Warbixinaha Kala Duwan Ee Ay Warbaahinta Carabta, Itoobiya Iyo Kuwa Dunidu Ka Qoreen Xafladii Madaxtooyada Loogu Qabtay Balaadhinta Dekeda Berbera

16
272

Hargeysa(Geeska)-Warbaahinta dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka iyo Warbaahinta dalka Itoobiya iyo weliba kuwa caalamiga ah ayaa aad u qaadaa dhigay munaasibadii madaxtooyada Somaliland loogu qabtay  dhagax dhigga balaadhinta iyo casriyaynta dekedda Berbera.

Warbaahintan ayaa bogagooda hore waxa ay ku daabaceen shalay warbixino ay ka diyaariyeen munaasibadan oo ay ka qayb galeen Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda shirkada DP world Sultaan Axmed Bin Suleyman.

Itoobiya

Laba ka mid ah warbaahinta ugu magaca dheer Itoobiya ee ku hadla afka dawladda Itoobiya ayaa warbixino shilis ka diyaariyay munaasibadan loo qabtay dhagax dhiga balaadhinta iyo casriyaynta dekedda Berbera.

Warbaahinta Fana ee ay leedahay dawladda Itoobiya ayaa baahisay warbixin ay kaga hadashay munaasibadii lagu qabtay madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa. Fana waxa ay warbixinteeda ciwaan uga dhigtay hadal ay ka soo xigatay Madaxweynaha Somaliland oo ahaa “Dekedda Berbera waa u muhiim sii xoojinta xidhiidh adag oo dhexmara Itoobiya iyo Somaliland.”

Warbaahinta Fana waxay warbixinteeda ku bilowday  “Dhismaha shaqada ee horumarinta dekedda Berbera ee Somaliland ayaa lagu furay munaasibad gaar ah oo loo sameeyay xafladaas, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxa shirkadda DP world Sultaan Axmed Bin Suleyman.

Fana waxay sheegtay in maalgashiga dekedda Berbera ay kala leeyihiin DP world, Somaliland iyo Itoobiya “Dp world waxay leedahay 51%  ka mid ah saamiga dekedda Berbera, halka ay Itoobiya leedahay 19%, iyadoo inta hadhayna  [30%] ay leedahay Somaliland. Wejiga koowaad wuxuu ka koobanyahay dhismaha 400 oo mitir oo ah balaadhinta dekedda Berbera si ay u abuurto marin cusub oo ganacsiga gobalka ah.” Ayay tidhi warbixinta Fana.

Wargeyska ku hadla afka dawladda Itoobiya ee The Ethiopian herald, ayaa shalay boggiisa hore ku daabacay warbixin ku saabsan balaadhinta dekedda Bebera ee Somaliland. Wargeyska oo warka koowaad u qaatay Raysalwasaaraha Talyaaniga oo Addis Ababa yimid, ayaa warka labaad wuxuu ka dhigay dekedda Berbera, waxaanu ciwaan uga dhigay “Marinnada badda ee ay Itoobiya isku doorsan kartaa waa ay sii kordhayaan.”

Wargeysku, wuxuu sheegay in Madaxwenaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu munaasibadaas lagu qabtay madaxtooyada ka sheegay in horumarinta iyo casriyaynta dekedda Berbera ay Itoobiya siinayso fursad ah inay hesho dekedo kala duwan.

Carabta

Marka laga tago dalka Itoobiya warbaahinta dalalka Carabta ayaa aad uga faalooday horumarinta iyo balaadhinta dekedda Berbera.

Warbaahinta Arabian business ee ka faalloota arrimaha dhaqaalaha iyo gnacsiga ee wadamada Carabta, ayaa warbixinteeda waxay ay nuxur ahaan ciwaan uga dhigtay DP world oo shaqada suuqa xorta ah iyo balaadhinta dekedda ka bilowday Somalliland, “DP world waxay bilowday horumarinta dekedda Berbera ee Jamhuuriaydda Somaliland.” Waxa hadalkan yidhi Sultaan oo ah agaasimaha DP world iyadoo warbixintu intaas ku dartay  “DP world waxay ku dhawaaqday dhismaha shaqada dekedda Berbera, waxaana furay Madaxweynaha Somaliland iyadoo uu goob jog ahaa madaxa DP world.”

Arabian bussines waxay sheegtay in dekedda Berbera u adeegi doonto dalalka gobalka ee aan dekedaha lahayn sida Itoobiya oo ay ku leh saamiga Berbera 19%.

Wakaaladda wararka ee Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa iyaduna warbixin ay ka diyaarisay waxay ciwaan uga dhigtay “DP world oo bilowday horumarinta dekedda Berbera”, waxaanay WAM warbixinteeda iyadu dheeraysiisay wakaaladaha kale inay si toos ah u adeegsatay magaca Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay warbixintu tidhi  “Dhismaha horumarinta dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku bilaabantay munaasibad gaar ah oo dhagax dhigis ah. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo agaasimaha DP world Sultaan Axmed bin Sulayman ayaa ku dhawaaqday wejiga hore ee shaqada iyagoo uga mahadceliyay masuuliyiinta dawladda iyo saaxiibada kale  taageeradooda bilowga cahdiga cusub ee kobacaha dhaqaalaha dalka.”

Waxa ay WAM soo xigatay hadaladii ay munaasibadda ka jeediyeen Madaxweyne Biixi iyo agaasimaha DP world, waxaanay sheegtay in sh irkadda Shafa Al Nahda ee  ku guulaysatay qandaraaska balaadhinta dekedda Berbera halkaas lagu gudoonsiiyay shahaadada qandaraaska balaadhinta dekedda Berbera.

Wargeyska Gulf News, oo ah jariirad ka soo baxda dalka Imaaraadka Carabta ayaa isna baahiyay warbixin dheer oo uu ka qoray dhagax dhigga balaadhinta dekedda Berbera. Sidoo kale wargeyska The National ee Imaaraadka Carabta laga akhristo ayaa isna baahiyay warbixintan oo kale.

Warbaahinta Saudi Gazette oo ah warbaahin Sucuudiyaan ah ayaa iyaduna waxay diyaarisay warbixin ku saabsan dekedda Berbera iyo balaadhinteeda, waxaanay sheegtay in DP world ku dhawaaqday in si rasmi ah loo bilaabayo wejiga koowaad ee balaadhinta dekedda Berbera.

Reer Galbeedka

Warbaahinta dalalka reer galbeedka ayaa iyaguna qoray warbixino kala duwan. BBC iyo Reuters ayaa ka mid ah warbaaintaas.

Warbaahinta Reuters, ayaa  baahisay warbixin ay ciwaan uga dhigtay “DP world oo ku dhawaaqday balaadhinta dekedda Somaliland” Reuters, waxay ku bilowday “Shirkada DP world ee uu saldhigeedu yahay Dubai ayaa ku dhawaaqday $ 101 million dollar mashruuc ah oo lagu balaadhinta dekedda Somaliland.”

Waxay Reuters sheegtay in DP world ay maalgelinayso dekedda Berbera oo ah dalka Jamhuuriaydda Somaliland oo xoriyadiisa Soomaaliya kala soo noqday sanadkii 1991 balse aanay weli ciddi aqoonsan.

Wakaaladda wararka ee Reuters, waxay intaas raacisay in dekedda Berbera hadda u muuqato inay is balaadhinayso oo ay ka gudbayso dhoofka xoolaha iyo cuntooyinka ka soo degi jiray, waxaanay tidhi  “Dekedda Berbera waxay bariga dhexe u dhoofisaa Geela waxaana ka soo dega cuntooyin iyo alaabooyin kale, laakiin Somaliland waxay ku rajo weyntahay inay siiso adeegyo kale  jaarkeeda Itoobiya oo ah  o ah dal aan deked lahayn oo ay ku noolyihiin 100 milliin oo ruux waxaanu  ganacsigeedu ku xidhanyahay Djibouti.

DP world waxay sheegtay in wejiga koowaad ee balaadhinta dekedda Berbera uu ka koobanyahay dhismaha 400 oo mitir iyo horumarinta suuqa xorta ah iyadoo adeegsanaysa shirkadda Imaaraadka ee Shafa Al Nahda.

Reuters oo soo xiganaysa hadal uu Madaxweyne Biixi saxaafadda ajaanibka ah siiyay waxay tidhi “Maalgashiga Berbera iyo balaadhinteedy waa faa’iido weyn oo Somaliland ku horumarinayso dhaqaalaheeda. Waxaanu ka fikiraynaa inaanu la tartano dekedaha kale ee gobalka.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Madaxa DP world Sultaan ayaa isna yidhi in dekedda Berbera u adeegi doonto dhaqaalah hore u socda ee Itoobiya iyo suuqeeda xaamiga ku socda.

Wakaaladda Reuters waxay soo hadal qaaday sida ay dawladda Soomaaliyga uga hortimid in dekedda Berbera la baadhiyo oo maalgelin lagu sameeyo, laakiin Madaxweyne Biixi ayaa ku dooday in heshiisyada lala galayo hay’adaha ama shirkadaha noocan ahi ay wax weyn ka tarayaan ictiraafka, “Sababtoo ah markii ay DP world timid Berbera, waxa soo jeedsaday dareenka wadamo kale iyo shirkado waaweyn oo kale sababtoo ah badankoodu waxay ka fikirayeen inaan Somaliland la aqoonsanayn waxaanay iska indho tireen nabadda iyo degenaanshaha Somaliland. DP world waa  shirkad weyn oo caalami ah oo ku dhiiratay inay Somaliland timaado, waxaanan rajaynayaa in shirkado kale oo waaweyn oo qaarad kasta ka socdaa ay ku dayan doonaan oo ay iman doonaan Somaliland.”

BBC, qaybteeda dunida la hadasha ayaa iyaduna diyaarisay warbixin dheer oo ku saabsan casriyaynta iyo balaadhinta dekedda Berbera, waxaanay BBC soo xigatay hadalo uu u sheegay madaxa DP world Sultan. BBC waxay sheegtay in DP world aaminsantahay in aqoonsi la’aanta Somaliland aanay dhibaato u gaysanayn maalgashiga ay ku sameeyeen Berbera, “Wax dhibaato sharci ah ma keenayso, sababtoo ah arrintani waa arrimo dhaqaale, waxaanay qayb ka tahay shaqo abuurka.” Ayuu yidhi Sultan, waxaanu intaas raaciyay inaanay DP world mar dambe ku noqonayn Djibouti laakiin ay culayska saarayso dekedda Berbera.

 

16 COMMENTS

  1. I have been browsing online greater than 3 hours as of late, but I never found any interesting article like yours.

    It’s beautiful value sufficient for me. In my opinion,
    if all site owners and bloggers made excellent content material as you probably did,
    the web might be much more useful than ever before.

  2. Hi would you mind stating which blog platform you’re working with?
    I’m planning to start my own blog in the near future but I’m having a tough time selecting between BlogEngine/Wordpress/B2evolution and
    Drupal. The reason I ask is because your layout seems different then most blogs and I’m looking
    for something unique. P.S My apologies for being off-topic but I had to ask!

  3. I will right away seize your rss as I can not
    find your e-mail subscription link or e-newsletter service.
    Do you’ve any? Kindly allow me understand in order that I may subscribe.
    Thanks.

  4. It’s perfect time to make some plans for the
    long run and it is time to be happy. I have learn this put up and if I may I want to recommend you few interesting issues
    or suggestions. Maybe you could write next articles regarding
    this article. I wish to read even more issues approximately it!

  5. It is appropriate time to make some plans for the future and it is
    time to be happy. I have learn this submit and if I may just I desire to suggest you few fascinating issues
    or suggestions. Maybe you could write next articles regarding this article.
    I want to learn even more things approximately
    it!

  6. Howdy, i read your blog from time to time and i own a
    similar one and i was just curious if you get a lot of spam
    comments? If so how do you stop it, any plugin or anything you can recommend?
    I get so much lately it’s driving me mad so any support is very much
    appreciated.

  7. Woah! I’m really loving the template/theme of this website.
    It’s simple, yet effective. A lot of times it’s difficult to get that “perfect balance”
    between superb usability and appearance. I must say that you’ve done a excellent job with this.

    Additionally, the blog loads extremely fast for me on Opera.
    Outstanding Blog!

  8. It is the best time to make some plans for the
    future and it’s time to be happy. I’ve read this
    post and if I could I want to suggest you few interesting things or tips.
    Maybe you could write next articles referring to this article.
    I wish to read more things about it!

  9. I’ll right away snatch your rss as I can’t to find your e-mail subscription hyperlink or newsletter service.
    Do you’ve any? Please let me realize in order that I may subscribe.
    Thanks.

  10. I have been browsing on-line more than three hours lately, yet I by no means discovered any fascinating article like yours.
    It is pretty worth enough for me. In my opinion, if all site owners and
    bloggers made just right content material as you did, the
    internet can be a lot more useful than ever before.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here