Wasiir-xigeenkii Hore Ee Amniga Oo Ka Digay Koox Ka Tirsan Xukuumada Oo Dalka Halis Ku Ah

Published on May 28 2014 // Warar

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga Cabdillaahi Abokor, oo uu madaxweyne Siilaanyo dhawaan xilka ka qaaday, ayaa ka digay koox uu sheegay in loo yaqaano gunti gaab oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, oo halis ku ah amniga iyo isku duubnimada shacabka reer Somaliland.

Mr. Abokor, oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, wuxuu sheegay inuu hayo xogo amni oo tilmaamaya qaab dhismeedka kooxdaas, waxaanu ku tilmaamay koox ku awood badan xukuumadda dhexdeeda. Waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka xisbiga KULMIYE iyo qodobada sharci ee tafsiirkooda la isku haysto.  “Xafiiskaygu wuxuu ahaa xafiiska ugu xogta badan Somaliland. Somaliland waxay gashay qas siyaasdeed,  sababna waxa u ah sawir aan idiin muuqan bulshada Somalialnd, waxa sabab u ah koox ka tirsan xukuumadda uu madaxweynuhu hoggaamiyo, waa koox caan ah qoladayadii amnigu waxaanu u naqaanay gunti gaab markaanu siyaasadda ku jirnay, magacyo badan ayay isticmaashaa, kooxdooda koowaad waa Akhwaanul muslimiin, magacyada way bedebedalaaln mar waxay la baxaan Nahda, mar waxay la baxaan Ictisaam, itixaad, mar islaax, mar damul jadiid marna waxay la baxaan Al-Shabaab.” Ayuu yidhi wasiir ku xigeenkii hore, waxaanu intaas raaciyay, “Siyaabaha ay doonayaan markay dalka qabsadaana waxay dalka ka abuuraan qas siyaasadeed, waxaad xogogaal u tihiin wixii Tuniisiya ka dhacay, Aljeeriya sagaashamaad, kii Masar, Suuriya iyo waxa ay Somaliya la degi la’dahay. Nimankaasi diinta ayay isku qurxiyaan, laakiin afkaartoodu waa mid siyaasiya, waxaanay ku dedaalaan inay hantida iyo awoodda  gacanta ku dhigaan, maanta waxaad moodaa inay marayaan xaaalad ay doonayaan inay Somaliland gacanta ku dhigaan.”

Wuxuu sheegay inaanay madaxweynaha iyo guddoomiyaha KULMIYE is haynin balse ay kooxdaasi qas abuurayso, “Waxaan Somaliland u xaqiijinayaa inaanay jirin madaxweyne iyo guddoomiye is hayaa iyo xisbi is hayaa laakiin waxa sabab u ah waa kooxdaas, waxa kale oo ay imika ku hawlanyihiin inay abuuraan guddiga culimada Somaliland, siyasadda ka dambaysaana waxa weeye qof kasta oo siyaasiya oo muslim qunyar socod ah sidii hadhoow dadka loogu kicin lahaa oo guddigaasi ay u noqon lahayd guddi awood badan. Waxaad xogogaal ka tihiin inay aad uga qayliyeen ururada sida ehlu suna wal jamaaca, waxa kale oo aad xogogaal ka tihiin inay maanta Hargeysa jiraan masaajido la isku haysto oo maxkamadaha ku jiraa, sababahaas waxa u ah nimankaas aan idiin sheegayo oo doonaya inay qabsadaan dhammaan masaajidada Somaliland. Shacabka Somaliland inay fahmaan inaanay maanta jirin khilaaf siyaasiya oo dawladda iyo dadka Somaliland ka dhex jiraa, laakiin ay kooxaha noocaas ahi ay siyasadda Somaliland ku dhex jiraan, waxaanay aad ugu dedaalaan sidii loo tirtiri lahaa ehlu suna waljamaaca iyo ururka la yidhaahdo selefu saalix.”

Isagoo ka hadlaya xeerka xisbiga KULMIYE iyo qodobada sharci ee muranka keenay wuxuu yidhi  “Xeerka xisbiga qodobkiisa 15aad wuxuu ka hadlayaa qaab dhismeedka xisbiga, wuxu ka koobanyahay xisbigu shirguddoonka iyo afarta ku xigeen, xoghayaha guud iyo golaha dhexe, wuxuu sheegayaa isla qodobkaasi faqradiisa 2aad inay golaha dhexe ansixin doonaan guddiga fulinta, taas macnaheedu waxa weeye marka uu guddoomiyuhu soo magacaabo ayay golaha dhexe ansixin doonaan guddiga fulinta.”

Isagoo ka hadlaya guddigii hoggaaminaysay shirweynihii xisbiga KULMIYE iyo awoodahooda, wuxuu yidhi “Awoodahooga waxa sheegaya qodobka 19aad ee isla xeerka wuxuu sheegayaa shirweynuhu wuxuu leeyahay awoodahan soo socda, wax ka bedelka iyo ansixinta dastuurka xisbiga, wax ka bedelka iyo ansixinta barnaamijka xisbiga, doorashada xubnaha kooban ee guddoomiye, afarta ku xigeen iyo xoghayaha,  markaas ma muuqato meel uu shirweynaha xisbigu ku leeyahay inuu magacaabo guddiga fulinta. Isla qodobka 21aad wuxuu sheegayaa xilka iyo waajibaadka guddoomiyaha, qodobka 24aad xarafiisa D, wuxuu sheegayaa awoodda guddoomiyuhu inuu awood u leeyahay inuu magacaabo guddiga fulinta, sidoo kale xeer no 14 qodobkiisa 13aad ayaa isna wuxuu awood siinayaa inuu guddoomiyaha xisbigu awood u leeyahay inuu magacaabo guddiga fulinta. Qoladii hadlaysay lama odhan karo waa guddi fulineed ee waa xubno la soo diray.”Wasiir ku xigeenkii hore, oo la su’aalay sababta uu arrimahan hore uga hadli waayay iyo bal isagu inuu ahaa xubnaha la diro iyo xubnaha wax dira, wakhtigii uu xilka hayay, waxaanu yidhi  “Waxaan ahaa xubin ka tirsan golaha la dagaalanka aragagixisada iyo budhcad badeeda ee gacanka carbeed, waxaan ka qayb galay shirkii lagu qabtay Sanca iyo kii Djibouti, waxaanu isku daynay inaanu la wadaagno wadamada la jaarka ah sidii loola dagaalami lahaa, waxaad xogogaal ka tahay shan jeer ama lix jeer  oo hore in madaxweynaha lagala hadlay sidii nimankaas wax looga qaban lahaa, waxay gaadhay shirka golaha wasiirada inaan laba soo hadal qaadi karin Al-Shabaab oo la isku qabsado, laakiin marnaba nagaymay joojin jirin inaanu ka hadalno oo ka doodno arrinkaas isaga ah, tan kale hadaan ahay qof la dirayo sababta xilka aan uga tagay ayaa kuu sheegaysa in la I diri jiray iyo inaan ahaa qof xor ah.”

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!