Wasiirka Arimha Dibada Somaliya Oo Meesha Ka Saaray Inay Heshiiska Somaliland Iyo Imaaraadka Wax Ka Saxeexeen

0
1021

Muqdisho(Geeska)-Wasiirka arimaha dibada ee Somaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in aanay Somaliya iyo Imaaraadku wax heshiis ah ka wada galin dekeda Berbera iyo saldhiga milatari.

Waxa uu meesha ka saaray hadalkii dhawaan ka soo yeedhay wasiiru dawlaha arimaha dibada ee Imaaraadka, waxaanu sheegay in aanu khilaafba dhex mareen Somaliya iyo Imaaraadka haddii heshiiskaas ay saxeexi lahayd dawladii iyaga ka horaysay.

Masuulkan ayaa ku tilmaamay heshiiskaas guud ahaantiiba mid aanay ogayn dawladihii Soomaaliya kala danbeeyay, waxaanu sidan ka sheegay isaga oo waraysi siinaaya tilifishanka HCTV, waxaana isaga oo ka hadlaayay sida uu khilaafkaasi ku bilaabmay uu yidhi “Waxa uu ka bilaabmay heshiis Imaaraadka,Itoobiyanka iyo Somalilad la yidhi way isla saxeexdeen,saxeexaas oo lagu dhawaaqay iyada oo raysal wasaarahayagu uu tagay Imaaraadka oo kulamo fiican la soo yeeshay ninka dhaxal tooyada Imaaraadka leh Maxamed Binu Saayid ayaa arintaas lagu dhawaaqay raysal wasaarihii oo wali jooga Imaaraadka , dawlada iyo raysalwasaaruhu waxay yidhaahdeen heshiiskaasi anaga namuu soo marin oo ma ogin, sidaas darteed ma yeelayno oo waxay ku tahay meelka dhac qaranimada Soomaaliyeed iyo midnimada Soomaaliyeed markaas heshiiskaas ma aqbali karno, kabacdina ninkii dekedaha u qaabilsanaa Imaaraadka ee madaxda ka ahaa ayaa hadalo xun xun oo aflagaado ah iyo meel kadhac qaranimada Soomaaliyeed sameeyay, anaguna dawlada Somaliya ahaan waxaanu isku daynay inaanu dawlada Imaaraadka arimahaas kala hadalno laakiin arintii waxba waxbay u dhiibtay, warbaahintiina waa ay buun buunisay, markaas waxay u eekaatay in khilaaf badan iyo colaadi ay Somaliya iyo Imaaraadka ay dhex martay.”

Wasiirka oo la waydiiyay inay Somaliya hayso wax lifaaq ah oo in dawladii hore ay heshiiska galeen la xidhiidha waxa uu yidhi”maya ma hayno, haddii uu jiri lahaa heshiis ay dawlad Soomaaliyeed ay gashay  oo magaca dawlada Soomaaliyeed buuqba ma jireen, dawlada  Soomaaliyeed waa ay ixtiraami lahayd Imaaraadku nama tusin ilaa iyo hadda wax heshiis ah oo xukuumada fadaraalka ee Soomaaliyeed ay la gashay, waxa uu wasiiru dawluu sheegay inuu jiray isfaham, is fahan iyo heshiis waa ay kala duwan yihiin, is fahanku waxa uu ku iman karaa inay laba qof sheekaysato iyo waxii la mid ah,laakiin haddii uu jiro heshiis la kala saxeexday wali maanu arkin, xataa haddii uu jiro is afgarad ma si qoraal ah ayuu ku dhacay ama afka oo laga wada hadlay, markaas Imaaraadku inay na tusaan, wax muujinaaya heshiiskaasi inuu jiro wali waanu ka sugaynaa, hadaanu heli lahayna arintu meesha may gaadheen.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here