Tobanka Af Ee Dunida Loogu Isticmaalka Badan Yahay Iyo Liiska Tirada Dadka Adeegsada (Q. 1)

25
3910

Hargeysa (Geeska) – Inkasta oo marar badan lagu kala aragti duwan yahay kala horreynta afafka dunida lagaga hadlo, sababtuna ay tahay hodannimada afafka oo lagu murmo, taariikhda iyo soo jireennimada afafka oo saamayn leh iyo dadka leh afafk oo ay qolo kastaa aaminsan tahay in koodu mudan yahay, haddana waxaa hubaal ah in nolosha casriga ah, ee tiknoolajiyadda, dhaqaalaha iyo siyaasaddu ugu horreeyaan ay saameeyn weyn ku yeelatay kala isticmaalka afafka dunida. Carro-edegeynta sababtay in dunidu isu furanto bulshooyinka caalamkuna sidii hore si ka badan isu dhexgalaan ayaa iyaduna lagama maarmaan ka dhigtay in ay bannaanka u soo baxdo sida ay afafku u kala xoog badan yihiin iyo sida dadka ku hadlaa ay u kala horreeyaan.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Russia today waxa aynu ku eegaynaa afafka ay tirokoobyo iyo sahamino ilo kala duwan ka soo baxay isku raacsan yihiin in ay yihiin tobanka af ee dunida loogu isticmaal badan yahay. Iyada oo laga eegayo sida ay u kala badan yihiin dadka ku hadlaa, iyo inta ay boqolley ahaan ka noqonayaan dadka adduunka.

  1. Afka Jarmalka

boqolkiiba 2.77 ka mid ah dadka dunida ayaa ku hadla afka Jarmalka, ama afafka kale ee ay isku qoyska yihiin. Afka jarmalku waxa uu afka hooyo u yahay tirada ugu badan ee dadka qaaradda Yurub, waxa kale oo uu ka mid yahay afafka xoogga ku dhex leh qaaradda ee la barto. Dalalka Afka Jarmalka ku hadla waxaa ka mid ah, Jarmalka, Usteri iyo qaybo ka mid ah dalalka Switzerland iyo Belgium.

  1. Afka Faransiiska

Tirada dadka ku hadla afka Faransiisku waxa ay tirada guud ee dadka dunida ku nool ka noqonaysaa boqolkiiba 3.05. Waxa aanu af rasmi ah u yahay 32 dawladood oo dunida ah. Dadka uu afka Faransiisku u yahay afka hooyo ee asalka ah, badankoodu waxa ay ku noolyihiin Faransiiska, oo ah halka uu afku u dhashay kuna barbaaray, laakiin waxaa jira dalal kale oo ay xoog ku leeyihiin dadka uu afka Faransiisku afka hooyo u yahay, waxaa ka mid ah, Kanada, Belgium, Switzerland, Afrika, Luxemburg iyo Monoco.

  1. Afka Bengaaliga

boqolkiiba 3.19 ka mid ah dadka dunida ayaa ku hadla afka Bengaaliga. Dadkaas 120 milyan oo ka mid ahi waa dadka u dhashay ee deggen dalka Bangladesh. Sida oo kale waxa uu afkani afka hooyo u yahay gobalka Galbeedka Bengali (West Bengali) ee dalka Hindiya.

Afka Bengaaligu waxa uu ka mid yahay afafka dunida ugu faafsan, waxa aanu ku abtirsadaa afka Indo-Aryan ama Indic loo yaqaanno oo ah kan ugu badan ee lagaga hadlo qaarad la-moodka Hindiya.

  1. Afka Burtuqiiska

Afka Burtuqiiska (Portuguese) waxaa ku hadla boqolkiiba 3.26 ka mid ah dadka dunida maanta ku dhaqan. Waxa ay dadkaasi ku filqanyihiin dalalka Baraasiil, Burtaqiiska (Portugal), Makaw (Macau), Angola, Fenesuweella (Venezuela) iyo Mosambiik (Mozambique).

Afkani waxa uu aad dunida ugu faafay xilligii uu dalka Portugal ahaa quwadda qumeyste, oo ahayd qarnigii 15-naad iyo qarnigii 16-naad. Dhulka uu waqtigaas gumaysiga ku faafayna waxaa ka mid ahaa, Baraasiil, Macau, Shiinaha, iyo gobalka Goa ee dalka Hindiya.

Afka Burtaqiiska oo ka mid ah afafka dunida ee muhiimka ahi, sida oo kale waa afka ugu badan ee lagaga hadlo qaaradda Koonfurta ameerika, marka la eego tirada dad meel wada deggen oo ku hadla. Waxa kale oo uu af rasmi ah u yahay tiro ka mid ah afafka dalalka Afrika, marka la isku daro tirada dalalka dunida ee uu afkooda rasmiga ahi yahay Purtaqiis waa 9 dawladood. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here