Cabdi Haybe Oo Meesha Ka Saaray Inuu Marna Xil Wasiirnimo Ka Qabanayo Xukuumadda KULMIYE, Beeniyayna In Madaxtooyadu Ergo U Soo Dirtay

0
477

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cabdi Haybe Maxamed, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa meesha ka saaray inuu marna xil ka qabanayo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE.

1

Waxa soo baxay warar sheegaya in madaxtooyada Somaliland guclo iyo orod ugu jirto sidii ay u soo dhawayn lahayd siyaasigan oo jeediya khudbado ad-adag oo ka dhan ah, waxaanay sida ay wararku sheegayaan madaxtooyadu doonaysaa in xil wasiirnimo loo magacaabo, si looga soo reebo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Hase yeeshee Cabdi Haybe, oo uu Geeska Afrika weydiiyay inay jirto ergo madaxtooyada ka timid oo loo soo diray iyo haddiiba xil looga magacaabo xukuumadda, wuxuu sheegay inaanay jirin cid madaxtooyada ka socota oo ula timid ergo, “Ma jirto cid ii timid, waxba kama jiraan.” ayuu yidhi Cabdi Haybe.

Mar uu Geeska Afrika weydiiyay haddiiba isku shaandhaynta la hadal hayo lagu soo daro oo xil wasiir loo magacaabo, waxaanu yidhi “Adeer wasiir lix bilood ah maxaan ku fali lahaa.  maan qaateen marnaba. Wasiir dawladda kulmiye ah marnaba ma qaateen, mana ihi ragga waxaas oo kale loola yimaado.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Cabdi Haybe yidhi “Markaas wararkaas waxba kama jiraan, diyaarna uma ihi inaan marna ka qayb noqdo xukuumadda KULMIYE.” sidaas ayuu yidhi Cabdi Haybe.

Cabdi Haybe, ayaa hore uga mid ahaa aasaasayaashii xisbiga KULMIYE, waxase uu xisbigaas ka baxay ka dib markii ay isku dhaceen Madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigaas ahaa hoggaamiyihii mucaaradka ahaa ee KULMIYE, waxaanu xilal wasiirnimo ka qabtay dawladii Madaxweyne Rayaale, isagoo haddana ka mid ah madaxda xisbiga Waddani ee mucaaradka ah.