Marka Ay Arrimuhu Sida Aad Rabto U Socon Waayaan, Dib Ugu Noqo Jidka Aad U Marayso Oo Wax Ka Beddel

30
2910


Hargeysa (Geeska)- Miskiin indhoole ahaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah oo ay baahidu ku sii adkaatay waxa uu damcay in uu jidka hareertiisa fadhiisto oo uu dadka weydiisto in ay caawiyaan. Maadaama oo aanu arkayn marka uu qof hortiisa marayo, si uu wax u weydiisto waxa uu keenay farsamo uu ku gaadho ujeedadiisa oo ahayd in uu soo samaystay boodh yar oo gacanta ku qoran, “Indhoole ayaa aan ahayn ee i caawiya” ayaa boodhkan ku soo dhigay, kaddibna agtiisa ayaa uu dhigay.
Nin shaqadiisu tahay xayeysiinta iyo iidhehda ayaa soo maray jidkii, waxa aanu u hakaday in uu miskiinkan shilimaad yar ugu rido koofiyad uu is hordhigay, markii uu lacagtii ku ridayey koofiyadda ayaa uu arkay in aan waxba hore oo fiican loogu ridin. Waxa uu markiiba fahmay in jidka uu ninkan indhoolaha ahi u maray gaadhista ujeedkiisa ay wax ka qaldan yihiin.
Markii uu lacagtii ugu riday koofiyadda, ayaa uu haddana ku jeestay boodhkii yaraa ee agyaallay, isaga oo u sheegay in uu wax ka beddelayo qoraalka ku yaalla boodhkan. Kaddibna inta uu qoraalkii beddelay ayaa uu boodhkii u dhigay oo uu iska tegey.
Muddo gaaban intii aan la joogin ba miskiinkii waxa uu dareemay in dadka soo mara jidka badankoodu aanay la dhaafayn sadaqadda, muddo gaaban gudaheedna lacag door ahi ku dhacday koofiyaddii hortaallay. Saacado badan ayaa uu goobtan fadhiyey, oo aan waxba la siinin ama lacag aad u yar la siinayey, muddo gaaban gudaheedna isbeddel ayaa uu arkaa, markiiba waxa uu maskaxdiisa weydiiyey waxa isbeddelkaas keenay. Cabbaar markii uu rogrogay waxa uu fahmay in isbeddelkani yimi intii ka dambaysay markii uu u yimi ninkii sheegayey in uu qoraalka boodhka wax ka beddelay.
Waxa uu markiiba gartay in halkaas sirtu ku jirto. Nin ka mid ah dadkii jidka marayey ee ugu soo baydhay in ay lacag ugu ridaan koofiyadda, ayaa markii uu sanqadhiisa maqlay, waxa uu ka codsaday bal in uu u akhriyo waxa ku qoran boodhka dhinaciisa yaallay. “Waxa aynu ku jirnaa xilligii gu’ga, laakiin anigu ma’ awoodi karo in aan idinla daawado quruxdiisa” ayaa ay ahaayeen ereyada boodhka ku qoran ee beddelay dareenka dadkii jidka marayey kuna kallifay in aanay la dhaafin sadaqadda. Xikmadda ku jirtaa waa, “Marka ay hawlahaagu sidii saxda ahayd u socon waayaan, beddel jidka aad u marayso”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here