Wasiirka Warfaafinta Oo Iska Difaacay Eeddo Loo Soo Jeediyay

44
3571

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax [Guri-barwaaqo], ayaa  sheegay in  TV-ga qaranka lagu hoos geeyey wasaaradda xeer-nidaamiyihii uu soo saaray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirku waxa kaloo uu ka hadlay  ujeeddooyinka uu ka leeyahay isku shaandheyntii uu ku sameeyay waaxaha kala duwan ee wasaaradda khamiistii la soo dhaafay. “Waxaanu ogaanay qaabka ay wasaaraddu u dhisan tahay ama sida shaqaaluhu yihiin aanay ahayn sidii habboonayd ee wasaaradi u shaqeyn lahayd, si loo soo celiyo habkii shaqada waxaanu soo saarnay  wasaarad ahaan in  qof kasta oo shaqaale ahi uu 7:30 Subaxnimo hawshiisa bilaabo.

Isku shaandheyntan waxaanu samaynay  dad badan iyo dhallinyaro  muddo badan ka shaqeynayey inaanu tayeyno oo mooraalkoodii kor u soo qaadno oo wasaaradda iyo qaybaheedana dhiig cusub ku shubno oo aanay noqon in qof kastaa halkiisa uun joogo,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo u waramay Telefishanka weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan  HCTV.

Wasiirka oo ka jawaabayey su’aal ahayd in maareeyihii hore ee TV-ga qaranka, Khadar Maxamed Cakuule uu sheegay inaanu wasiirka warfaafintu xilka ka qaadi karin, maadaama oo hore loogu magacaabay digreeto madaxweyne, waxaanu yidhi;  “Horta madaxweynihii magacaabay waa madaxweynihii tagay wasiirradiisii iyo maamulkii uu magacaabayna way la tageen. Wasiirradii ka tirsanaa xukuumaddii hore dib baa madaxweynaha cusubi xeer ugu magacaabay.

Waxa kaloo la sameeyay xeer-nidaamiye cusub oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi soo saaray, waxaana ku cad in TV-ga qaranku uu hoos yimaado wasaaradda warfaafinta oo wasiirku madax ka yahay, sidaas darteed xeerkan  ayaa sheegay  in  isaga [Khadar Cakuule] meesha ka baxay.”

Wasiirka oo la  weydiiyey su’aal ahayd  waxa ka jira in saddex agaasime ay ku dhaliyeen isku shaandheyntii uu sameeyey 22-kii bishan. “Qof waliba afkiisa isagaa leh oo wuxuu doono ayuu ka odhanayaa, kursi kasta oo xil ahina  eediisa wuu leeyahay, annagu koox baanu ku shaqeynay oo wada tashi baanu lahayn, go’aanka kama dambaysta ahna anigaa leh. Sidaas daraadeed cid aniga wax ii yeedhinaysay oo I lahayd sidaas yeel may jirin,”ayuu yidhi wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here