“Ha Hadlin Iyo Waxba Ha Arkin, Maanta Waxa Ku Soo Korodhay Waxba Ha Urinin”

0
3998

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyihii ololaha doorashadii deegaanada ee Xaqsoor Eng. Kayse Yuusuf Cali, ayaa cambaareeyay xadhig uu sheegay in lagula kacay dhawr qof oo maalintii uu Madaxweynuhu dalka ku soo laabtay is tubay jidkii uu weftigu soo marayay, kuwaas oo uu sheegay inay sanka is qabteen.

Eng. Kayse, oo xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu la yaabanyahay sababta dadkaas loo xidhay, Waxaan wax yar oo kooban ka odhan lahaa saddex qof oo doraato lagu xidh xidhay markii waftigii madaxweynuu uu soo noqday laamiga  istaagay  oo dadkii sanka is qabtay ahaa, waxa la yaab ah dad aan wax rabshad ah samayn oo sanka uun is qabtay in lagu xidh xidho sankaad is qabteen, inan iyo laba wiil ayaana ilaa hadda xidhan, barigii hore ee dawladii kacaanka ayaan maqli jirnay ha hadlin iyo waxba ha arkin maantana waxa ku soo kordhay ha waxba ha  urinin, waxaanad moodaa in dadkii la yidhi waxba ha  dareemin, dadkaasna sharciyad lagu xidhaayo anagu  garan mayno.” Ayuu yidhi Eng Kayse Yuusuf Cali.

Waxaanu hadalkiisa ku soo koobay, “Anigu maalintaas aniga oo halka saldhiga dhexe soo socda gaadiidkii halkaas lagu joojiyay ayaan ahaa markaas dadka sanka is haya waan arkaayay, aniga oo is leh dadku maxuu sanka isla hayaa ayuu waftigu meesha soo maray, dadkuna sanka waa ay is wada hayeen mid shalmad saara sanka iyo mid cumaamad saaraba, waanan canbaaraynaynaa falkaas lagu xidhay dadkaas oo waxaanan u aragnaa inay tahay tacadi.”