Xildhibaano Sharci Darro Ku Tilmaamay Mooshinka Loogu Codeeyay Haamaha Shidaalka

47
2948

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa ka hadlay aragtidooda ku waajahan mooshinkii ku saabsanaa Haamaha Shidaalka ee shalay Golaha Wakiiladu u coddeeyeen in Shirkadaha gacanta ku haya aan dib looga soo celin, waxayna tilmaameen in sifo sharci daro ah loogu wareejiyey,qayrul sharcina ay tahay in go’aan hore uga baxay Golaha oo loo coddeeyey in mar dambe dib loogu coddeeyo.

Golaha wakiilada ayaa shalay u codeeyay inaan xukuumadda gacanteeda lagu soo celin maamulka haamaha shidaalka. 49 ka mid ah golaha ayaa diiday mooshinka ka dhanka ahaa shirkadaha maamula haamaha shidaalka.

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, ayaa hadalkiisi ku bilaabay “Shirkaduhu markii horeba Haamaha sharci daro ayaa loogu wareejiyey, oo Goluhu mar hore ayuu laalay, go’aankaas lagu laalay in Haamaha Shirkado gaar ah lagu wareejiyo Xukuumaddii Siillaanyo ayaa fulin weyday, hore ayaanu Goluhu ugu codeeyey in gacanta dawladda aan laga saarin Haamaha, waana muhiim in la fuliyo sharcigii hore ee Barlamaanka ka soo baxay, oo dib loogu soo celiyo Haamaha Dawladda”.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Go’aankii lagu diiday in Haamaha la wareejiyo uu yaala, Mooshinkana sida loo keenay anigu garan maayo, oo Mooshinkii saddex meeloodaw laba meelood aanu ku diidnay in Haamaha la wareejiyo ayaa yaala, go’aan Gole oo yaalana go’aan kale ama mooshin kale lagama daba keeni karo, waxa loo coddeeyeyna waxba kama jiraan, go’aankaas hore ee lagu diiday in Shirkado gaar ah loo gacan galiyo Haamaha Shidaalka ayaa yaala, Mooshinkana la keenayna waa qayrul sharci, Madaxweynuhuna uu ogaa inay Barlamaanku laaleen in Haamaha la wareejiyo, oo gacanta dawladda aanay ka bixin, ee Madaxweynuhu isagoo tixraacaya go’aanka uu iska dhego maray Axmed Siillaanyo, go’aankii Goluhu uu taagan yahay ee waa inuu fuliyaa, mooshinkana loo gudbinaynaana waa qayrul sharci, go’aankii Barlamaanka ee la daldalnaa musuqa iyo dastuur jabinta, si danaysiya ayaa loo eegay ee Madaxweyne Barlamaankayagii fadeexad weyn baa gaadhay, ee Haamaha gacanta Xukuumadda ku soo celi, laba go’aan kaabis iyo wax ka bedel waa lagu sameeyn kara, laakiin islama dulgaliyo, Golahayagu tacsi ayaanu mudan nahay in la nooga fadhisto,sababtoo ah go’aan uu Goluhu gaadhay kuma burin karo gacan taag kale, islaamaha suuquna waa inay bari ka maalin mooshin noo keenaan, xeer wax ka bedel iyo kaabis u baahan ayaa wax laga bedelaa, ee Golahaygu Riwaayad la mid ah Riwaayadii lagu bedelay xuska 18 may ayey dhigeen”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here