Xanuunnada Ku Dhaca Qanjidhka Dhuunta Ee Tayroodh, Dhibaatada Uu Sababo Iyo Cuntooyinka U Fiican (Q. 1)

45
4216

London (Geeska)- Dad lagu qiyaaso in ay boqolkiiba 12 ka noqonayaan tirada guud ee dadka dunida ku dhaqan ayaa ka cawda caafimaad darro iyo khalkhal shaqo oo ku dhaca qanjidhka dhuunta ee Tayrodhka lagu magacaabo, laakiin dhibta dadkan badankooda haysata ayaa ah in aanay dareensanayn xanuunkan sababtuna ay tahay baadhista dhakhtarka oo gaabis ku jiro ama xanuunka oo bilow ah.

Qanjidhkan oo ku yaalla dhuunta hoosteeda ayaa soo daaya ‘Hormoonno’  unugyada jidhka ka caawiya ka faa’idaysiga nafaqada cuntada. Waxa kale oo uu ka masuul yahay soo deynta hormoonnada jidhka ka caawiya dheefsiga cuntada, heerkulka jidhka, garaaca wadnaha, isaga oo sida oo kalana khalkhal ku keeni kara shaqada qaar ka mid ah xubnaha jidhka.\ibaatada caafimaad ee qanjidhkan ku dhacdaa waa laba nooc oo kala ah in uu gaabis noqdo oo hawshiisa uu qaban kari waayo iyo in uu si dheeraad ah u shaqeeyo oo iyaduna dhibaato caafimaad keenaysa. Tusaale ahaan marka uu gaabiska nocqdo waxa uu soo saari kari waayaa xaddi jidhka ku filan oo ah hormoonnada ay ka mid yihiin T3 iyo T4, waxa aanay taasi keentaa in jidhku ka faa’idaysan kari waayo cuntada, waana sababta keenaysa buurni aad ah, daal joogto ah, dhiigga oo kaca, kalastaroolka oo bata iyo niyad xumo nafsadeed.

Ku talaxtag: Haddii qanjidhka shaqadiisu inta dabiiciga ah ka badato macnaheedu waxa uu nooqnayaa in uu soo saarayo Hormoonno ka badan intii jidhku u baahnaa, waxa aana qofka ay ku dhacdo lagu arkaa miisaanka oo si aan sabab lahayn oo kedis ah hoos ugu dhaco, in garaaca wadnuhu inta caadiga ah ka kordho, hurdo la’aan iyo isku buuq  iyo xaalado nafsi ah.

Sababaha qanjidhkani u bukoodo

Sababo badan ayaa qanjidhka Tayrodh ku keena dhibaatooyinka caafimaad ee sababta u ah in uu gaabis noqdo ama siyaado gasho shaqadiisa, waxa se aynu si gaar ah u xusaynaa in jeermiska iyo dulinka hawada ku dhex firidhsan ee dhuunta qofka gelaya ama cuntada u raacayaa uu ka mid yahay, waxa aanay dhibaatadiisu sii badataa marka ay qofka ku yar yihiin Faytamiinnada, marka uu jidhku waayo Kalooriyada, oo inta badan dhacda marka uu qofku ku jiro cunto yaraynta is dhuubista lagu rabo, khamriga iyo maandooriyeyaasha la midka ah ayaa iyaguna khatar ku ah caafimaadka qanjidhkan.

Waxa kale oo qanjidhkan dhibaatada caafimaad ku keena’ jidhka oo ay ku yaraato maadadda Aydhiin oo laga helo milixda, jidhka oo waaya ama ay ku yaraadaan fallaadhaha qorraxdu, suntan xasharaadka oo uu qofku ku neefsado, sigaarka nuugistiisa, badsashada cunista Fuulka, kuwaas oo dhammaantood keena in qanjidhka Tayroodhku uu shaqadiisa ka gaabiyo. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here