Tartanka Is Dhexgalka Dhallinyarada Hargeysa Oo La Soo Gunaanaday

0
573

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Hargeysa lagu soo gunaanaday tartan loogu magac daray tartanka is dhex galka dhallinyarada caasimadda Hargeysa, oo ay ka qayb galeen lix kooxood.

ciyaaro

Tartankan oo ay qaban qaabiyeen dhallinyaro reer Somaliland ah oo ka timid dalka Ingiriiska, lana yidhaahdo Xuseen Maxamed Xaaji Xaashi, Yaasiin Cabdi Maxamed iyo Cumar Muuse, waxaana ka qayb galay lix kooxood oo kala ah New Hargeisa, Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Down Town, Half London iyo Goljano.

1

Tartankan ayaa ahaa mid ka duwan tartamadii hore, waxaana lagu guulaystay inay is dhex gallaan dhallinyaro ka kala yimid xaafadaha magaalada Hargeysa, waxaana xidhitaankiisii ka qayb galay wasiirka xidhiidhka goleyaasha Cali Xaamud jibriil, wasiir-xigeenka dhallinyarada iyo ciyaaraha Cabdirashiid iyo la taliyaha saxaafadda ee Madaxweynaha Khadar Xasan Cali Gaas.

DSC_0218

Ugu dambayn waxa tartankaas ku guulaystay ciyaartooygii loo xushay inay ku ciyaaraan magaca Maxamuud Haybe, halka kooxdii ku ciyaaraysay magaca Down Town ay noqdeen kaalinta labaad.

DSC_0178

Waxa iyaguna tartamadaas goob-joog ka ahaa ciyaartooy caan ka ahaa Somaliland sannadihii toddotanaadkii kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Diridhaba iyo Shaqale.