Wasiirka Qorshaynta Oo Qabtay Shir La Isugu Keenay Hay’adaha Iyo Ururada Caalamiga Ah

0
675

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay Hargeysa ka qabsoomay shir ay isugu yimaadeen hay’adaha iyo ururada caalamiga ah ee dalka jooga.

Shirkan oo u gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Mud. Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo tire)  ayaa waxa ku wehelinayey Wasiiru-dawlaha Qarshaynta, Wasiirku-xigeenka iyo madaxa waaxda isu-duwida ee Wasaaradda Qorshaynta, waxaana lagu gorfaynayey  mashaariicda ku saabsan ka soo taakulaynta dadka abaaruhu ay saameeyeen.

Ugu horeyn waxa qodobda shirka iyo muhiimaddiisa ka warantay Madaxa Waaxda isu-duwida ee Wasaaradda Qorshaynta Marwo Ubax Maxamed Maxamuud oo sheegtay inuu kulankani daaranyahay sidii loo wadaagi lahaa macluumaadka iyo warbixinada  la xidhiidha mashaariicdan loogu talagalay in  lagu taakuleeyo dadka abaarahu ay xoolahoodu galaaftee, kulankan uu yahay mid lagu qaabayn doono mashaariicdaasi maadama ay ka Wasaaradd ahaan iyagu u xil saaranyihiin isu-dubaridka mashaariicda dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Mud. Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo tire) oo gudoominayay shirka ayaa isagoo ka hadlayaa guud ahaan ujeedada shirka iyo waxyaabaha laga filayo waxa uu yidhi  “ Waxaan maant runiit shir aad iyo aad u miihima la yeelanay hayadaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ahba. Hayadahaasi oo wada shaqayni naga dhaxayso maadama aanu wasaaradda qorshaynta.

“Shirkaa ujeedadiisu waxay sidii aanu ugu soo bandhigi lahaynd Hayadaha iyo Ururada Caalamiga ah inay  nagala qayb qaataan barnaamijka taakulaynta  dadka aabrahu saameeyeen ee ay xooluhu ka madheen ama aan biyo haysanmaadama sidii ay tii horeba nagala qayb qaateen.

” Sidaad  ogtihiin waxynu 18 may u badalnay dabaaldageeni inaynu lacag ugu ururino dadkaa walaalaheen, lacagtaas oo lagu qiyaasay 10million oo dollar, ilaa haatan sidan warka u hayano waxa la haya 5milion oo ay kala bixiyeen 3 milion oo ay ururiyeen shacabkeena iyo tijaarteenu  iyo 2million oo DP World. Markaa lacagtaasna waxaynu ugu talgalnay inaynu dadka ku xoolayno iyo inayn balayo inay ku qodno ceelal"

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Mud. Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo tire) waxa uu xusay in maadama ay dawlad ahaa ay  doorkoodu ka qaadanayaan ay Hayadaha iyo Ururadana u soo bandhigeen waxa uga qorshaysan, taasoo aynoo noo sheegeen ayuu yidhi  Wasiirku qorshahdooda ku aadan arintaasi. iyagoo marka hore mashaariic kala duwan waday ayuu yidhi Wasiirku.

Gabagabadii waxa uu  wasiir Qabyo-tire ka dhawaajiyey in la samayn doono gudi labad geesood ah oo ka kooban xubanaha ay xukuumadu u xilsaartay ururinta qaadhaanka loogu talagalay abaaraha iyo xubano matali doona Hayadaha iyo Ururada caalamiga, waxaanay ka wada shaqayn doonaan sidii loo qaabayn lahaa mashaariicdaasi

intii shirku uu socday waxa warbixino ku saabsan qorshayaashooda halkaasi ka soo jeediyey xubnihii kala duwanaa ee ka qaybgalay shirka