Waddani Oo Xukuumadda Uga Digay Inay Xasaanadda Ka Qaado Xildhibaanada Oodweyne Ee Xidhan

55
3909

Hargeysa(Geeska)-Masuul ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in xukuumadu ay wasaarada arimaha gudaha ku ururinayso xildhibaano ay doonayso inay xilka iyo xasaanadda  ka qaadaan maayar-xigeenka magaalada Oodweyne iyo xildhibaano kale oo dhawaan la xidhay.

Waxa sidan u sheegay Tv-ga Somlicable siyaasiga Cali Cantar oo ka mid ah madaxda xisbiga Waddani, waxaanu xukuumadda uga digay talaabadaas, “Waxay ahayd in lagu xidho Oodweyne, laguma xidhin ee waxa lagu xidhay Burco iyada oo aan xasaanadii laga qaadin, waa la soo dhaafiyay Burco oo Hargeysa ayaa lagu soo xidhay ta hore waanu ka hadalnay oo afduub ayaanu u aragnaa meeshii qofku uu danbiga ku galay haddii uu galay waa in lagu xidhaa, haddii uu eedaysane yahayna waa inuu halkiisii ku ahaadaa, waxaana ka horaysa nimankani sharaf bay huwanhiyiin iyada oo aan laga xayuubin, maaha in hadana la yidhaahdo xildhibaano ayaa Hargeysa lagu ururinayaa oo sagaal ah oo ridaaya, xildhibaanada ridaayana waxa nagu maqaalo ah in shan ka mid ah ay Hargeysa joogaan taas oo foolxumo keenaysa, dalka yaan fowdo laga abuurin. Maalin dhawayd bariga ayay wax ka dhaceen oo dawladu iyada oo aan xalin in dhib kale la faadh faadho maaha, waxaanu leenahay in halkan xilka lagaga qaadaa waa xaaraan maqdac ah, haddii ay nimankaasi danbi galeen in degmadoodii lagaga qaado oo halkaas lagu xukumo weeye, dalkanu ma Hargeysa uunbaa, dadka yaan la baabin, xumaantan ay xukuumadu doonaysana haddii ay joojin weydo  way imanaysaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here