“Shirka KULMIYE Hadduu Dib U Dhaco, Waa Arrimo Qaban-qaabada La Xidhiidha”

0
480

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga  Kulmiye Md. Jaamac Ismaaciil Cali (Shabeel), ayaa sheegay in ay rajaynayaan in gudida qaban qaabada shirweynaha Kulmiye ay hawshooda u dhammaystaan sida ugu dhakhsaha badan.

Waxa sida oo kale uu Jaamac Shabeel sheegay in aan madaxweynaha shirkaasi dib ugu dhici karin, isaga oo xusay in shirkaasu uu maalmo dib u dhici karo haddii gudidu ay hawlahooda ku dhamayn waayana si dhaqso badan.

Waxa uu sidan ku sheegay Guddoomiye Jaamac Shabeel waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxaan isaga oo arinakaas ka hadlaaya uu yidhi“Madaxweynuu dalka waa uu joogaa sabab shirku uu dib ugu dhacaana ma jirto, gudida qaban qaabada ayay arimahasi ku xidhan yihiin oo subaxa ay diyaariyaan arinkaas waa la qabanayaa shirkaas, waxaanu rajaynaynaa in gudidu maalmahaas dhiman ay hawlaha ku dhameeyaan, laakiin haddii maalin iyo laba maalmood uu shirku wakhtigiisii dib uga dhaco wax dhib ah oo ku jirtaa ma jirto, madaxweynuuna dalka waa uu joogaa hadda.”