Sidee Ayey Warbaahinta Kala Duwan Ee Caalamku Uga Werisay Damaashaadkii Bulshada Somaliland Ee Maalinta 18 May?

0
124

18may (2)

Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah saxaafadda caalamka ugu codka dheer ayaa warbixino isu dhow ka qoray dabaal deggii sannad guurada labaatanaad ee la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland oo Arbacadii 18 May si weyn loo xusay.

Warbaahinta sida weyn u qaadaa dhigay dabaal degga reer Somaliland ee guddo iyo dibadba waxa ka mid ah wakaaladda wararka ee AFP, Telefishanka caalamiga ah ee Aljazeera, qaybta Ingiriisida ee VOA, qaybta Ingiriisida ee BBC, bogga caalamiga ah ee Wales Online ee gobalka Wales ee dalka Ingiriiska, wakaaladda News24  iyo kuwo kale, waxaanay dhammaantood ka sheekeeyeen dabaal deggii shacabka Somaliland iyo farriimihii ay bulshada caalamka u direen.

News 24

Wakaaladda wararka ee News24 ayaa qortay warbixin ay ciwaan uga dhigtay  “Somalida Goosatay oo Ictiraaf dalbaday.” Wakaaladu waxay sheegtay inay dadweynaha reer Somaliland isugu soo baxeen jidadka kala duwan oo ay gaardis ku samaynayeen ciidamada kala duwani, waxaanay soo qaadatay hadalkii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ka jeediyay fagaaraha beerta xorriyadu ee uu bulshada caalamka ugu baaqay inay aqoonsato qaranimada Somaliland. Waxa kale oo ay wakaaladu soo xigatay hadal uu yidhi hoggaamiyihii weftiga Djibouti ee ka qayb galay dabaal degyadii Hargeysa ka dhacay Mr. Ougoureh Kifle Axmed, kaas oo uu ku muujiyay suurtogalnimada inay Somaliland aqoonsi hesho, marka la eego madaxbanaanida ay dhawaan qaadatay dawladda Konfurta Sudan.

AFP

Wakaaladda wararka ee AFP, waxay iyaduna aad uga faalootay Somaliland iyo waxyaabaha ay ku talaabsataday mudadii ay jirtay, waxaanay sida wakaaladaha kale soo xigatay baaqa uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo bulshada caalamka u diray. Sidoo kale AFP waxa ay la kulantay wasiirka Arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabose, waxaanu sheegay inuu ku faraxsanyahay qaddiyadda Somaliland iyo muwaadinteeda, “Muwaadiniintu waxay rumaysanyihiin inay wax ku filan sameeyeen. Hadda waxaanu eegaynaa bulshada caalamka.” Ayuu yidhi Gabose.

AFP, waxay sheegtay inay dabaaldegyadii Hargeysa ka dhacay ay ka qayb galeen wefti ka socday dawladda Djibouti, kuwaas oo noqday cidda keliya ee shisheeye ah ee rasmi ahaan uga qayb gashay xafladahaas.

Aljazeera

Talefishanka Aljazeera, qaybtiisa Carabiga oo warbixin mug leh ka diyaariyey dabbaal degga sannad guuradii 20 ee la soo noqoshada madax bannaanida Somaliland ayaa ku tilmaamay xuskan mid ay madaxda Somaliland ku doonayeen in dadaal adag u galaan sidii ay bulshada caalamka ugu qancin lahaayeen in ay aqbasho dalabkooda oo ay ugu horreeyo uguna dambeeyo in la siiyo sharciyad caalamiya.

Warbixintan oo lagu bilaabay, “Dammaashaadyo xoog leh oo ka dhacay dhammaan magaalooyinka Somaliland  ayaa ay dadku sannadkan ugu dabbaal degeen xuska sannad 20-naad ee guurada gooni-isu-taaggooda” Talefishanku waxa uu hadalkii madaxweyne Siilaanyo ka soo qaatay farriintiisii ku aaddanayd bulshada caalamka oo ahayd, “Beesha Caalamka waxa aanu ugu baaqaynaa in ay aqoonsadaan jamhuuriyadda Somaliland, oo aanu aaminsannahay in ay leedahay dhammaan shuruudihii looga baahnaa dawlad.. shacabkayaguna waxa uu xaq u leeyahay in uu xorriyad buuxda ku noolaado” wariyuhu waxa uu sheegay in nidaamkii maamul is-beddel ee sida silmiga ah uga dhacay Somaliland uu u soo jiiday dareenka dunida, isla markaana bulshada reer Somaliland ku abuuray niyadsamaan ah in aqoonsigii u soo dhowaaday. Iyaga oo bulshada caalamkana u diyaraya farriin ah in dib ay ugu noqdaan siyaasaddooda ku waajahan Somaliland.

Wariyuhu waxa uu sheegay in dabbaal degga sannadkan uu ahaa mid kuwii hore ka duwan, oo ay ka qayb qaateen dhammaan hay’adaha dawladda oo ay ku jiraan kuwa amniga iyo ciidamadu, taas oo laga yaabo ayuu yidhi wariyuhu in ay ku muujinayeen amniga uu dalku haysto.

Barta internetka ee Aljazeera:

Barta internet –ka ee Aljazeera ayaa iyaduna dabbaal degga 20 guurada 18 may sannadkan ka diyaarisay warbixin aan ahayn tan talefishanka oo iyaduna aad u waafi ah, “Kumanaan muwaadiniiin ah oo ku labbisan dhar leh midabka calanka kuna heesaya heeso loogu talo galay farxadda munaasabaddan ayaa damaashaadaya shaaracyada deegaannada kala duwan” ayaa lagu yidhi warbixintan” oo lagu sheegay in sidoo kale ay waddooyinka magaalooyinka dhex yaacayaan baabuur dabbaal degeysa oo lagu qurxiyey calanka Somaliland laguna xardhay hal-ku-dhegyo  lagu muujinayo guulaha la gaadhay, dunidana lagaga codsanayo aqoonsiga Somaliland.

Waxa warbixinta lagu sheegay in damaashaadka Hargeysa ka dhacay oo ahaa kan ugu weyn ay ka qayb qaateen dhammaan hay’adaha dawladda, shirkadaha iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo ardayda iskuullada iyo jaamacadaha. Sidoo kale waxaa warbixintan lagu soo qaatay qaybo ka mid ah hadalladii madaxweyne Siilaanyo ka jeediyey beerta xorriyadda. Gaar ahaan baaqiisii aqoonsi doon ee ku waajahnaa bulshada caalamka. Barta internet ka ee Aljazeera waxa ay sidoo kale ka warrantay taariikhda Somaliland ee illaa lixdanii oo guud mar ah.

Aljazeera waxa ay warbixintan ku sheegay in Somaliland ay soo mareen afar madaxweyne oo dhammaantood xilalka kula kala wareegay hab silmi ah oo doraasho sanaaduuqda codka lagu kala baxay ahaa. Iyada oo tilmaamtay in dad ka qaar aaminsan yihiin in doorashadii ka dhacday Somaliland tahay tii ugu nadiifsanayd ee Afrika oo dhan ka dhacda.

VOA English

Idaacadda VOA qaybteeda dunida la hadasha  ee ku baxda luuqadda Ingiriisida ayaa warbixin dheer ka diyaarisay dabaal degga Somaliland iyo duruufaha ku xeeran qaranimadeeda. Idaacadu waxay sheegtay inkastoo aan Somaliland weli loo aqoonsan qaran buuxa, haddana inay ku guulaysatay dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda oo ay ka badbaaday dhibaatada ka aloosan Somaliya. “Waxaan filayaa waxan aan arkaa inay tahay qiso guul lama ilaawaan ah.” Sidaas waxa idaacadda VOA qaybteeda Ingiriisida u sheegay Mr. Mark Bradbury oo hore buuga uga qoray Somaliland, waxaanu intaas raaciyay inuu Somaliland booqasho ku yimid sannadkii 1992, markaas oo uu burbur baaxad lihi ka muuqday caasimadda Hargeysa, “70% ka mid ah guryuhu way burbursanaayeen oo waxa burburiyay dagaal socday toban sannadood. Maanta haddii aad Hargeysa tagto si dhammaystiran  ayaa loo dhisay waxaanay ka baxday xadkeedii caadiga ahaa.”

Wuxuu sheegay in nidaamka dawladeed ee ka jira Somaliland lagu soo abqaalay qaab dhaqameedka beelaha Somaliland, kaas oo sabab u noqday in la dhiso qaran dimuqraadi ah oo nabadgelyo ku dhisan. Isagoo ka hadlaya aqoonsiga Somaliland wuxuu yidhi, “Cidda wax aqoonsataa waa bulshada caalamka, Si cad inta badan dadka reer Somaliland doonistooda iyo himiladooduba waa inay noqdaan qaran madaxbanaan.” Wuxuu sheegay haddii la aqoonsado inay Somaliland heli doonto maalgashi shisheeye iyo waxyaabo badan oo hadda ka maqan.

WalesOnline

Bogga Wales Online oo ah wakaalad ay bulshada gobalkaasi si weyn u akhrisato ayaa isna qoray dalab ay xildhibaano Ingiriis ahi u gudbiyeen dawladda Boqortooyada Ingiriiska, kaas oo ah inay Somaliland aqoonsato, “Somaliland waa inay si deg deg ah u hesho aqoonsi buuxa oo caalami ah, islamarkaana waa inay doorkeeda ka qaadataa dunida.” Sidaas waxa yidhi Xildhibaan Hwel Williams  oo ka soo jeeda xisbiga Plaid Cymru ee gobalka Wales. Waxa kale oo uu bogani soo xigtay jawaab uu hadalkaas ka bixiyay Afhayeen u hadlay Wasaaradda khaarajiga ee dalka Ingiriiska kaas oo sheegay inaanay  Ingiriiska iyo Bulshada caalamku toona  Somaliland u aqoonsanayn qaran buuxa,

BBC English

Idaacadda BBC, qaybteeda dunida la hadasha ayaa iyaduna bogeeda soo dhigtay sawiro ku saabsan dabaal degga umadda Somaliland ee magaalooyinka Hargeysa iyo London, waxaanay xustay inay labaatan sannadoog ka soo wareegtay xilligii ay madaxbanaanideeda kala soo noqotay Somaliya. Waxa ay BBC-du soo xigatay hadalada dad reer Somaliland ah oo ka hor mudaharaadayay Baarlamaanka Ingiriiska hortiisa, kuwaas oo dalbanayay inuu Ingiriisku hormuud ka noqdo aqoonsiga Somaliland.

Si kastaba ha ahaate, dabaal degii labaatan guurada Somaliland, waxa uu sannadkan soo jiitay warbaahin tiro badan oo caalami ah, waxaanu shakina ku jirin in farriintii ay shacabku direen ay gaadhay meelo badan oo ka mid ah bulshada caalamka ee loo gudbinayay.

Wargeyska Geeska Afrika