“Shirarka Somaliya Lagula Hadlayo Ee Aynu Ku Yaacayno In Wax Laga Bedelo Ayey U Baahantahay”

26
2769

Xildhibaan Kijaandhe Oo Soo Jeediyay In Dib Loo Eego Siyaasadda A. Dibadda Somaliland

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa ku taliyey in wax laga bedelo Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland.
Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale soo jeediyey in nidaamkii hore ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya wax laga bedelo, waxaanu tilmaamay in Wadanka ugu dhaw ee Somaliland ictiraafi karaa uu yahay Somaliya, isagoo ku baaqay in la raadiyo wado kasta oo Somaliya looga heli karo Aqoonsi iyo Ictiraaf, waxaanu ugu horeyn yidhi “Siyaasadeena arrimaha dibadda ee Somaliland 25 sanno ee ugu dambeeyey waxba isa soo tari mayso, markaas waa inaynu dib u eegnaa, oo Shir la qabtaa, oo la yidhaahda maxay u kordhi weyday, oo ay isku bedeli weyday, oo ay madhalays u tahay Siyaasadeena arrimaha dibaddu markaas waa in la is weydiiyaa, oo laga fadhistaa,lagana arinsadaa, oo dad aqoon leh oo waxtar lehna loo yeedhaa, Siyaasada arimaha dibaddu waa in laga tashado, oo laga shiro, waana in la qiimayo sidii hore wax loo waday si wax looga bedelo”.
Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland ay kula jirto Somaliya ayaa yidhi “Shirarka Somaliya lagula hadlayo ee aynu ku yaacayno in wax laga bedelo ayey u baahan tahay, xidhiidhka Somaliya aynu yeelanayno in dib loo eego ayaa loo baahan yahay, wada hadalkii aynu shalay la galnay Somaliya iyo ka aynu maanta la hadlaynaa in dib loo eego waxaas oo dhan weeye,waana in dib loo eego oo dib loogu noqdo wada hadalada Somaliya, oo laga shiro, oo dadkii wax ka tari lahaa arinka wax laga siiyo, oo waa in intaas looga indho badsado”.
Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey Ictiraafka Somaliland halka ugu dhaw ee uu ku xidhan yahay ayaa yidhi “Meesha ugu muhiimsan ee ictiraafkeenu ku xidhan yahay waa Somaliya, waa inaynu Somaliya Gacanta gelino ee yeynaan isha ka lalinin, wadamo kalena ictiraafkeenu kuma jiro, ee Somaliya ayaa inoogu dhaw Ictiraaf ee waa inaynu ka raadsanaa”.
Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey Ictiraafka Somaliland ayaa yidhi “Ictiraafku dibadda oo qudha maaha, guddahana waxaynu ka sameeyno wax bay ka taraysaa, waxaana ka mid ah inay Dawladnimadii meesha jirta, dadku dawlad leeyahay, waa inay nabadgalyadii jirtaa, waa inay dadka oo dhami ictiraafsan yahay Dawladii oo ay rumaysan yihiin, Doorashooyin wanaagsan waa in la qabto, waa inay Dimuqaraadiyadii jirto, waxaas oo dhami dalkeena wey ka hana qaadeen, ee sidii aynu u sii kordhin lahayn baa loo baahan yahay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here