Xildhibaan Baar Oo Madaxweyne Muuse Ku Dhaliishay Saamiga Uu Xukuumadiisa Ka Siiyay Haweenka

26
3441

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Baar Siciid Faarax ayaa madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi Ku dhaliishay in aanu saamigoodii siinin haweenka oo ay ku tilmaamtay inay yihiin kuwa ugu badan ee u codeeyay.

Xildhibaan Baar  ayaa dhanka kale wasiirka qorshaynta Somaliya Jamaal Maxamed Xasan  ku hanbalyaysay waddo dhanka Garoowe gobalka Sanaag ka soo gali doonta, xildhibaan Baar oo ugu horayntii ka hadlaysay saamiga haweenka ee xukuumada Muuse waxay tidhi”Saamiga uu siiyay Muuse Biixi haweenka maaha saamigii ay haweenku xaq u lahaayeen haweenku, xaqiiqdii waa saami aad u yar, waa saami aan ahayn kii loogu talo galay ee ay xaq u lahaayeen laba wasiir iyo wasiir ku xigeen ayuu siiyay, dawlad la koobayna aniga iima muuqato oo wasaaraduhu markii horeba 27 ayay ahaayeen imikana waa 23, haweenka laftigooda ayaad is odhanaysa malaa saamigan ay leeyihiin waanu doonaynaa maaha mid ay ku kalsoon yihiin sababta oo ah xisbiyada qaarkood ayaa ugu balan qaaday in ka badan aanay gacan siin intooda badani”

Xildhibaan Baar waxa ay madaxweyne Muuse Biixi baaq ugu dirtay “madaxweynaha waxaan ugu baaqayaa haweenka ayaa ku soo saaray boqolkiiba toddobaatan ee sii xaqii a lahaayeen.”

Xildhibaan Baar Siciid oo ka mid ah golaha wakiilada ee Somaliland waxay ku hanbalyaysay wasiirka qorshaynta ee Somaliya inuu Sanaag Bari la yimi wax tar, waxaana iyada oo arimahaas ka hadlaysa ay tidhi “Wasiirku waxa uu ahaa nin deegaanka u dhashay mushkilad ma laha haddii dhan laga eego nin gurigiisii yimid, laakiin marka dhanka siyaasada laga eego dawlada Kulmiye iyo tii hore ee Kulmiye doorkii ay iyagu lahaayeen oo meesha ka maqan, Jamaal dadkiisii oo dayacan ayuu u yimid waxbuu soo kordhiyay, waxa jirta waddo dhanka bariga ka soo socota oo Ceerigaabo ku soo socota, faa’iido badan ayay u leedahay dadkaas, Ceerigaabo boqolkiiba todobaatan waxa ay ka adeegataa Boosaaso wadadaasina dhib ayay ku haysay, faa’iido soo korodhay weeye waddadaasi cidii doonaysaaba ha timaado, shan milyan ayuu keenay waanan ku hanbalyaynayaa boqolkiiba boqol, dadkuna Somaliland ku noqon maayo qadoodi, aan waxba la siinayn mashaariicdana lagama qayb galiyo, waxbarasho ma haystaan,caafimaad ma haystaan, arimihii bulshada oo dhami way ka maqan yihiin, biyo nadiifana ma haystaan waxaan soo arkay markaan ollolii tagay meelo aniga oo 7 jir ah aan ka cabi jiray biyo qadhaadh ilaa maantana biyihii qadhaadhaa laga cabaayo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here