Murashaxa Cirro Oo Xadhiga Ka Jaray 12 Xafiis Oo Ay Furteen Taageerayaasha Waddani Ee Sanaag

0
953

Ceerigaabo(Geeska):-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo maalmahii dambe isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ay ku sugnaayeen magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag, ayaa shalay xadhiga ka jaray in ka badan 12-xafiis oo uu ka furay gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag ku waasi oo ay iskood u furteen una soo qalabeysteen taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee magaaladaasi.

Xadhig ka jarista xafiisyada oo ay guddoomiye Cirro ku wehelinaayeen saraakiil sare sare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, Marwada Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, qaar ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba madaxda heer gobal ee Xisbiga WADDANI, ayaa gebi ahaan ba xaafadaha iyo degmooyinka laga furaayey xafiisyada waxa si weyn ugu soo dhaweeyey taageerayaal xooggan oo aad u tira badan ku waasi oo sitay calanka sagalka ah ee astaanta u ah Xisbiga WADDANI.

Qaar ka mid ah madaxda laamaha xisbiga ee degmada Ceerigaabo oo dhammaantood ba halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in Murashax Cirro uu xadhiga uga jaro xafiisyaddaasi iyaga oo tilmaamay in ay hormuud u yihiin isbedal dhaba oo dalka ka dhaca.

“Waxa aanu ku faraxsanahay in Murashax Cirro uu maanta xadhigaas noogga jaro xafiisyada, waxaana aanu hormuud u nahay siddii uu Xisbiga WADDANI u guuleysan lahaa oo dalka oodhan uu uga dhici lahaa isbedal dhaba.”. Ayey yidhaahdeen Madaxda Laamaha Xisbiga WADDANI ee Ceerigaabo.

Guddoomiyaha gobalka Sanaag ee Xisbiga WADDANI oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay Xisbiga WADDANI uu guud ahaan ba gobalka Sanaag kaga gacan sareeyo Xisbiga KULMIYE isla mar ahaantaana uu maanta ku faraxsan yahay taageerayaashaas is abaabulay ee iskood u furtay Xafiisyada.

“Waan ku faraxsanahay in maanta uu Xisbiga WADDANI xafiisyo tiro badan ku yeesho Ceerigaabo, taageerayashu na way ku mahadsan yihiin sida qiimaha badan ee ay iyagu u garteen in ay xafiisyadaas furtaan, waxaana markhaati ma doon ah in maanta uu Xisbiga WADDANI uu KULMIYE kaga gacan sareeyo gobalka Sanaag.”.Ayuu yidhi Mr.Daadey

Murashax Cirro oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa taageerayaasha uga mahad-celiyey sida fiican ee ay isu abaabuleen isla mar ahaantaana ay iyagu iskood u furteen xafiisyada, waxaana uu cod dheer ugu baaqey in ay qaataan kaadhka diiwaan-gelinta Doorashada oo ka socda gobalka Sanaag