“Annagu Ma Aragno Sabab Shir Qaran La Isugu Yimaado”

0
2455

Picture3Hargeysa (Geeska) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa ka hadlay shirka Talo-qaran ee xisbiyada Mucaaradka ah Ahi Abaabulayaan, waxaanu sheegay in aanay jirin sabab xiligan shir noocaas ah oo aanu Madaxwaynuhu codsan loo qabtaa.

Dr Cali Yuusuf Axmed, oo shalay xafiiskiisa Hargeysa saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in qabashada shir qaran aanay asxaabta iyo cid kalena toona awood u lahayn, balse uu dastuurku u ogol yahay oo kaliya Madaxwaynaha.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Haddii dhibaatooyinka ILAAHAY ha innaga hayee ay dalka ka dhacaan, Madaxwaynaha ayaa isugu yeedhaya Baarlamaanka oo ah Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida, markaas ayuu soo jeedinayaa wixii lagaga hadli lahaa, Baarlamaanka oo fasax ku jira Madaxwaynuhu wuu isugu yeedhi karaa oo dastuurka ayay ku taalaa, markaa annagu ma aragno sabab shir qaran la isugu yimaado Madaxwaynaha oo aan codsan, oo cid kale isugu yeedho, ta kale ee meesha taalaa waxa weeyaan shirka qaran yaa ka qayb-galaya, waxa ka qayb-galaya Baarlamaanka, waayo dastuur iyo shuruuc lagu shaqeeyo ayay u baahan tahay, markaa shirkaa Madaxwaynaha ayuun-baa, cidda ka qayb-galaysaana waana Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada oo Madaxwaynuhu u soo jeedinayo”

Dr Cali Yuusuf Axmed, waxa kale oo uu sheegay “Shirkii dadwaynaha loo qabanayeyna waynu ka soo gudubnay, xiligii beeluhu taliyeena waynu ka soo gudubnay, waxaynu nahay dawlad dimuqraadi ah Baarlamaankeeda iyo Madaxwaynaheedaba la soo doortay, Markaa anniga iimana muuqato” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey doorka guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee qabashada shirka talo-qaran “Guddoomiyuhu afka Golaha kumuu hadal ee mid xisbi ayuu ahaa, shirka qaranna sida Dastuurka ku taala Madaxwaynaha ayuunbaa qaban kara”