Sidee Ay Maskaxdu Ku Garataa In Aynu Biyo Cabnay?

23
3256

London (Geeska)- Marka aynu harraad dareenno waxa aynu cabnaa biyo, waxa aanaynu cabbitaanka joojinnaa ilbidhiqsiyo kaddib oo ah marka aynu dareenno cokonaanshiyo. Laakiin su’aasha muhiimka ahi waxa ay tahay, sidee ay maskaxdeennu ku garataa in qofku uu cabbay biyo, iyada oo weliba cilmi ahaan la ogyahay in biyaha ay ku qaadato 10 illaa 15 daqiiqo in ay gaadhaan wareegga dhiigga?

Maskaxdu waxa ay leedahay qayb dareenta marka uu jidhku xaalad ingag ama biyo la’aan ah marayo, ee uu biyo u baahan yahay, sidaas awgeedna waxa ay abuurtaa dareenka aynu harraadka u naqaanno oo kallifa in qofku uu biyo raadsado. Weli waxa ay su’aashu tahay, haddabu sidee ay maskaxdu ku garataa in uu oon hayo?!

Jawaabta waxaa heshay cilmibadhis cusub oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan maxadka California ee tiknoolajiyadda, taas oo sheegtay in ay jiraan unugyo neerfeed oo unugyada maskaxda qaybteedan harraadka dareenta ku wargeliya in qofku uu cabbay biyihii jidhku uu u baahnaa, sidaasna ay maskaxdu ku soo saaray amarka ah in uu haddaba joojiyo cabbista, qiyaas Alle ku abuuray in ay dareento in uu jidhka ku filan yahay oo ka dhex dhalanaysa goorta lagu soo wargeliyey cabbista iyo goorta ay amarka joojinta bixinayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here