Xildhibaano Taageersan Baashe Oo Ka Hadlay Khilaafka Golahooda

0
947

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, gaar ahaana ah Xildhibaanadii codkooda siiyey Baashe Maxamed Faarax, oo markii ugu horeeysay ka hadlay khilaafkan ka taagan Golahooda, oo salka ku haya Doorashada xilka Guddoomiyaha, ee Baashe Maxamed Faarax iyo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, ayaa sheegay in Xildhibaanada taageersan Cabdiraxmaan Talyanle, aanay raali ka ahayn in labada dhinaca wada hadlaan, isla markaana aanay ku qanacsanayn natiijadii Doorashada iyo  go’aankii Maxkamaddaba.

Xildhibaanadan oo shalay ka hadlay Xarunta Golaha ayaa ugu horeyn Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, ayaa yidhi “Go’aankii Golaha ayey diideen waanu aamusnay, dabadeed Maxkamada bay geeyeen, waanu aamusnay, Maxkamadii baa soo saartay go’aan ay ku ayidayso go’aankii Golaha oo ay leedahay “kadib markii ay Maxkamadda u caddatay Doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ee maalintaas ka dhacday Golaha Wakiilada, inay u dhacday si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha Wakiilada, tii bay ka daba qayliyeen, waxayna Xisbi ahaana u direen Xoghayaha Cadaalada, aflagaado ay Maxkamadda sare kula hadleen, xad ay gaadhsiiyeen ay leeyihiin waxay Maxkamadda sare bahdil ku tahay Garsoorkii dalka” markaynu halkii ugu sareeysay ee ina kala saaray ay walibana ay iyagu tageen xadka ula hadlayno, waxay noola muuqatay in aanan aamusi karin, tii waxa sii raacday shalay (doraad), afhayeenka Xisbiga Waddani oo isla markaana Xildhibaan ah, wuxuu kaga hadlaayey go’aankii Maxkamadda sare waad arkayseen”.

Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaki), ayaa dhanka kale wuxuu sheegay in Xildhibaanada kale ee ka soo hor jeeda ay diidan yihiin go’aankii Maxkamadda, natiijada ka soo baxday Doorashadii Guddoomiyaha Wakiilada iyo waliba in labada dhinaca hadal arintan ku dhameeyaan.

Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaki), oo isagu halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Go’aankii Golaha ama Doorashadii Golaha ee Guddoomiyaha, lixdii bishan ka dhacday xarunta Barlamaanka, ee lagu doortay muddane Baashe Maxamed Faarax, sida aad og tihiin ama aad ka war qabtaan Doorashadaas kadib waxa dhashay Xildhibaano buuq ka keenay, oo hawshaas ka hadlay, ka bacdi intaas markay timid, Maxkamadda haddana u gudbiyey qoraal, ama dacwad hawshaas ku saabsan, Maxkamaduna waxay ka soo saartay go’aan ku saabsan go’aankaas golaha, oo ay ku ayidayso in Doorashadii Golaha ka dhacday lixdii bishan inay tahay go’aan Gole oo sharciya, oo maray sifihii sharciga ahaa oo xeer hoosaadkii Goluhu qabay, markii ay intaas dhacday waxa timid in Xildhibaanadayda Goluhu aanu halkan iskugu nimid, wakhtigii loo iclaamiyey in la galo Doorashadii kale, kadibna waxa aanu isla garanaya iyadoo waliba dhinacayga ka timid in aanu Guddoomiyaha ka socono inuu dib u dhigo kulanka Golaha todoba cisho,uu magacaabana guddi laba dhinaca ah, labadayda dhinacna oo shan iyo shana aanu ka soo wada shaqeeyno sidii la isku calool xaadhan lahaa”.

Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaki),oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhinicii kale ay si toos ah uga baxeen balantii ay isku ogaayeen, waxaanu tilmaamay in Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo isagu arintan ka hadlay doraad kuna hadlaayey dhinaca kale inuu si toos ah u buriyey heshiiskii.

Xildhibaan Faarax Maxamed iyo Xildhibaan Barkhad Obsiiye, oo iyana ka hadlay khilaafka Golaha Wakiilada, waxayna sheegeen in dhinaca ka soo hor jeedaa aanay sharciga u hogaansamayn, isla markaana aanay raali ka ahayn in khilaafkan wada hadal lagu dhameeyo, dhaliilo aanay Maxkamadu sare lahayn ay dusha ka saarayaan.