Soonka Hortii (3): Hooyada Uurka Lihi Waa Ay Soomi Kartaa, Haddii Aanay Qabin Xanuun U Diidaya, Laakiin Ha Iska Ilaaliso In Ay Biyuhu Jidhkeeda Ku Yaraadaan

25
3897

 

Hargeysa (Geeska)- Dr. Salwa Abu Yacquub oo ku xeeldheer cudurrada haweenka iyo dhallaanka, ayaa soo jeedisay tallaabooyin ay muhiim tahay in ay ku dhaqanto hooyada uurka lihi xilliga lagu jiro bisha soon, gaar ahaan tallaabooyinka ay tahay in ay qaaddo ka hor inta aanay bishu bilaabmin.

Dr. Salwa Abu Yacquub oo ka tirsan cisbitaal haween oo hoos yimaadda xarunta caafimaadka Xamad ee dalka Qatar, ayaa warmurtiyeed caafimaad oo ay soo saartay ku sheegtay in ugu horreynba marka si guud loo eego, ay dhammaan dumarka uurka lihi awoodi karaan in ay soomaan, marka laga reebo xaalado caafimaad oo gaar ah, sida hooyada qabta macaanka ee qaadata dawada Insulin iyo  hooyada qabta dhiigkarka, oo ay qasab tahay in ay dhakhtarka la xidhiidhaan ka hor inta aanay bilaabin soonka.

Dr. Salwa waxa ay kula talisay hooyada uurka leh ee bisha soonku u soo gasho laakiin caafimaad ahaan soomi kartaa in ay suxuurta iyo afurka dhexdooda biyo aad u badan cabto, si ay jidhkeeda uga ilaaliso ingagga. Iyada oo sheegtay in jidhka oo ingaga ama biyuhu ku yaraadaan ay keeni karto in hooyadu ay dhasho ilmaha oo aan sidkiisu go’in.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here