“Dalku Sidan Kuma Socon Karo; Waxa U Furan Madaxweynaha Innu Sameeyo:- Is-Beddel Dhakhso Ah Ama Is-Casilaad Dhakhso Ah”

0
2399

 

m xaashiHargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa qoraal uu shalay diyaariyay wuxuu kaga hadlay xaaladda dhaqaale ee dalka, iyo weliba arrimo kale.

Eng. Xaashi, oo maalmihii u dambeeyay warbaahinta ku soo bandhigayay qormooyin, wuxuu kan maanta kaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin dadka aan qaranka xilal muhiim ah u hayn ee haddana qaata mushahar oo ay ka mid yihiin 20 masuul oo ku magacaaban la taliye Madaxweyne, 1,142 Caaqil oo mushahar qaata. Waxa kale oo uu sheegay inay xukuumadu kharash badan ku bixisay ololihii xisbiga kulmiye iyo ururo uu sheegay inay  ay dano musuq-maasuq ka lahayd, oo xikmadda ka dambaysana uu ku sheegay, midna soo saar, midna rid. Ugu dambayn wuxuu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo kala dooransiiyay laba qodobo oo kala ah inuu sameeyo isbedel deg deg ah iyo inuu is casilo.

Qoraalkaas Maxamed Xaashi Cilmi, oo aad u xiiso badani wuxuu u dhignaa sidan: “Wax la’aani ma jirto. Dalkuna wuu innagu filan yahay. Dakhliga Cashuurta berriga ee soo xerodaa  yar. Wuxu ahaa 15 %, 2011kii oo u dhiganta; $83 milyan. Waxa DIHIN 85%. Kheyraad kalana wuu jiraa. Haddii si habsami  ah loo ururiyo cashuuraha, iyada oo aan cashuur la kordhin, Dakhliga dihin ( 85%), muddo saddex sano gudahood, wuxu gaadhi karaa,  shan boqol oo milyan ( $ 500 milyan).

DHIBAATADA DALKU  WAA,  HOGAAN  XUMO: MADAXTOOYADA / SHIR-GUDDOONKA  LABADA GOLE  (Wakiilada iyo Guurtida), OO  ISKU-MILMAY  IYO  habsami socodkii maamul oo lumay.

Sidii aan hore u soo sheegnay, waxa la baal maray, DHAARTII,  DASTUURKII IYO  SHARCIGII  DALKA. KALSOONIDII  DADWEYNAHA  LUNTAY.

Qod.39aad,Golaha Wakiiladu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha, waana Qaybta 1aad ee  xeer-dejinta, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaminta dalka.

Marka intaasi dhacday, maxay noqotay mudnaanta Xukuumaddu. NAAXINTA , MIISAANIYADDA  MADAXTOOYADA  IYO  DAKHLI  BADAN  OO  KU SOO  HOYDA  MADAXWEYNAHA. Taas oo ka go’an horumarka dalka iyo daryeelka dadweynaha. 

 Waxa Eebe, caad ka saaray madaxda sare ee Dalka, in kalsoonida dadweynaha lagu kasbo, Cadaaladda, daryeel iyo horumarka Dalka.                                                                            

1.Fikirka  ah, kalsoonida REERKA AMA  QABIILKA, waxa la LAGU  KASBI, wasiir ama mansab sare oo loo magacaabo. Waa xaaladda, maanta taagan, ee gaadhsiisay tirade wasiirada 34ka. Balan-qaadkii ololihi Xisbiga Kulmiye, wuxu ahaa, in aan laga badin; shan iyo toban (15) wasiir.         

2. Waa sababta, dad aan shaqo loo dirin, mushahar loo siiyo. Labaatan (20) la taliye-Madaxweyne ee aan xaffiis lahayn.                                                                                                                                                   3. Cuqaasha mushahar qaadataa waa; 1,142 caaqil, oo waxay qabtaan cidi aqoon.                                 4. Waxa intaa dheer KHARASH badan oo xukuumaddu ku bixisay ololihii xisbiga kulmiye iyo ururo  ay dano musuq-maasuq ka lahayd. Xikmadda ka dambaysaa ahayd, midna soo saar, midna rid. Kharashka Ururka /Xisbigu, ma aha mid Qaranka saaran..                         .  

 5.Madax iyo M/xige Miisaaniyadda Qaranka, ayay Xukuumaddu u isticmaashaa, si ka duwan talagalkii Goluhu ansixiyay. Adduun ka badan ( $21 milyan), ayaa ku lumay. Waxa  jira HAY’ADO iyo Wasaaradda Macdanta oo ilaa Rayaale, MADAXTOOYADU si gaar ah, ayay ula macaamilaysay. Waa sababta aan heshiisyada shirkadahaa, aan loo soo gudbin G/Wakiilada inay ansixiyaan ama ogaadaan. Sidii aan Qaybtii labaad ku xusay, shirkaduhu, way kala iibsadaan oo way kala macaashaan. Dalkuna kama helo: Fiigii Diiwaan gelinta, kiro-sannadeed, cashuurtii kala wareejinta iwm.

 6. Dekedda Berbera oo madaxtooyadu ka qaaddo lacag inta ay rabto. Waa sababta Maareyihii hore ee macaamiladaa yiqiin loogu soo celiyay. 7. Sidoo kale Haamaha shidaalka, ee Berbera.

8. Fuel Levy Wadooyinka, oo ay dhowaan Madaxtooyadu la wareegtay, iyada oo quudaraynaysa  deeqda dhismaha dariiqyada.                                                                                                                                    9. Gurmadka Qaranka iyo  ka Ciidanka, oo hoos iman jiray miisaaniyadda ciidamada.  

10. Daaweynta & Caafimaadka shaqaalaha Dawladda, oo hoos iman jiray  w.maaliyadda.  

11. Horumarka gobolka Sool iyo Sanaag-Bari 2%.  oo ah slsh 24,000,000,000 ($ 4,000,000) sannadkii. oo tala-galkii laga leexiyay. Wuxu hoos iman jiray w/maaliyadda.

12. Kharashka Madaxtooyada ee miisaaniyadda 2011, oo dheer kii 2010 ka ee Rayaale 180%            ($ 4,000,000). Affef; wakhtigii miisaaniyadda 2011 la samayay xanuun baan dibadda ugu maqnaa.                                  13. Madaxtooyadu waxa ay la kharash tahay ($ 6,300,000), toddoba wasaaradood oo muhim ah:-W.A.Dibadda, W. Cadaaladda.  W. A.Gudaha. W. Warfaafinta, W. Qorshaynta, W.Kaluumaysiga iyo W/Diinta iyo Awqaafta. Waa aduun mug weyn leh.                                                                               14.Madaxtooyada Dhismaha ka socdaa, waa deeq aan la soo marin. W.Miisaaniyadda Qaranka.

MADAXTOOYADII WAXA  AY  LA  GO’DAY, adduun ku dhow 25% miisaaniyaddii Qaranka. Maxaa lagu qabataa lacagtaas? LACAGTAASI  WAA WADDKA  MAAMULKA, EE MADAXTOOYADII  KA  MASHQUULISAY  XILKII  LOO  IGMADAY, BAABI’SAY  MUCAARADKII,  FOOFTAAN  HABAABISAY  BAARLAMAANKII.  WAA ADDUUN  KA  LUMAY DALKA.         

MADAXWEYNAHA  WAXA  U  YAAL, HAWLO  KA  MUHIMSAN  AFFAR  IYO  TOBANKA  QODOB  EE  KOR  KU XUSAN.  MAAMUL  HAY’ADEED  IYO  MID LACAGEED BA.  HA  ISKAGA  WAREEJIYO  WASAARADAHA  KU  HABOON.  HA  KU  E’KAATO  MIISAANIYADDA  MADAXTOOYADA   LOO  QOONDEEYAY.  DALKU  SIDAN  KUMA  SOCON  KARO.  WAXA  U  FURAN  MADAXWEYNAHA   INNU  SAMEEYO:-  IS-BEDDEL  DHAKHSA   AH   AMA  IS-CASILAAD  DHAKHSO  AH.”