Hargaysa( Geeska )- Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka iyo horumarinta Dr.Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inaanay sida muuqata ku guulaysan qorshahii horumarineed ee loogu talo galay lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxa uu wasiirku sheegay in qorshahaas hirgalintiisa oo intiisa badan ay ku xidhnayd hay’adaha aanu hirgalayn.
Waxa uu sawiirku niyad wanaag ka muujiyay in ay wadaan sidii looga dhaadhacin lahaa in hay’adahu ay ku saleeyaan waxii ay dalka u qabanayaan qorshaha horumarinta qaranka, isla markaasna waxa uu xusay in ay ku hawlanyahiin sidii ay u dhaqan galin lahaayeen sharci lagu xakamaynaayo hay’adaha dalka ka shaqeeyo.
Dr.Sacad Cali waxa uu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo xafiiskiisa ku siiyay wargayska Geeska Afrika, waxaanu waraysigaas kaga hadlay liidashada bilicda magaalada iyo qashinka magaalada caasimada ah tuulan, taas oo uu ku tilmaamay inay ka xishoodaan ka jawaabisteeda marka wufuud caalmiy ah ay timaado dalka ee ay wax ka waydiiyaan.
Sida oo kale waraysigaas waxa uu wasiirka qorshyantu kaga hadlay muhiimada horumarka dalka ay u leedahay ilaalinta wakhtigu, waxyaabaha ay ka qabteen shaqo la’aanta iyo ugu danbayntii sida looga adkaan karo shaqo la’aanta iyo arimo kale. Waxaanu waraysigaasu u dhacay sidan.
Wasiir Sacad waxaad ka mid ahayd masuliyiinta qurba joogta ahayd ee xilka ka haya xukuumadan, muddo ayaanad dalka imika ka shaqaynaysay, wax aad la yaabto maxaad intaas la kulntay?
Marka meel la yimaado ee aad meel kale ka timaado, waxaad la kulmaysaa waxyaabto ama aad la dhacdo ama la yaabto, waayo meesha aad ka timi dhaqankeedii iyo nidaamkeedii waa uu ka duwan yahay meesha aad timi, inkasta oo aanay Somaliland igu cusbayn oo aan iman jiray sanad walba inta badan, haddana waa ay ka duwantahay markaad u timaado socdaal yar.
Waxyaabaha ay ku kala duwan yahiin dhulkaas aanu ka nimi iyo halkan waxa kamid ah, qiimaynta wakhtiga haday noqoto balan iyo hadday noqoto buuxinta wakhtiga iyo ka faa’idaysigiisa, inkasta oo aynu dad muslin ah nahay oo diinteenu ina farayso inaynu ilaalino balamaha, dad balan wanaagsan way jiraan oo waa ay badan yahiin, laakiin waxaad moodaa qofku isaga oo aan ugu talo galinba inuu balamahiisa dib uga dhaco isaga oo aan is lahayn waxbaad xumaynaysaa, waanad ogtahay oo waxa inaga balamaheena lagu balamaa ama galin hore ama mid danbe, maalin ama habeen, runtiina saacado go’an maaha, taasuna waa waxyaabaha qofku marka hore uu dhibsanaayo, ayna tahay in aynu wada dhibsano.
Waayo xaqiiqdu waxay tahay dib udhaceena waxa ka kaw ah ka faa’idaysi la’aanta wakhtigeena, horumarkuna wax kale maaha ee waa tacab, tacabkuna wax kale maaha ee waa wakhtiga oo aad ka faa’idaysato, markaas taasu runtii waa dhaliil aynu leenahay.
Dad badan ayaa ka dayriya wadooyinka, bilicda caasimadda ee liidata iyo qashinka tuulan, siday arimahaas kuula muuqdaan, se maxaad jeclaan lahayd in laga qabto?
Horta wadamada horumaray iyo kuwa soo koraaya waxyaabaha ishu ay qabato ee ugu horeeya ayna ku kala duwan yahiin waxa weeye kaabayaasha, sida wadooyinka, bilicda magaalada, dhismayaasha, markaas qofku marku dalka dibadiisa ka yimaado xataa wadamadan carabta madaarka marka uu ka soo dago waxa ugu horeeya ee ay ishiisu ku dhacaysaa waa qashinka magaalada, waana runtii arin aad iyo aad inoogu foool xun, hadda laftigeeda marka wafuud ay inoo timaado runtii waanu qajilnaa, waayo maxaad xashiishka isaga qaadi waydeen jawaab waafiya ma laha, maxaad xashiishkaaga isaga qaadi wayday, waxaad runtii qofkii ku qanciso oo aad tidhaado waxaasbaan u qaadi waayay ma jirto, oo aan ahayn nidaam daro iyo karti daro.
Markaas dadka qurba jooga ah ama kuwa ajaanibka ah markay dalka yimaadaan waxayaabaha ugu horeeya ee ishoodu ku dhacdo waa qashinka iyo bacda, waxa kale oo ay markiiba dareemaan xaalada jidadku sida ay tahay, waadiga arkay magaladeena inkasta oo muddooyinkii danbe laamiyaal badan la sameeyay oo dadku ay gacan ka gaysteen, haddana magaaalda badhtankeeda markaad soo marto maaha sidii caasimad lagu yaqaanay, laamiyadii dhamayska tirnaa ee nadiifa ahaa ee lahaa meelaha ay dadku marayeen, ee lahaa halka gaadhigu uu istaago iyo meesha uu dadku ku nasto, waxaasuna ma jiraan.
Nin qurba jooga ah oo aan maalin dhawayd la kulamay ayaa igu yidhi “ Wiiga ugu horeeya ee dalka aad joogtaaba waxa uu kaaga lumayaa, sidaad isu waydiinayso, tolaw waxaas maxaa loo qaban waayay”, markaas runtii amuurahaasu waa kuwo jira oo aan lahayn cudur daar.
Waxa jirtay qorshe hurumarineed oo shan sano ah oo aad dhawaan samayseen, qorshahaas oo samayntiisa wakhti laga joogo, maxaa ka dhaqan galay?
Horta qorshahu waxa uu ahaa mid shan sanadood ah, oo ah sanadka 2012-ka ilaa 2016-ka, markaas waxaynu ku jirnaa sanadkiisii ugu horeeyay oo ay lix bilood uun inaga tageen, qorshaha sida ku qoran inta badan waxaanu odarasnay inay ka timaado hay’adaha samafalka, sanadkan ilaa 200 milyan iyo dheeraad ayaanu ugu talo galnay inay maal galiin ahaan ku timaado, dawladu inyar ayay ku leedahay, qurba joogu inyarbay ku leedahay, ganacsatadu inayr bay ku leedahay, laakiin inta badan waxanu ugu talo galnay hay’adaha samafalka iyo qaramada midoobay, maadaama oo inagu dawlad ahaan aynaan lahayn miisaaniyad horumarineed, miisaaniyadeenu waa mid socodsiineed.
Lixdaas bilood ee imika inaga tagay runtii qorshii aanu ku talogalnay kumaanaan guulaysan, ama ifafaalahiisu iima muuqdo in sanadkan ugu horeeya qorshii maalgalineed ee aynu ugu talo galnay inta badana aan ka sugaynay hay’adahan ajaanibka inuu dhacaa sidaas uma eeka.
Waxa jira kulamo aad dhawaan la lahaydeen hay’adaha hadday tahay kuwa caalamiga ah, kuwa qaramada midoobayba, kulamadaas maxaad kaga wada hadlayseen?
Kulamo badan waanu la galnaa mar walba, had iyo jeerna waxaanu ugu baaqnaa in wax qabashadooda ay ka bilaabaan qorshaha qaranka u yaala, hadday biyo ka shaqaynayaan waa inay ka eegaan qorshaha qaranka qaybta biyaha, hadday beeraha ka shaqaynayaan iyo hadday xoolaha ka shaqaynayaanba waa inay halkaas ka shidaal qaataan qorshaa qaranka, waana sida ay tahay, waayo inagaa wax laynoo qabanayaa oo garanayna baahideena.
Nasiib daro sidaas uma dhacdo inta badan, inkasta oo aad moodo in fikirku uu is badalaayo, waayo wax kasta oo cusub wakhtibay qaataan si ay u hirgalaan oo loo qaato, hadda waxaad mooda in fikirkoodu isa soo badalaayo oo hadalhaynta qorshaa qaranku ay soo badanayso, laakiin maaha wax loo bartay waxa laynoo qabanaayo in laga shidaal qaato waxaynu doonayno, walina dhaqankii horaa jira ee ahaa anagaa garanayna waxa aanu idiin qabanayno, ama shirbaanu idinla-yeelanaynaa oo waxa ka soo baxaanu wax idiinku qabanaynaa, oo runtii inta badan aan waafaqsanayn baahideena.
Waxa jira dad badan oo hay’adaha ku dhaliila in dhaqaalaha ay ka soo qaadaan deeq-bixiyayaasha inay inta badan ku kharashgareeyaan mushaharaad iyo arimahooda, oo aanay wax buuran soo gaadhsiin qofkii baahnaa ee qaadhaankaas loo soo ururiyay, ma jiraan talaabooyin aad qaadeen si aad u xakamaysaan?
Horta hay’dahu wax badan ayay inoo qabteen khaasatan dhanka waxbarashada iyo dhanka caafimaadkaba, laakiin siday wax inoogu qabteen runtii waa ay ka yartahay sidaynu filaynay ama sidii la doonayay inay ahaataba, markaa waa halkaas dhaliishu, maaha in aanay waxba qaban, waxay inoola muuqataa in aanay qaban intay hayd inay qabtaan, waxa kala badan deeqada laynoo sheegto iyo waxa ka soo baxa ee la taaban karo, waana halkaas dhaliishu.
Inagu kalhore waxaynu samaysanay sharci lagu maaraynaayo hay’adaha caalmiga ah, inkasta oo aanay ku jirin kuwa qaramada midoobay, ujeedadayadu waxa weeye oo aynu ku da’daalaynaa in aynu dhaqan galino sharcigaas oo aynu ku xakamayno. Waxanu ku da’daalaynaa oo ujeedadayu ay tahay inaan dhaqan galino sharcigaas, waxaanu ku hanweynahay in hadii sharcigaas aanu hirgalino ay waxbadan iska badalayaan.
Waxa jira shaqo la’aan aad u badan oo haysata umadda Somaliland, haw badnaato dhalinyarada’ee qorshahan horumarineed muxuu mushkiladaas ka qabanayaa?
Waa runtaa oo dalkan mushaakilkiisa ugu weyn waa shaqo la’aan, khaasatan dhalinayrada ilaa boqolkiiba todabaatan waxa la yidhaahdaa dhalinyaradu waa ay shaqo la’yahiin, dadkeenana boqolkiiba todabaatan waa ay ka yartahay soddan jir, waa arin runtii aanu u baahanahay inana wax weyn ka qabano, laakiin si shaqo loo abuuro dhawr shay ayaa loo baahan yahay, horta waa inay dadku marka hore xirfadii loo baahnaa ay lahadaan, waa inay diyaar u yahiin inay shaqaysteen, waa in maalgalin timaado taas oo shaqada abuurta.
Markaas maalgalintu waa inay ka timaado dawlada anba waa inay ka timaado shacbiga iyo ganacsiyada gaarka ah, mararka qaaran waxay ka timaadaa hay’adaha samafalka, dawldu arinkaas shaqo la’aanta waxa badan ayay ka qabatay oo waxay ku soo kordhisay shaqaalaheeda dhawr kun, ka wasaarad ahaan markii aan imi laba sanadood ka hor wasaarada shaqaalaheedu waxa uu ahaa 41 maantana waa 94, wasaarado badana inkasta oo aanay laban laabmin haddana shaqaale badan ayaa lagu kordhiyay. Runtii wasaardu dhankeeda dadaalkaas way ka wadaa.
Waxa kale oo ay dawladu ku da’daalaysaa inay abuurto jawi wanaagsan oo wadanka dadka ajaanibka ah iyo muwaadiniintuba ay ku maalgashan karaan, hadda waxa socda in wax lag badalo sharcigii maalgalinta, wax badana waa la fududeeyay oo cashuuro laga qaadi jiray waaba laga dhaafay oo waa la fududeeyay, waxa inoo socda Hay’adan DAI iyo baanka aduunka mashaariicbay wadaan ku waajahan sidii loogu fududayn lahaa ganacsatadu inay dalka maalgashato iyaga laftigoodu lacago ayay diyaar ula yahiin inay siiyaan ciidii doonaysa inay ganacsigooda balaadhiyaan, sida kaliya ee aynu wax kaga qaban karnaana waa in aynu jawiga hagaajino, si aynu u soo jiidano maalgaliyayaal ajaanib ah kuwa muwaadiniinta ahaana aynu ugu fududayno inay dalka maalgashadaan, dadkana aynu ku tababarno xirfahadaha ay u baahan yahiin.
Waxaad kamid tahay shaqsiyaadka dadka la shaqeeyay ay ku amaanaan dhanka shaqada, saaxada siyaasadana dhawaan uunbaa si fiican laguugu bartay, ma jiraa hami siyaasadeed oo aad rabto inaad gaadho?
Wakhtigan xaadirka ah hamigaygu waxa uu ku kooban yahay sidii aan wasaaradan aan wax uga qaban lahaa iyo sidii runtii aan dalka wax uga badali lahaa noloshiisa iyo horumarkiisa,horta imika intaas ayay ku eegtahay.