Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo La Daalaa Dhacaysa Dayn $ 80 Milyan Oo Dollar Ah Oo Uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Wareejiyay

0
983

Hargeysa(Geeska)- Guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada ayaa ku dhawaaqay in xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay la ildaran tahay dayn dhan 80 milyan oo dollar taas oo ay ku wareejisay xukuumadii madaxweyne Siilaanyo.

Gudidan ayaa shaacisay hadalkan culus kadib markii ay kulan la qaateen wasiirka maaliyada Dr. Sacad Cali Shire isla markaasna ay su’aalo ka waydiiyeen waxyaabo ay sheegeen in madaw badan ku jiro oo ka mid ah miisaaniyada dawlada ee sanadkii ina dhaafay 2017.

Sida oo kale gudidan ayaa shaaciyay in si aan haboonayan loo maamulo lacagta loogu talo galay horumarinta gobalada bariga dalka ee 2% ah, waxaanay gudidu soo bandhigeen in 2017-kii masaajidka madaxtooyada laga dhisay lacagtaas isla markaasna ay lacagtaasi ku baxdo qaab bilaa tixraac ah.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah gudidan oo warbaahinta la hadlay isaga oo uu barbar taagan yahay wasiirka maaliyada Sacad Cali Shire ayaa ugu horayntii waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“ Waxaanu u mahad naqaynaa wasaarada maaliyada , wasiirka maaliyada iyo xisaabiyaha guud oo kulan aanu u yeedhnay oo xog waraysi ah oo ku saabsan xisaabxidhkii 2017-ka oo hadda gudida horyaala kal fadhigan soo socdaa marka uu furmana aanu golaha horgeyn doono aanu su’aalo ka waydiinaynay, wakhtigooda ay nasiiyeen iyo kulanka ay nagala soo qaybgaleen way ku mahadsan yihiin.  Waxyaabo badan oo uu madmadow ku jiray ayaanu isla iftiiminay oo isla garanay wasiirka iyo kooxda la socota intaba inyar haddaan hoos ugu dego waxa ka mid ah in xukuumada maanta joogtaa ay dayn dhan 80 milyan oo doolar ay kala wareegtay xukuumadii hore oo naloo sheegay siyaasiyan markii la’la wareegaayay xilka in aan wax dayn  ah oo xukuumadii hore ay ka tagtay aanu jirin,dayntaasna ay la ildaran taay ama ay culays ku hayso xukuumada bixinteedu.”

Sida oo kale xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxa uu ka hadlay qaabka loo maamulo lacagta loogu talo galay horumarinta gobalada bariga“Waxa kale oo jira oo aan isla garanay inay jirto dhibaatooyin faro badan oo soo jireen ahaa ilaa imikana aan xal loo helin loona baahan yahay in xal guud loo helo oo ay ka mid tahay 2% gobalada bariga mar kasta oo golaha la hor keeno miisaaniyada waxa lagu ansaxiyaa iyada oo talooyin la raaciyay ilaa iyo 2011-kiiba  ahaydna talooyinkaasi in la mashaariiceeyo oo aanay 2% kani noqon wax si guud siyaasad uun loogu bixiyo ama meelo kaba baxsan gobalka lagu isticmaalo kharashkaas loo ururiyo ee cashuurta ganacsatada dekedaa wax kala soo degaysa loo saaray in gobalada bariga horumarkooda lagaga qayb qaato, waxa soo baxday oo aanu wasiirka hor dhignay oo aanan cidnaba ka qarinayn in masaajidka madaxtooyada ku yaala 2017-kii laga dhisay gobalada bariga taas oo ah waxaan loo baahnayn, waxaanu isla garanay wasaarada iyo wasiirka iyo kooxda la socotaba in aanay dib u dhicin sanadada soo socda ee sanadkan aynu ku jirnaa ka midka yahay in 2% gobalada bariga aan wax aan iyaga ahayn oo aan horumarkooda ahayn  aan lagu isticmaali karin, lana joojiyo qaladaadka sharci ee sidii golaha miisaaniyada looga ansixiyay si aan ahayn loo isticmaalayo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here