Xisbiga Waddani Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Gacan Saydhay Guddi Mus-danbeed Oo Loo Sameeyo Guddiga Doorashooyinka

0
675

Hargeysa(Geeska):-Qaar ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa si adag u uga soo horjeestay guddi mus-danbeed ah oo uu madaxweyne Siilaanyo sheegay inuu u samaynayo guddiga doorashooyinka qaranka.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa toddobaadkan sheegay inuu samaynyo guddigaas oo uu ku tilmaamay mus-danbeed isuguna jira xisbiyada, xukuumadda iyo deeq bixiyayaasha, mana uu cadayn shaqada ay qabanayaan, maadaama oo ay jiraan guddi doorasho oo madaxbanaani. Madaxweynuhu wuxuu yidhi “Aniga oo ka duulaya wakhtiga yar, iyo hawsha badan ee ina hor taal, waxaan magacaabayaa, ama isu keenayaa toddobaadkan guddi mustambeed ah, oo ay ku dhan yihiin saddexda xisbi qaran, xubo kooban oo ka tirsan xukuumadayda, gaar ahaan wasaaradaha qaabilsan shaqo ahaan, Guddida Doorashooyinka Qaranka, iyo goob joogayaal ama wakiillo ka soo jeeda deeq bixiyeyaahsa ama dalalka inaga taageera nidaamka doorashooyinka”

Hase yeeshee xisbiga Waddani ayaa Madaxweynaha ku gacan saydhay soo jeedintiisan, waxaanay ugu baaqeen inaanu ku mashquulin samayn mus-danbeed balse uu culayska saaro sidii xukuumadu sanduuqa xisaabeed ee guddiga doorashada ugu shubi lahayd lacagta qaybinta kaadhadhka diiwaangelinta iyo qabashada doorashada oo ay xukuumadu hore u balan qaaday. “Baqdinta ku gedaaman doorashoyinkan muddo dhaafay ayaa ah,  ma qabno weli inay xukuumadu leedahay awoodii ay doorasho ku qaban lahayd, deeq bixiyayashii way eriday, lacagtii doorashada lagu qaban lahaa weli kumay dhicin qasnada guddiga doorashada,, lacagtii cod bixiyayaasha kaadhadhkooda lagu qaybn lahaa weli qasnada kumay dhicin. Mar kale haddii kordhini timaado macnaheedu waxa weeye Somaliland oo laga noqday, dunidii way inaga aamin baxday.” sidaas waxa yidhi Cabdillaahi Axmed Maxamed (Daamur) oo ka tirsan hoggaanka xisbiga Waddani, waxaanu isagoo ka hadlaya mus-danbeedka uu yidhi  “Mus danbeedku Xamar ayuu yaalaa, qarankani maxkamad sare iyo garsoor ayuu leeyahay, komishan qaran ayuu leeyahay oo doorashada iska leh oo mus danbeed isu ah, qof samayn kara guddi doorasho ka garnaaqaysaa ma jirto. Ciddii kale ee la keenaa waa xaaraan, mana aqbalayno, ha ku riyoon madaxweyen mus danbeed wax jira maahee, nimanka ku soo qorayaana waa khalad, adna khalad ayaad akhriday, mana yeelayno ee ku biyo cab. Waxa lagaaga fadhiyaa lacagtii doorahada keen, mus danbeed lagaagama fadhiyo.”