Xusuusta Waraysi Aan 2003 La Yeeshay Maxamed Saleban Tubeec: Maxamed-Rambo, Qaybta 2aad

0
562

Picture3Hargeysa(Geeska)-Akhristayaal, waa qaybtii labaad ee waraysigii 2003 uu tifaftiraha Geeska Afrika, la yeeshay Marxuum Maxamed Saleban Tubeec.

Maxamed Saleban Tubeec, oo aan maalintaas ku waraystay hoteelka Hargeysa Club oo wakhtiyadaas si fiican u shaqaynayay, waxaan weydiiyay codka loo yaqaan Raaxeeye oo uu muran badani ka taaganyahay cidda samaysay, sida uu isagu u arko, waxaanu yidhi, “Aniga qudhayda codkaas Raaxeeye, murankiisu waa I soo gaadhay, inkastoo aan anigu codkaas qaado oo aan si fiican u qaado una aqaano Raaxeeye inuu saddex jeer bedelmay, cajaladaha qaarkoodna laga helo anigoo saddexda jeerba qaadaya, haddana Raaxeeye, mar waxaan maqlaa inuu sameeyay ninka la yidhaahdo Makaranoone, marna waxaan maqlay inuu sameeyay nin la yidhaahdo Halac oo reer Hargeysa ah. Laakiin ninkii u horeeyay ee qaaday wuxuu ahaa Makaroone, markii dambena waxa qaaday Maxamed Axmed Kuluc, kolkii dambena waa la iska daba qaaday.”

Maxamed Saleban Tubeec, Alle haw naxariiste, waxa loo cimaaday inuu yahay boqorka codka Somalida, waxaan haddaba weydiiyay sida loogu aqoonsaday xilkaas iyo wakhtigii loo caleemo saaray, waxaanu yidhi, “Horta meel la igu caleemo saaray may jirin, waxaan maqlay dadka oo iigu yeedhaya boqorka codka. Xilligaas ay igu sheegeen boqorka codka waxa aan joogay magaalada Xamar, waxaana jiray xaflado badan oo aan ka qayb galay, waxaana wakhtiyadaas jiray fanaaniin Soodaani ah oo dalka imanaysay, masraxa laga heesayo ayaana dadka kala saara, ninku marka uu isa soo taago masraxa ayuu wuxuu yahay soo baxayaa, dadkuna waxay dhegahooda ku maqlaan ayuun bay sheegi jireen, markaas waxa jiray munasibado door ah oo aan si weyn uga dhex muuqday.”

Marxuum Maxamed Saleban Tubeec, oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Waxa jiray wakhti fanaaniin badan oo Soodaani ah noogu timid Xamar, markasta oo ay yimaadaana waxa lagu dari jiray niman fanaaniin Soomaali ah oo la shaqeeya, dabadeedna Suudaaniyiintii rag la shaqeeya oo fanaanin ah ayaa lagu daray, aniguna kumaan jirin ragga lagu daray. Marka ay fanaaniinta reer Soodaan masraxa soo fuulaan ayay dadkii daawanayay isla kici jireen oo sacabka iyo mashxaradu is qabsan jirtay, markase ay fanaaniinta Somalidu masraxa soo fuusho meeshu way aamusi jirtay.

Markaas ayaa la I tabay oo la yidhi ninkii Maxamed Saleban, mee iyo dee kumaynaan darin barnaamijka. Habeenkii u dambeeyay ayaa iyadoo uu barnaamijku socdo ayaa maareeyihii tiyaatarka iyo laba nin oo kale gurigaygii iigu yimaadeen, waxaanay igu yidhaahdeen, “Waar Maxamed, kaalay iyo dee waar kumaan jirin Barnaamijka ee maxaad ii dhex gelinaysaan. Waxay yidhaahdeen waar waa laguu baahdee kaalay.”

Haddaba, markii uu Maxamed Saleban Tubeec, ka qayb galay bandhig faneedyadii Suudaaniyiintu Xamar ku qaban jireen maxaa dhacay, isagoo sharaxaya wuxuu yidhi, “Waan tagay masrixii, markii hore suudaaniyiintu marka ay heesaan way iska bixi jireen oo may dhagaysan jirin fanaaniinta Somalida ah, laakiin habeenkii aan masraxa imid laga bilaabo may bixi jirin ilaa aan heeso. Habeen aan heesayay waxa masrixii iigu soo fuulay safiirkii dawladda Suudaan oo ciyaaraya.

 

Markii Barnaamijkii dhammaaday ee ay dalkoodii suudaantii ku noqdeen ayay jaraa’idadoodii ku qoreen ‘Fanaankii dhintay ee soo noolaaday.” Iyagoo u jeeda maxaanu ninkan [tubeec] u arki weynay. Waxa iyana jiray guulo badan oo aan si aad ah u muuqday. Markii ay dadku ii bixiyeen boqorka codka, aniguna waan iska qaatay.”…La soco haddii Alle idmo cadadka Salaasada, qaybo kale oo xiiso leh.