Shirweynaha Xisbiga KULMIYE oo saaka furmay

0
853

kulmiyeeeHargeysa(Geeska)-Waxa saaka magaalada Hargeysa si rasmi ah uga furmay shriweynaha xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE.

Shirkaasi wuxuu socon doonaa laba maalmood, waxaana lagu dooran doonaa hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye ee shanta sano ee soo socota oo kala ah ; Gudoomiyaha xisbiga , afar guddoomiye ku xigeen , iyo xoghaye guud. Waxaa kaloo lagu dooran doonaa guddiga fulinta ee xisbiga, iyo gole dhexe oo dhan ku dhowaan 300 xubnood . Waxa Ka qayb galaya ergo ku dhow 1162.

Shirka ayaa waxa ka qayb galaya furitaankiisa madaxweyne Siilaanyo, waxase intii hore ka maqnaa madaxweyne xigeenka Md. Saylici oo la sheegayay inuu uga maqnaa qawad uu qawadsanaa saamiga gobalka Awdal laga siiyay shirweynaha xisbiga. Laaakiin markii dambe wuu yimid shirka, iyadoo la sheegayo inuu lad-qabo ku yimid.

 

Dareeno badan ayaa shirka ka jira, kuwaas oo ay u dhowdahay inay xoogay fawdo ah ka abuuraan shirka, waxaanay ku salaysanyihiin saami qaybsiga iyo loolan siyaasadeed oo u dhexeeya qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga iyo xukuumadda.

La soco wixii ka soo kordha