Xildhibaan Maxamed Saalax Oo Madaxweyne Biixi U Soo Jeediyay Tallo

0
3751

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Salaax Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa talo u soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu sheegay haddii loo baahan yahay inay Doorashada Wakiiladu wakhtigeedii ku qabsoonto, in Madaxweynaha looga baahan yahay inuu soo afjaro muranka saami qaybsiga Gobolada, oo Gobolada dhexe ee uu ka soo jeedo uu ku qiiro,waxaanu tilmaamay in Gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag, aanay raali ka ahayn inay Doorashada galaan iyadoo saami qaybsi aan la sameeynin.

Xildhibaan Maxamed Salaax Cige, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Sicir bararka, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay arintan saami qaybsiga“Masuuliyadda saami qaybsiga kuraasta wakiiladda Madaxweynaha ayaa leh,ilaa haddana wuxuu u dabran yahay waa saami qaybsi Gobolada ah, ee ha ka badheedho, oo ha ku ciiro Gobolada dhexe, oo uu yidhaahdo inaga ayaa maanta Madaxweynihii haysana, oo halkii uu Rayaale iska taagay Doorashada inuu halkeedii iska taago ayaa muhiim ah, Doorashadii 2005 dhiirantii Rayaale ayey ku qabsoontay, maantana waxay u baahan tahay inuu Muuse Biixi ku dhiirado, kuna ciiro Gobolada dhexe, si Doorashada Wakiiladu wakhtigeeda aanay dib uga dhicin”.

Mar uu ka hadlaayey haddii aan saami qaysi la sameeynin ayaa yidhi “In Doorashada sidii hore lagu galo waa la diidan yahay, oo waxaad mooda in Gobolada Awdal, Sanaag, Sool in aanay ogolayn in sidii hore lagu galo Doorashada, haddii aanay Xukuumaddu qasbin oo aanay dadkii ogolaysiin, Goboladaasi ma ogola, iska daa reeraha”.

Mar uu ka hadlaayey sicir bararka ayaa yidhi “In wax la iska soo saaro macno badan oo ay sheegaysa ma jirto, laakiin in si mug leh loo eego sicir bararka iyo waxa sababaya ayey ahayd, markaas anigu isma lihi Xukuumaddu wey abaartay wixii loo baahnaa in imikana waxay ka qabatay ma jiro, oo waa kaas oo qiimihii sarifku sii kordhay”.

Mar uu ka hadlaayey Shirkadda muranka badan dhalisay ayaa yidhi“Xukuumaddu inay si sharciya uga hadasho Shirkadan bay ahayd, taas baana fiicnayd, oo si caadiya u soo bandhigan, oo Shirkadan waxay tahay, waxa lagu dhisay, sharciga ay ku dhisan tahay, cida ansixisay, Somaliland intay leedahay, inay Shirkad ajinabiya tahay iyo inay tahay Shirkad ay Somaliland leedahay,in wax la kala caddeeyo ayaa wanaagsan”.

Xildhibaan Maxamed Salaax mar uu ka hadlaayey Masuuliyiinta Somaliland ee iyagu la kulma Madaxda Somaliya ayaa yidhi“Arinkaasi waxaan u arkaa inay tahay arin khaldan, sharcigana waa loo siman yahay, in qof la yidhaahdo dawlad buu la kulmay oo waa Siyaasi, oo waa Somalilander, oo marka uu doonaan dalka yimaada, marka uu doonana dalka ka baxa, oo aanay cidina taaban, qofka kalena inta uu Hargeysa yimaado oo uu Xamar ka yimaado la xidho, iyada lafteeda ayaa cadaalad daro ah, ta kale waxa iyana khalad ah dad u dhashay Somaliland, oo ka soo noqday mawqifkii Somaliya in kolba lagu shanbadeeyo Somaliya, markaas Sharciga ha loo sinaado”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here