Shirkii Masalaha Ee Ay Abaabuleen Dr. Cali-sanyare, Mujaahid Axmed Mire Iyo Prof Ismaciil Buuba Oo Siyaasiyiinta Muxaafidka Ah Ku Noqday Dhimbiil

0
563

Hargeysa(Geeska)-Kulankii Jimcihii toddobaadkan ka dhacay xaafadda masalaha ee dhex maray beelaha hal-oorka Koonfurta Hargeysa iyo galbeedka Burco, ayaa sas ku abuuray siyaasiyiinta muxaafidka ah ee ka soo jeeda labadan deegaan.

1

Kulankaas oo ahaa mid siyaasadeed oo taageero loogu raadinayay xisbiga Waddani, ayaa waxa soo abaabulay Mujaahid Axmed Mire, Dr. Cali-sanyre iyo Prof Ismaaciil Buubaa, waxaana ka qayb galay hald-doorka galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa oo isugu jiray siyaasiyiin, madaxda dhaqanka, ganacsato iyo dhallinyaro, waxaana si weyn loogu faaqiday sidii ay koonfurta Hargeysa taageero siyaasadeed ula garab istaagi lahayd xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, iyadoo halkaas lagu dhisay guddi labada dhinac ah oo arrimaha sii ambo qaada.

Haddaba; kulankaas iyo arrimaha siyaasadeed ee lagu gorfeeyay ayaa wuxuu waran siyaasadeed ku noqday siyaasiyiinta muxaafidka ah ee labadan deegaan, kuwaas oo isugu jira kuwa xil haya iyo kuwa aan xil hayn oo taageerayaal madaxtooyo ah.

Siyaasiyiintan muxaafidka ah, ayaa iyagoo kooxo kooxo kala duwan u socda waxa ay saddexdii caano maal ee u dambeeyay isku shubeen xarunta madaxtooyada si ay ugu wargeliyeen miisaanka siyaasadeed ee ku soo kordhay iyo sida loogu baahanyahay in laga hortago.

Lama oga jawaabta ay madaxtooyadu ka bixisay iyo talaabada ay kula talisay inay kaga fal-celiyeen kulankaas, laakiin waxa ay wararku sheegayaan in madaxtooyada lafteedu si weyn uga sastay kulankaas islamarkaana ay masuuliyiintan ku canaanatay inay muddo dheer eeganayeen qabsoomida kulankan oo wakhti dheer jidka ku soo jiray lana hadal hayay qabsoomidiisa. Waxaana la filayaa in maalmahan la abaabulo dad jawaabo ka bixiya kulankaas oo ka soo horjeeda.

Saddexda nin ee sida weyn kulanka uga dhex muuqday ee kala ah Mujaahid Axmed Mire, Cali-sanyare iyo Ismaaciil Buubaa, ayaa ah saddex siyaasi oo aanay madaxtooyada iyo siyaasiyiinta muxaafidka ahi marna ka filayn inay taageero miisaankan leh la garab istaagi doonaan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.