Siyaasi Daamuur Oo Eedd U Jeediyay Madaxda Wasaaradda Maaliyada

44
2806

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay is bedel uu sheegay inuu ku yimid Miisaaniyadii uu Goluhu ansixiyey, waxaanu sharci daro ku sheegay in wax laga bedelo Miisaaniyadda Golaha Wakiiladu ansixiyeen.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), ayaa sidoo kale ka hadlay sicir bararka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Arinta Miisaaniyadu waxay sheegaysa kartida iyo awooda ay u hooseyso sida ay Xukuumaddu wax u maamusho,maxa yeelay waad ogeydeen oo aad bay ula raagtay Miisaaniyadda, oo muddo sharciyeedkii la soo gudbin lahaa iyada oo uu dhiman rabo, ayaa si deg dega oo maalin iyo laba ka hadhsan tahay ayey geeyeen Golaha la raagista ay la raagtay Xukuumaddu iyo mudada badan ee ay la maqnayd saluug badan bay lahayd, wixii ay keeneen ee loo ansixiyey inay haddana khaldaan waxay ku tusaysaa in dhinaca loo socdaa in aanay caddayn Jamhuuriyaddana ay jahawareer ku tahay, waxa nasiib daro ah in Wasaaradihii taagan yihiin, Ciidamadii qaranka, Shaqaalihii madaama ay miisaaniyadii khaldantay, in lagu gabood falo ama la taataabto wixii sharciga la mariyey, oo Golaha Wakiilada oo isagu waxba ka dhimin, oo wixii ay wateen ayuu ansixiyey, in haddana iyadii dib loogu noqdo badhna la sii daayo badhna lala hadho, badhna la bedelo waa sharci daro, sharci darana dalka ma dhaqdo, xaqiiqatan Xukuumaddan dhibaato culus baa haysata, wax kalena maaha ee waa dhibaato maamul, habkii loo dhisay weynu ogeyn, wakaaladu aan jirin baa la abuuray, Wasaarado aan is dulsaarmi karayn  baa la is dulsaaray,nidaamka Xukuumadda markii hore la mariyey wey khaldanayd, sida uu Xeerku qabay, ee Golaha Wakiiladu ku magacawnaayeen kumay soo bixin, dhibaato ayey ku qaadatay inay isku fadhisiyaan Miisaaniyadii iyo Wasaaradihii soo baxay, muddo dheerna wey ka qaadatay, maanta inay iyadii ku noqdaan oo ay khaldaan waa mar labaad iyo hadduu sii go’ay, arin khaldan ayaana u arkaa, waxayna tilmaamaysa tamar darada xagga Xukuumadda, ee xaqa shaqada, masuuliyadda kowaadna Xukuumadda ayey saaran tahay, sharciguna ma aqbali karo in mar walba sidii la doono laga yeelo, hadda sida igu maqaalada ah wey ceshadeen, wey isku maqan yihiin, inay saxaan ayaa laga rabaa  haddii ay sixi waayaana socon mayso, haddii uu ninku ula kac u jabiyo xeerkii miisaaniyadda ee uu soo saaray ee Golaha Wakiiladu ansixiyey oo ula kaca ugu badheedho waa xatooyo xoolo dadweyne, waa dadkii oo la dhacay, dhac iyo boob bay ka dhigan tahay”.

Siyaasi Daamur mar uu ka hadlaayey sicir bararka ayaa yidhi “Meelaha la yaabka leh waxay waaye, Xukuumaddani markay timid waxyaabaha ay aadka u balanqaadaysay umadduna ka sugaysay waxa weeye sidii sicir bararka loo yarayn lahaa, sicir bararka kaliya maaha, sarifka suuqa kaliya maaha, ee maceeshada ay dadkani ku nool yihiin sidii loo sahli lahaa weeye, Biyuhuna waa laf dhabarta dadka masaakiinta, iyo dadka wax haystaaba halkay ku nool yihiin, Biyahana la jabiyo mooye in la qaaliyeeyo sabab keenaysaa ma jirto, waxa la sugayey inay mashaariici fulaan, roobab ayaa inoo da’ay, sabab biyo loo korodhiyaana ma jirto, ee waxay ka mid tahay dhacaa umadda la dhacaayo, masaakiinta biyaha iyo roodhida ku nool ee aan wax kale helin haddii labadaas la dalacana waa in gacmaha la iskula tago, in nin doolar gurigiisa ku gurto, oo uu gurigiisa wax ka beerto nina uu wax uu cuno waayo xaq maaha.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here