“Gaadiidkan U Shaqaynayay Shirkada Genel Waxa Leh Oo Lambarka Casna Ku Xidhay Wasiro”

1
3394

Picture1Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee UCID Yuusuf kayse Cabdilaahi Cabdilaahi,ayaa xukuumada ku dhaliilay inay leedahay masuuuliyada shirkadii shidaalka baadhaysay ay kaga baxday gobalada bariga Somaliland.

Xogahayaha war faafintu waxa uu sheegay in xukuumadu ay marka hore heshiiyo qarsoodi ah la gashay shirkada oo aan la marin sharciyada,isla markaasna ay wasiirada xukuumadu shaqsiyaad ay danaynayaan iyo iyaga laftigoodu ay qabsadeen gaadiidkii shirkada laga kiraynaayay iyda oo meesha laga saaray dadkii deegaanka iyo iyo waxyaabahii ay shirkada shidaalka baadhaysay ugu talo gashay.

Waxa uu sidan ku sheegay Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee UCID mar uu u warmaayay wargeyska Geeska Afrika,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Shirkadaas oo marka horeba si sharci daro ah ay xukumada heshiis u wada galeen ayaa hadana ka soo baxday goobahii ay baadhsita ka waday iyada iyo qalabkoodiiba waliba si lama filaan ah,sababta soo baxitaankeeda ee ay xukuumadu ka warwareegaysaa waxa weeye oo ay shirkaduba ku sababaysay hawlo nabad galo awgeed.sababta ugu weyn ee ay shirkadaasu meesha kaga baxdayna waxa weeye wasiiro ka tirsan xukuumada ayaa ku qasbay shirkada inay koontaraagyo siiyaan shaqsiyaaday iyagu wateen oo aan ahayn dadkii degaanka u dhashay,markii ay shirkadu waraysatay dadkaas waxa loo sheegay in aan dadku deeganaka ahayn,waxa intaas dheerin 400 askar ah oo ay shirkada ilaalinayay oo loogu talo galay maalintii in 40 dolar uu ku shaqeeyo halkii askariba ayaa laga goostay lacagtii loogu talo galay kala badh.” Isaga oo hdalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Gaadiidkan u shaqaynaayay shirkada shidaalka waxa keensaday oo lanbarka casna ku xidhay wasiiro xukuumada ka tirsan.runtu waxay tahay in dadkii deegaanku ay ka cadhoodeen dadka sida gaarka ah ay xukuumadu u wadatay waxaany u sheegeen shirkada in aanay ka shaqaynkarin deegaanka.waxaana cad in ay xukuumadu keentay in shirkadasu ay meesha iskaga baxdo iyada oo danaha gaarka ah ee xukuumadu ay abuureen amni darada.”

Comments are closed.