Dr. Gabose oo ka hadlay Aragtidiisa Wasiirka Cusub Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo U Magacaabay Jagadii Uu Iska Casilay

1
878

gggaboseHargeysa(Geeska) -Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabose, ayaa ka hadlay sida uu u arko masuulka cusub ee uu Madaxweyne Siilaanyo Khamiistii u magacaabay buuxinta jagadii uu baneeyay kaas oo ah Md. Maxamed Caraale Nuur (Duur).

Dr. Gaboose, oo xilkan iska casilay dabayaaqadii bishii hore, wuxuu sheegay in wixii tallo ah iyo weliba khibrad ah ee uu korodhsaday mudadii uu ahaa wasiirka daakhiliga uu la garab istaagi doono wasiirka cusub “Horta xilku sidiisaba waxa uu ku yimaadaa qaddar, qof walba xiliga uu ilaahay meesha u qoray ayuu tagayaa markaa xildhibaankuna waxa uu ku yimid sidaa iyo xulasho uu madaxwaynuhu ku qancay inuu xilkaa ka bixi karo.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gabose, oo uu Wargeyska Geeska Afrika  shalay weydiiyay sida uu u arko wasiirka cusub ee buuxiyay xilkii uu baneeyay, waxaanu intaas raaciyay “Xagga aragtidayda xildhibaan Duur waa nin aanu aad saxiib u nahay, waa nin aan muddo dheer isku saf ka soo wada jednay, waa nin hadday ururadii tahay iyo hadday arimo kasta ahaydba I garab taagnaa oo wanaag ila jeclaa ana aan la jeclahay, markaa anigu kolay aad ayaan ugu farxayaa hadduu qof imanaayo inuu yimaado qof uu jidhkayga iyo yuhuuntaydu ay ogashahay, waanan ku hanbal-yaynayaa waxnan illaahay uga baryayaa inuu xilkaa ku ceeb tiro, markaa aad ayaan ugu rajo waynahay inuu xilkaa ka soo bixi doono illaahayna u fududayn doono hadduu talo saarto dadkana talo quman waydiiyo.”

Dr. Maxamed Cabdi Gabose, oo la weydiiyay talada uu siinayo wasiirka cusub ee xilkiisii qabanaya, wuxuu yidhi, “Talada u weyn ee aan u gudbin lahaa waxa ay tahay wasaaradni waa wasaarad aad u balaadhan, waa wasaarada amnigii dalka oo dhan laga sugaayo illaahay ka sokow, waana wasaarad adeegii bulshada ee dawladaha hoose iyo waxaas oo dhan laga sugaayo, markaa wasaaradu waxa ay leedahay agaasimayaal khabiiro ku ah hawshan oo muddo dheer kasoo shaqaynayay oo aan ugu imid in aan kala war wareejiyay mooyaane. Waxaan anigu aaminsanahay haddii uu iyaga  garab  ka kadhigto oo uu iyaga wax waydiiyo oo uu khibradooda ka faa’idaysto inuu guulaysanayo. Taladayda ugu wayni waxa weeyaan hubkii waad haysataa,  booliskuna saraakiil sare ayuu leeyahay qolo waliba waxa ay leedahay saraakiil sida ciidanka badda iyo waaxda socdaalka  in talada iyaga, xukunka ugu wayn ee kula garab galaya arintan iyagaa kaa saari karaya illaahay ka sokow.”

Maxamed Cabdi Gabose, ugu dambayn wuxuu sheegay inuu garab istaagi doono, “Anigu waxaan cadaynayaa hiil iyo hoo iyo wixii khibrad ah ee aan ka qaatay wasaaradda inaan la garab istaagi doono.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Gabose.

 

Comments are closed.