Barnaamij Waalidka U Fududaynaya In Ay Basaasaan Ubadkooda Isticmaalaya Taleefannada Casriga Ah

138
10344

Washington (Geeska) – Warar badan oo la xidhiidha khataraha ka dhalan kara isticmaalka carruurta ee internet ka ayaa haysta waalidiinta casrigan, sababtuna waa tiknoolajiyadda fududaatay oo sababtay in haysashada taleefannada gacanta ee casriga ah iyo qalabka la midka ah carruurtu helaan iyo in gelitaanka internet ku fududaaday. Carruurta xilliga qaangaadhka ku dhow ayaa cabsida ugu badani ka timaaddaa, maadaama oo aan la ogaan karin waxa ay internet k aka daawadaan, xidhiidhada ay ka sameeyaan, sawirrada ay qaadaan, cidda ay u diraan macluumaadka iyo farriimaha iyo arrimaha la midka ah.

Haddaba waxaa waalidkaas bushaaro u ah in uu soo baxay barnamaij cusub oo lagu magacaabo TeenSafe, kaas oo wax ka xallin kara dhibaatadaas. Barnaamijkan oo durba dadka isticmaalayaa ay ka badan yihiin hal milyan oo waalidiin ah, sida loo isticmaalayana laga baran karo Youtube ayaa waxyaabaha uu waalidka u fududaynayo waxaa ka mid ah in ay carruurta ka mamnuucaan isticmaalka baraha bulshada ee aanay la rabin, tusaale ahaan ‘Snap Chat’ iyo xitaa in ay taleenka carruurta shaqadaba ka joojiyaan marka aanay rabin in la isticmaalo.

Barnaamijkan oo lagu tilmaami karo basaasidda carruurtu waxa uu waalidka u fududaynayaa in ay akhriyaan farriimaha ku soo dhaca ama laga diro taleefanka gacanta ee casriga ah, tablet ka, iPad ka ama qalabka kale ee la midka ah. waxaa la soo celin karaa farriimaha, sawirrada iyo fiidyowada la tirtiro, kuwa lagu diro baraha bulshada ee WhatApp ku ka mid yahay, dadka lagala xidhiidho xitaa haddii la tirtiro. Waxa kale oo xiise leh in haddii carruurtu ay qarsato taleefanka ama qalabkan la midka ah in uu waalidku si fudud u soo heli karo qalabka ama haddii uu ilmuhu la dhuuntay halka uu ilmaha laftigiisu joogo. Waxaa intaasba ka sii muhiimsan in qalabkani waalidka u sahlayo in ay hawlahaas oo dhan sameeyaan iyaga oo aanay carruurtu dareemin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here