Xikmada Ku Jirta Digniintii Uu Cumar Bin Khadaab Faray Mid Ka Mid Ah Masuuliyiintii Uu Goballada U Xil Saaray

47
4501

Hargeysa (Geeska)- Hoggaamiyihii Muslimiinta (Amiirkii Muuminiinta) ee Cumar Bin Khaddaab, Alle ha ka raalli ahoodo e’ ayaa maalin maalmaha u yeedhay mid ka mid ah masuuliyiintii goballada ay dawladda Islaamku ka koobnayd xukumayey, waxa aanu weydiiyey, “Haddii laguu keeno ruux tuug ah, maxaa aad ku samayn lahayd?”  Masuulkii maba uu la waaban jawaabta ee waxa uu Amiirka muuminiinta ku yidhi, “Gacanta ayaa aan jari lahaa”

Cumar Bin Khadaab oo su’aasha xikmad wax u sheegid, iyo digniin uga jeeday ayaa ugu jawaabay, “Haddaba, Aniguna adiga ayaa aan gacanta kaa jarayaa, haddii qof ka mid ah dadka aan madaxda kaaga dhigay ii yimaaddo, isaga oo gaajaysan ama dhibaato kale haysato, (Dhibaato ay tahay in dawladdu wax ka qabato)” Cumar Bin Khadaab Alle ha ka raalli ahaado e’ isaga oo sharraxaya sababta uu sidan u yeelayo ayaa waxa uu masuulkan ku yidhi, “Alle waxa uu uumiyihiisa masuul inooga dhigay, in aynu gaajadooda daboolno, cawradooda asturno, xirfadna u abuurno. Haddii aynu intaas u qabanno, waa aynu ka kasbannay mahadnaqeeda. Gacmahan waxa uu Alle u abuuray in ay shaqeeyaan, haddii ay wanaagga iyo u hoggaansamidda Alle shaqo ka waayaan, macsiyada iyo xumaanta ayaa ay shaqooyin ka helaan” Qisadan waxa uu Geeska Afrika ka soo xigtay barnaamijka ‘Fawqal Suldah ee ka baxa Talefishanka Aljasiira.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here