasiirada arimaha dibada,macdanta,ganacsiga iyo maalgashiga caalmiga ah. Sida oo kale waxa uu madaxweynahu ka jawaabay su’aalo kooban oo warbaahintu waydiisay. Ugu horayntii madaxweynaha oo ka warbixinaayay safarkooda waxa uu yidhi  “Waxaan halkan idiinka sheegayaa in wafti aan wato aanu  u anba baxayno dalka Turkiga halkaas oo aanu martiqaad ka helnay iyada oo aanu la kulmi doono madaxda dalkaas anaga oo ka wada hadli doona danaha ka dhaxeeya labada dal iyo wixii dani inoogu jirto, waxaanu rajaynaynaa inaanu dalkaas kala kulano marti qaad fiican iyo inaanu ka wada hadli doono wixii ay dani ugu jirto labada dal.dalkaas waxa inaga dhaxeeya dano taariikh ah mucaawinooyin badana waynu ka helnaa,waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin  macdan baadhista ayaana ka mid ah waxyaalaha inaga dhaxeeya arimahaasna waanu ka soo wada hadli doonaa.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu jawaab kulul warbaahinta u mariyay madaxweynaha Somaliya  “waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan ka cadeeyo hadalo inta badan ka soo yeedha madaxweynah Somaliya  Xasan Sheekh Maxamuud  kaas oo uu ku tilmaamo inay wadahadal na dhex mari doonaan inaanu nahay dal ay isku soo noqon doonaan, waxaanu halkan ka cadaynaynaa oo aanaan marna ka xiiqaynin  inaanu cadayno inay Somaliland tahay qaran madax banaan hadii la wada hadlo iyo haddii aan la wada hadlinba aan marna laga noqoynayn madax banaanida wadanka oo aan ahayn mid  caadifad ku dhisan ee ay tahay wax umadani ku tashatay wixii soo marayna la ogaa iyada oo madax banaanida somaliland ay  tahay mid muqadas ah laakiin wixii wada hadala, wixii dana  iyo wixii is af garad ah wax aanu ka qabnaa ma jirto, laakiin waxaanu mar walba cadaynaynaa inaanay arintaasi ahay mid caadifad ku dhisan, waxaanan rajaynaynaa inaan safarkaas kala soo noqono guul.”

Warbixintaas ka dib waxa madaxweynaha qolka nasashada ee madaarka Hargeysa oo uu ku hadlaayay ay warbaahintu ku waydiisay laba su’aalood waxaanay kala ahaayeen

 

Su’aal weriye Maxamed Cabdi Boosh (Horn Cable Tv) Mudane Madaxweyne sida wararku sheegayaan waxa aad la Kulmi doontaa Ra’isal wasaaraha Turkiga Md.Erdogan, sida aynu ka warqabnana Turkigu waxa uu marti gelinaayey wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya wada hadaladu marxalado kala duwan ayey soo mareen in kastood sheegtay in aanay Somaliland ka noqon doonin madaxbanaanida ay ku dhawaaqday 22 sano ka hor, maxay Somaliland ka rajaynaysaa wada hadalada dhici doona dhawaan?

Madaxweyne Axmed Siilaanyo:-Anaga waxa halkaas la’nooga yeedhay kuma saabsana waxa wadahadal ah oo labadayada dal ka dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, mana ah mid aanu tegayno oo aanu u socono hada taasi balse waa mid labadayada Dal ee Turkiga iyo Somaliland u gaar ah tan aanu hada u soconaa.

Weriye Maxamed Taajir (Wargeyska Geeska Afrika) Madaxweyne waxa jira wakhtigan xaadirka ah muddo saddex sano ku siman ayaad xilka haysay, wakhtigii aad mucaaradka Kulmiye ahayd intaanad talada dalka qaban waxyaalo badan oo aad ku dhaliili jirteen xukuumadii idinka horaysay ayaad hada ku kacdaan oo ay ka mid yihiin mudaharaadadii oo la joojiyey dabcan wada tashiyada lagu baaqo oo si adag looga horyimaado, eedaymaha aad u jeedin jirteen xukuumadii hore ma waxay ahayd inaad xilka la wareegtaan mise inaad saxdaan ayaad doonaysaa?

Madaxweynaha Axmed Siilaanyo:-Anagu wax aanu saxno mooye waxa aanu ka hornimaadnaa ma jirto waxa aanu wadnaa waa toosin iyo wax wanaajin uun, wixii aanu ka hornimaadnaana waa wixii dumin ah iyo wixii dhibaato u horseedaya ee dalka waanu ka hornimaadnaa oo aanan ogolayna, balse wixii dalka wax u taraya ee wax ku kordhinaya taalo haday tahay rayi haday tahay waanu soo dhawaynaa shacbiga iyo ummadda Somaliland waanu wada soconaa waanagaa wada shaqaynayna meelwalbana wax ka qabanay mashaariicdii aanu meel walba ka fulinay ayaa markhaati ka ah iyo horumarka dalku samaynaayo insha allaahu tacaala taasina hore ayeynu ugu sii talaabsan doonaa inaga oo shacab iyo dawladba wada jirna.