Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog Oo Dhaliilay Nidaamkii Maamul Ee Siilaanyo

0
1081

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,waxaanu si gaar ah isku barbar dhigay Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo Xukuumaddii Axmed Siillaanyo,  waxaanu tilmaamay in Daahir Rayaale uu ilaaliyey masiirka umadda, isla markaana uu xilka ka dagay  dal dhisan gudde iyo dibadba, halka uu xusay inuu Axmed Siillaanyana xilka ka tagay iyada oo Maamulkii Hawada Somaliya la wareegtay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay rabitaanka uu Turkigu rabo inuu mar kale martigaliyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Turkigu dhex kama noqon karo wada hadalada, daacadna kama noqon karo, maxaa yeelay Turkigu wuxuu si toos ah u taageera waa Somaliya, oo uu xitta ka dhistay Saldhigiisi Milatari ugu weynaa ee ka baxsan dalkiisa,mar haddii uu u janjeedho Somaliya, oo ay muuqato in aanu Somaliland gooni isutaageeda aanu raali ka ahayn waxay ahayd inay Somaliland diido, haddii Somaliya lala hadlayana, waxay ahayd inay dhex ka noqdaan Wadamada Ingiriiska, Norway iyo Denmark, oo la odhan karo waa Wadamo dhex u ah labada dal, laakiin Turkigu dhex uma noqon karo Somaliland iyo Somaliya”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog mar uu isbarbar dhig ku sameeynayey labadii Xukuumaddood ee hore ayaa yidhi “Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Madaxweyne ka ahaa, Somaliya ismaynu aqoon, isku meel maynu joogin, inkasta oo aan la ina aqoonsan, haddana aqoonsigeenu uu iska dhawaa, maxaa yeelay Somaliya hawadeena may soo gali jirin, hawlaheena shaqo kumay lahayn, miiska ayeynu uga kici jirnay, laakiin markii uu Axmed Siillaanyo taladda dalka ku guulaystay ayaa wada hadalada la furay, wada hadaladaas la furayna, waxay inoo horseedeen meeqaamkii iyo sumcadii aynu lahayn hoos u dhaco, waxa mugdi galay madax banaanideenii, wada hadaladaasna masiirka umadda looma furayn, ee dano gaar ah ayaa loo furaayey, oo ahayd in lacagta lala qaybsado Somaliya, iyo keega aniguna dhankayga aan goosto, intii dano gaar ah Xukuumaddii Axmed Siillaanyo eegaysay ayaa Maamulkii Hawadeena lala wareegay, haddana Baddeena Shirkado heshiis lagula galay, taariikhduna isma qariso ee Daahir Rayaale dal guddo iyo dibadba dhisan ayuu xilka ka degay, Axmed Siillaanyana Madax banaanidii  Somaliland oo mugdi ku jirta iyo Maamulkii Hawada oo Somaliya si cad ula wareegtay ayuu xilka ka degay, Xukuumaddana waa Xukuumaddii Kulmiye, oo wax badan kama duwanaa Xukuumadaas hore, laakiin waxaa loo baahan yahay in wax badan laga bedelo Siyaasada Arrimaha Guddaha iyo Siyaasadda Arrimaha DIbadda”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa mar uu ka hadlaayey Dekadda Berbera ayaa yidhi “Shirkadda DP World, waxay Dekadda Berbera la wareegtay saddex sanno ka hor, ilaa haddana hal mitir Dekadda kumay darin, inkasta oo heshiis sax ah aan Golaha la hor keenin, haddana ilaa hadda afartii boqol ee mitir ee la isku ogaa inay dhisto may dhisan, kolay Dekadda cidii la wareegtay wey faa’iiday, sababta loola wareegayna waxay ahayd waa in Imaraadku Saldhig ka sameeysto Somaliland tiina uu helay, waxa se cad in dad badan oo shaqaale oo Dekadda ka shaqeeynayey in la eriyey oo waliba aan xaqoodii la siin, ta kale Miisaaniyadii ugu dambaysay laguma soo darin dakhliga Dekadda, waxa kale oo iyana wax lala yaabo ah in ilaa hadda Golaha la hor keenin Shirkadii lagu magacaabay in Somaliland leedahay, balse ay sida gaarka ah u wada laahaayeen Baashe iyo Sacad Cali Shire, iyada oo la doonayo in hantida umadda si gaar ah loo leexsado”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here