Shinnida Iyo Caajisku Meel Kuma Kilmaan: Cilmiga Oo Caddeeyey Sirta Firfircoonida Shinnida

4
9572

London (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Nottingham Trent ee dalka Ingiriiska ayaa daraasad ay ku sammeeyeen shinnida ku ogaaday in xasharaadkani yari uu tusaale mudan in lagu daydo u yahay firfircoonida iyo himilada. Cilmibaadhayaasha ayaa daraasad ay ku sameeyeen nolosha iyo hannaanka shaqo ee shinnida waxa ay ku guulaysteen in ay duubaan codka gaarka ah ee ay shinnidu sii deyso si ay u dhiirrigeliso xubnaha ka mid ah ee caajiska iyo gaabiska laga dareemayo ama kuwa da’doodu yar tahay, si shaqada socotaa si dhaqso ah ugu dhammaato.

Markii ay xeeldheereyaashu u fiirsadeen kala duwanaanshiyaha codadka ay shinnidu sii deyso xilliga ay shaqada ku jirto iyo xilliyada kale iyo sida oo kale xubnaha codkan sii daayaa kuwa ay yihiin, waxa ay ogaadeen in xilliga shaqada xubnaha yuuska ugu badan sameeyaa ay yihiin kuwa waayo-aragga u ah shaqada, dhawaqa ay sii deynayaanna uu yahay mid dhiirrigelin u ah xubnaha kale ee shabakadda, gaar ahaan kuwa gaabiska ah oo uu si gaar ah ula hadlayo si ay u gaadhaan heerka shaqo ee laga rabo.

Sida oo kale shinnidu waxa ay isku dhiirrigelisaa dhaqaaq wadareed gariir ama lulan yar ku sameeya shabakadda oo dhan, taas oo ay shinnida caajistay ama daashay ay dareento kaddibna ay dib u bilowdo firfircoonida. Dabagalka iyo u fiirsiga dhawaqa shinnida waxa ay cilmibaadhayaashu ku hawlanaayeen muddo saddex sannadood ah, oo ay u guurgalayeen hannaanka shaqo iyo saamaynta uu dhawaqa ay shinnidu bixinaysaa ku yeesho firfircoonideeda, iyaga oo tusaale u qaatay saddex shabakadood oo kala duwan.  Sida uu wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriisku ku warramayna, yuuska ama dhawaqa shinnida waayoaragga ahi waxa uu kiciyaa tamarta shinnida kale, waxa aanu u suurtageliyaa in ay shaqadeeda u sii waddo si ka sii badan sidii hore. Firfircoonida iyo dhiirrigelintan waxa ay khubaradu ku masaaleen ka qofka lagu arko marka uu bunka cabbo.

Martin Bensik oo ka mid ahaa cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa isaguna sheegay, “Waxa aan ku qanacsanahay, in tirakoobyada maalinlaha ah ee hirarka dhawaqa ay shinnidu samaynaysay ay sawir cad innaga siinayso shaqada joogtada ah ee ay shinnidu waddo”

Cilmibaadhistani waxa ay muujisay in shinnidu dhawaqeeda ugu badan ee baraarujinta ah a ysamayso habeenkii, gaar ahaan marka ay ku gudo jirto shaqada diyaarinta cuntada ama daryeelka shinnida yaryar.

Waxa ay saynisyahannadu hore u ogaadeen in shinnidu ay adeegsato habab dhowr ah, oo ay ku xidhiidho iskuna dhiirrigeliso, waxa aana ka mid ah in ay dhawaq sii deyso, in ay gariir ku samayso shabakadda ama in ay duusho oo ay isugu dhex wareegto qaab jaas u eeg.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here