Xeelado Kaa Caawinaya In Aad Xasuustaada Xoojiso Iyo Talooyin Muhiim U Ah Korinta Garaadka Qofka (Q.2aad)

53
3518

London (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii soo bandhigaysay qaar ka mid ah hababka xusuusta lagu xoojin karo oo qofku samayn karo da’ kasta oo uu yahay.

Ka faa’iidaysiga dareenka (Caadifadda): Qiiirada iyo arrimaha dareenka qofka taabtaa inta badan waxa ay ku xidhiidhsan yihiin xusuusta. Sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku taliyaan in qofku uu xoojiyo xidhiidhka uu dadka ku xeeran la yahay, gaar ahaan in uu ka aghdowaado shucuurta asxaabtiisa, ehelkiisa iyo dadkuu jecel yahay, waxa ay ku taliyaan in qofku uu xusuustiisa dib ugu soo celiyo saacadihii iyo maalmihii dareenka lahaa ee soo maray, sida maalintii ugu horreysay ee uu ballan jacayl yeesho iwm.

U fiirsiga: Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa daahfurtay in 20 daqiiqo oo uu qofku maalin kasta afar jeer kelidii maskaxda la shawro isaga oo shaqada iyo hawlaha kale oo dhan faraha ka qaadaya oo maskaxda fikirkeeda u sii deynayaa ay wanaajiso shaqada maskaxda ee dhinaca tarashada.

Qoraalka: In xusuusqor qofku yeesho, oo uu weliba ku dadaalo in aanu kombiyuutarka isticmaalin ee uu qalin iyo warqad adeegsadaa waxa ay xoojisaa xusuustiisa. Waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in qofku marka uu qalinka iyo warqadda wax ku qorayo ay maskaxdu isticmaasho dhowr dareeme oo kala duwan, sida gacanta iyo indhaha taasina ay ka mdi tahay arrimaha xusuusta xoojiya.

La sheekaysiga nafta: Waxaa suurtagal ah in ay imika kuugu horreyso cid isla hadlidda faa’iido ku sheegaysa. Laakiin waxa ay cilmibaadhayaashu caddeeyeen in qofka oo isla hadla ‘Naftiisa la sheekaystaa ay tahay calaamad muujinaysa isku day waxbarasho iyo fahamka waxa cusub, waxa aanay inta badan helaan ama fahmaan wax ka badan waxa dadka aan isla hadal fahmaan, waana sababta ay uga dhow yihiin guusha ama uga guul badan yihiin.

Cuntada caafimaadka qabta: Cuntada caafimaadka qabtaa waxa ay qofka u leedahay faa’iidooyin caafimaad oo isugu jira kuwo jidheed iyo kuwo nafsi ah labadaba. Waxa ay khubaradu ku taliyaan in qofku uu cuno khudradda noocyadeeda kala duwan, kalluunka gaar ahaan Salamoonka, Lawska iyo cuntooyinka kale ee lagu yaqaanno asiidhka duxda leh ee Omega3.

Hurdo fiican: Hurdo fiican oo uu qofku helaa waxa ay kaalin weyn ka qaadataa caafimaadka maskaxda, waxa aanay xoojisaa xusuusta. Waxa ay khubaradu ku taliyaan in qofku uu helo hurdo u dhexeysa 7 illaa 9 saac maalin kasta.

Jimicsiga: Xarakaadka jidhka iyo jimicsigu waxa ay caawiyaan in ay korodho burqashada dhiigga ku wareegaya jidhka, taasina ay fududayso in uu jidhka wada gaadho. Wareegga dhiigga oo si fiican u gaadha maskaxduna waxa uu wanaajiyaa caafimaadkeeda, waxa uu dardargeliyaa shaqadeeda waxa aanu xoojiyaa xusuusteeda. Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in jidhku xilliga jimicsiga uu soo daayo maaddooyin kiimikaad oo neerfeyaasha quudiya oo ka faa’iida in ay shaqadooda kordhiyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here