Waddani Oo Sheegay In Dhaqaalihii Dalku Liito Iyo Isbedel Ku Yimid Bixinta Mushaharka Shaqaalaha

0
576

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in dhaqaalihii Somaliland uu hoos u dhac ku yimid, waxaanu isbedel ku yimid mushaharka shaqaalaha dawladda oo bilihii u dambeeyay mushaharka qaadanayay 8-da bisha, taas oo ah dib u dhac, halka ay markii hore ka qaadan jireen dabayaaqadda bisha.

Cabdillaahi Daamur oo ka tirsan madaxda xisbiga Waddani oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay inay arkayaan dhaqaalihii wadanka oo hoos u sii daadegaya, kaas oo hadda saamayn ku yeeshay shaqaalaha dawladda “Waxaanu ognahay dhaqaale xumada wadanka ku soo fool leh, Mushaharka waxa lqa qaadan jiray bisha oo aan  dhammaan, imika bisha 6deeda, 7-deeda ama 8-deeda ayaa la qaataa.” ayuu yidhi Mr. Daamur, oo intaas raaciyay “Dollarku halkuu marayo waad arkaysaan. mashaakilaadku waxa weeye xaaladan dhaqaale ee aan ku jirno.”

Xukuumadda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arrintan ayaanay noo suurtogelin, laakiin waa markii u horaysay ee xukuumadda lagu eedeeyo in dhaqaalihii dalka oo hoos u dhacay uu saameeyay bixinta mushaharka shaqaalaha dawladda.