Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deeganka Hargeysa Oo Naqdiyay Saami Qaybsiga KULMIYE

0
491

Picture2Hargeysa (Jam)- “Anigoo ku hadlaya magaca garabka dhallinyarada xisbul-xaakimka KULMIYE waxaannu aad iyo aad u saluugsanahay, ugana soo horjeednaa qaabka lagu saleeyey saami-qaybsiga ergooyinka ka qaybgalaya shirweynaha saddexaad ee xisbigayaga. Waxaannu leenahay arrintaas ma oggolin, mana aqbalayno, waayo qabiil xisbi qaran laguma dhisi karo, waxaanuna u aragnaa mid lagu dulmiyayo xuquuqda dhallinyarada, sidoo kalena liddi ku ah nidaamka dimoqraadiyadda ee ka hana-qaaday Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa waxa yidhi xildhibaan Axmed Daahir Axmed oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Degaanka Hargeysa , sidoo kalena xubin ka ah golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo uu dhallinyarada u metelo.

 

Waxa kaloo xildhibaan Axmed Daahir uu sheegay in dhallinyaradu yihiin codbixiyeyaasha ugu badan ee xisbiyada qaranku taageeradooda ku kala guulaystaan, sidaa darteedna ay aad uga xun yihiin, ugana walaacsan yihiin qaabka beelaysiga ku dhisan ee loo qaybiyey ergooyinka shirweynaha KULMIYE oo uu ku tilmaamay inay tahay tallaabo aan la aqbali karin oo lagu dulmay xuquuqda dhallinyarada.

 

Ugu dambayn, waxa uu hoggaanka KULMIYE ugu baaqay in si degdeg ah wax looga qabto cabashada dhallinyarada xisbiga ee la xidhiidha qaabka saami-qaybsiga ergooyinka shirweynaha 3aad ee xisbiga dalka hoggaamiya.