“Aniga, madaxweynaha iyo xukumadda siilaanyaba uma baahnin inaanu urur furano, xisbigii dawladda ee kulmiye-na sidiisii ayuu”.. Wasiirka Madaxtooyada

0
4308

xris

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa beeniyay inuu ku hawlanyahay furashada urur siyaasadeed cusub oo ka mid noqda ururada ku tartami doona tartanka doorashooyinka dawladaha hoose.

Wargeyska Waaheen ee ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa cadadkiisii shalay baahiyay in wasiir Xirsi ku mashquulsanyahay sidii uu ururkaas cusub u dhaqaajin lahaa. Hase yeeshe Wasiir Xirsi oo uu Wargeyska Geeska Afrika shalay si kooban wax uga weydiiyay jiritaanka warkan ayaa ku sheegay inaanay jirin sabab ay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisuba u furtaan urur siyaasadeed cusub, isagoo xusay in xisbiga KULMIYE ee ay xukuumadu ku abtirsataa uu dhisanyahay. “Warkaasi waa been oo waxba kama jiraan.” Ayuu yidhi Xirsi oo uu Geeska Afrika weydiiyay inuu abaabulayo urur siyaasadeed cusub, waxaanu intaas raaciyay, “Aniga; Madaxweynaha iyo xukuumadda Siilaanyaba uma baahnin inaanu urur furano, xisbigii dawladda ee KULMIYE-na sidiisii ayuu u dhisanyahay. Markaas ma jirto sabab aanu urur cusub u furanaa.”

Mawduuca furashada ururada siyaasadda ayaa si weyn looga dareemayaa gudaha dalka iyadoo ay jiraan siyaasiyiin kala duwan oo u hanqal taagaya inay ururo siyaasadeed furtaan, waxaana la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo deg deg u soo magacaabo xubnaha guddiga diiwaangelinta.