Xidhiidh Baa Ka Dhexeeya Hal-Abuurka Iyo Waallida (Q.2)

59
3409

Hargeysa (Geeska) – Waa qaybtii labaad ee qormadii ka warramaysay xidhiidhka ka dhexeeya waallida iyo hal-abuurka:

Aragtida cilmiga

Waxaa jira xidhiidh hidde-side oo ka dhexeeya xanuunnada maskaxda iyo hal-abuurka, kaas oo uu mujinaya in farqi aad u yari u dhexeeyo garaad badnaanta iyo waallida.

Cilmibaadhiso cusub ayaa sheegaya in xidhiidh weyn oo dhinaca hidde-sideyaasha ahi ka dhexeeyo xanuunno nafsiya oo ay ka mid yihiin Iskitsoofiriiniya (Schizophrenia) iyo laba dabeecadlaynta (Bipolar disorder) iyo garaad badnaanta ama hal-abuurka.

Schizophrenia waa xanuun maskaxda ku rida isku dhexdaadasho (Khalkhal) sababa dheellitirnaan la’aan ku timaadda sida uu qofku u fikirayo, dareenka qofka ama falalkiisa. Waxaa ku adkaanaysa kala saarista dhabta iyo dhalanteedka. Calaamadahiisana waxaa ka mid ah qofka oo maqla ama arka waxaan jirin, iyo qofka oo qaada shaki ah in ay jirto cid dhagar iyo xumaan la raadinaysa ama in dadka ku xeeran ama la nooli ay isaga si gaar ah ugu fiirfirisanayaan hadalladiisa, ficilladiisa iyo falalkiisa.

Halka xanuunka kale ee Bipolar uu ka yahay dabeecadda qofka oo laba boglaysa, farxad iyo nayaayiro aad u weyn iyo cadho iyo niyadjab aad u daran oo si kedis ah isugu xiga ayaa lagu arkaa qofka. Waxaa mararka qaarkood lagu arkaa ficillo iyo hadallo aan masuuliyad iyo garaad ka muuqan, tamar iyo firfircoooni xad ka bax ah iyo caajis iyo wahsi aan noociisa la arag ayaa isugu xigaya. Xanuunkani waxa uu ku badan yahay dadka hal-abuurka ah, fannaaniinta iyo saynisyahannada.

Tijaabo lagu sameeyey dad tiradoodu ka badan tahay 15 kun oo ruux ayaa ay cilmibaadhayaashu ku xaqiiqsadeen dadka hal-abuurka ah, oo ay ku jiraan farshaxanku iyo dadka garaad badnaanta lagu majeertaa in ay leeyihiin hidde-side u nugleeya in ay ku dhacaan cudurrada dhimirka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here