Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Shir Uu Senegal Kaga Qayb Galay Oo Ay Su’aalo Ka Dhasheen

31
4444

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Shir ku saabsan Waxbarashada oo ka dhacay Caasimadda dalka Najeeriya, ee Abuja,waxaanu tilmaamay in Shirkaas Somaliland lagu soo casuumay, ee ay waxba kama jiraan yihiin wararka qaar ka mid ah warbaahintu ay qoreen ee sheegaya in Somaliland Shirkaas kaga qayb gashay qaab liidata oo la mid ah sida maamul Goboladyeedada Somaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Wargeyska Geeska Afrika arintan wax ka weydiisay ayaa ugu horeyn ku jawaabay “Inagu waxaynu nahay dal iyo dad jira, oo ka madax banaan Somaliya, Somaliya waa wadan gaar ah oo aynu kala go’anay, dibna aynu ugala soo noqonay xoriyadeenii, Somaliland waa dal jira, oo wax walba oo looga baahnaa dal iyo dawladba weynu qabsanay, waxaynu gaadhnay heer aanay wali gaadhin Wadamo badan oo ka tirsan Caalamka, horumarka dalkeena ka hanaqaaday waxaana ka mid ah sida Doorashooyinka ay dadku iskooda cida ay doonaan ugu coddeeynayaan, Dimuqraadiyada, Nabadgalyadeena sugan iyo kala dambaynta dalkeena ka jirta, waxaas oo dhana waxay ku yimaadeen qaabka wanaagsan ee aynu iskugu tashanay, iyo dadaalka badan ee aynu sameeynay, waxayna taasi keentay in horumarkeena wadan walbaaba u bogo, markaas Shirkana si rasmiya ayaa la inoogu marti qaaday,dal ahaan baa la inagu marti qaaday, ee waa ayaan daro in maamul Goboleedyo la ina barbar dhigo, iyagu iskood ayey u socdeen, ama Maamul Goboleedyo ha ahaadan ama Somaliya ha ahaadan, ee inaga Somaliland baa la ina yidhaahda, markaas maaha in wax aan la hubin la iska qoro, ee wararka la qorayo ha la iska hubiyo, Shirkana magaca Somaliland baa la inagu marti qaaday ee cid la inoo soo maray oo wakiil inaga ahayd ma jirto”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here