Dood Ku Saabsan Miisaanka Diblomasiyaded Ee Xafiiska Ingiriiska Ee Hargeysa Oo Dhex Martay Danjire Matt Baugh Iyo Alun Micheal

0
728

Picture5Hargeysa(Geeska)-Danjiraha dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya

danjire Matt Baugh, oo uu fadhigiisu yahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay inaanu xafiiskooda Hargeysa ahayn safaarad balse uu yahay xafiis keliya.

Danjire Matt, oo bartiisa uu ku leeyahay Twitterka toddobaadkan kaga hadlayay safaaradda uu Ingiriiska toddobaadkii hore ka furtay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, ayaa waxa su’aal iyo hambalyaynta safaaaradda Xamar isku raaciyay xildhibaan Alun Michael, oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka Ingiriiska, kana mid ah ragga sida weyn u taageera qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Alun, wuxuu ku yidhi danjire Matt,  runtii, waa war wanaagsan [Furitaanka safaaradda Muqdisho.] Sidee ayay u socdaan hawlihii safaaradda Hargeysa.”

Danjire Matt Baugh, oo si kooban uga jawaabay su’aashan ayaa yidhi, “Alun, Hargeysa waxaanu ku leenahay Xafiis, laakiin maaha safaarad.”

Hase yeeshe Alun Micheal, ayaa isagoo u muuqda inaanu ku qancin sida kooban ee uu danjiruhu u sheegay inaanu xafiiskooda Hargeysa safaarad la miisaan ahayn ayaa ku yidhi  “Matt, xaqiiqdii labaatan sannadood Dimuqraadiyad ahi waxay u qalmaan wax ka sareeyaxafiis.Waxba ka ma dhimayso horumar laga samaynayo Muqdisho.”

Marka laga tago u doodista Somaliland ee Alun Micheal, waxa hadalka diblomaasigan ka muuqata in xafiiska uu Ingiriisku Hargeysa ku leeyahay xataa ka hooseeyo qunsuliyad.